< Дії 19 >

1 Стало ся ж, як був Аполос у Коринті, пройшовши Павел верхні сторони, прибув у Єфес, і, знайшовши деяких учеників,
Haddaba waxaa dhacay, markii Abolloos Korintos joogay, in Bawlos oo soo dhex maray waddanka sare yimid Efesos, oo halkaas wuxuu kula kulmay kuwo xer ah.
2 рече до них: Чи прийняли ви Духа сьвятого, увірувавши? Вони ж казали йому: Ба й не чували, чи є Дух сьвятий.
Markaasuu ku yidhi iyagii, Ruuxa Quduuska ah ma hesheen markaad rumaysateen? Kolkaasay ku yidhaahdeen, Maya, maba aannu maqlin in Ruuxa Quduuska ahi jiro iyo in kale.
3 І рече до них: У що ж ви хрестились? Вони ж казали: В Йоанове хрещеннє.
Markaasuu ku yidhi, Haddaba maxaa laydinku baabtiisay? Oo waxay ku yidhaahdeen, Baabtiiskii Yooxanaa.
4 Рече ж Павел: Йоан хрестив хрещеннєм покаяння, глаголючи людям, щоб у Грядущого за ним вірували, се єсть в Христа Ісуса.
Bawlosna wuxuu ku yidhi, Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay baabtiiska toobadda, isagoo dadkii ku leh, Waa inaad rumaysataan kan iga daba iman doona, isagoo ula jeeda Ciise.
5 Почувши ж се, хрестились в імя Господа Ісуса.
Oo markay waxaas maqleen, waxaa iyagii lagu baabtiisay Rabbi Ciise magiciisa.
6 І, як положив на них Павел руки, зійшов Дух сьвятий на них, і заговорили мовами, і пророкували.
Markii Bawlos gacmaha dul saarayna ayaa Ruuxa Quduuska ahu ku soo degay iyagii; markaasay afaf kale ku hadleen oo ay wax sii sheegeen;
7 Було ж усїх до дванайцяти чоловік.
nimankii oo dhanna waxay ahaayeen abbaaraha laba iyo toban.
8 Увійшовши ж у школу, промовляв одважно три місяцї, розмовляючи і доводячи про царство Боже.
Haddaba sunagogga ayuu galay, oo meeshaas ayuu saddex bilood geesinimo kaga dhex hadlay, isagoo dadka la doodaya oo u soo jeedinaya waxyaalo ku saabsan boqortooyada Ilaah.
9 Як же деякі закаменіли, й не слухали, злословлячи путь (Господень) перед народом, відступив од них і відлучив учеників, та й що-дня розмовляв в школї одного Тирана.
Laakiin qaarkood markay madax adkaadeen oo caasiyoobeen, iyagoo xumaan kaga hadlaya Jidka dadkii badnaa hortooda, ayuu iyagii ka tegey oo xertii ka soo soocay, oo maalin walba ayuu dad kula doodi jiray iskoolka Turannos.
10 Се діялось два роки, так що всї, що проживали в Азиї, слухали слово Господа Ісуса, - Жиди й Єленяне.
Taasuna laba sannadood ay socotay, si dadkii Aasiya degganaa, oo Yuhuud iyo Gariigba lahaa, ay u wada maqleen ereyga Rabbiga.
11 І не малі чудеса робив Бог руками Павловими,
Ilaahna wuxuu gacmaha Bawlos ku sameeyey cajaa'ibyo khaas ah,
12 так що на недужих вкладали з тіла його хустки або рушники, й покидали їх недуги, й злі духи виходили з них.
sidaas aawadeedna waxaa jidhkiisa kuwii bukay looga keenay marooyin yaryar ama macawiso, markaasaa cudurradii iyagii daayeen, jinniyadiina waa ka baxeen.
13 Почали ж деякі з тиняючих ся Жидів-заклинателів іменувати над маючими духів лукавих імя Господа і Ісуса, говорячи: Заклинаємо вас Ісусом, котрого Павел проповідує.
Laakiin kuwo Yuhuudda wareegi jirtay ka mid ah oo jinniyosaarayaal ah baa waxay ku talo jireen inay kuwii jinniyada qabay ka dul yidhaahdaan magaca Rabbi Ciise, iyagoo leh, Waxaan idinku dhaarinayaa Ciisaha Bawlos dadka ku wacdiyo.
14 Було ж якихсь сім синів Скеви Жидовина архиєрея, що се робили.
Waxaa jiray oo sidaas sameeyey toddoba wiil oo Iskeba dhalay, kaasoo ahaa wadaad sare oo Yuhuudi ah.
15 Та дух лукавий озвавшись, казав: Ісуса знаю, і Павла знаю; ви ж хто такі?
Markaasaa jinnigii u jawaabay oo ku yidhi iyagii, Ciise ayaan garanayaa, Bawlosna waan aqaan, idinkuse yaad tihiin?
16 І кинувсь на них чоловік, що в йому був дух лукавий, і, опанувавши їх, подужав їх так, що нагі й зранені повтікали з того дому.
Haddaba ninkii jinniga qabay baa ku booday iyagii, wuuna ka xoog badiyey kulligood, oo ka adkaaday, sidaas darteed ayay gurigaas ka carareen, iyagoo qaawan oo dhaawacan.
17 Стало ся ж се відоме всїм Жидам і Єленянам, що жили в Єфесї; і попав страх на всіх їх, і величано імя Господа Ісуса.
Markaasaa waxaa taas wada ogaaday Yuhuuddii iyo Gariigtii oo dhan oo Efesos joogtay; baqdinna waa wada gashay dhammaantood, magaca Rabbi Ciisena waa la weyneeyey.
18 І многі з вірних приходили, і визнавали, і виявляли учинки свої.
Markaasaa qaar badan oo rumaystay yimaadeen iyagoo qiranaya oo caddaysanaya falimahooda.
19 Доволі ж багато з тих, що робили чари, позносивши книги свої, попалили перед усїма; і злічено ціну їх, і налїчено пятьдесять тисяч срібняків.
Kuwii sixir fali jirayna qaarkood intay kitaabbadoodii ururiyeen ayay dadka hortooda ku wada gubeen; wayna tiriyeen qiimadooda, oo waxay arkeen inay ahayd konton kun oo gogo' oo lacag ah.
20 Так потужно росло слово Господнє і укріплялось.
Sidaasaa ereygii Rabbigu xoog ugu batay oo u adkaaday.
21 Як же се сповнилось, постановив Павел у дусї, пройшовши через Македонию та Ахаю, ійти в Єрусалим, говорячи, що, побувши там, мушу й Рим побачити.
Haddaba markii waxyaalahaasu dhammaadeen ayaa Bawlos ruuxiisa kula talo jiray inuu Yeruusaalem tago markuu Makedoniya iyo Akhaya sii dhex maray dabadeed, isagoo leh, Markaan meeshaas tago dabadeed, waa inaan Roomana arko.
22 Піславши ж у Македонию двох послугуючих йому, Тимотея та Єраста, сам пробув ся) час ув Азиї.
Markaasuu wuxuu Makedoniya u diray laba ka mid ah kuwii isaga u adeegi jiray oo ahaa Timoteyos iyo Erastos, isaga qudhiisuse wuxuu ku hadhay Aasiya intii muddo ah.
23 Стала ся ж часу того немала трівога про Господень путь.
Haddaba waxaa wakhtigaas kacday rabshad aan yarayn oo ku saabsan Jidka.
24 Один бо, на ймя Димитрий, золотар, що робив срібні храми Артемиди, давав ремесникам немалий заробіток.
Maxaa yeelay, ninkoo Deemeetriyos la odhan jiray oo lacagtume ahaa, oo macbudyo yaryar oo Di'ana lacag ka samayn jiray, wuxuu sancaawiyadii u keeni jiray faa'iido aan yarayn;
25 Зібравши їх і инших сього дїла робітників, каже: Люде, ви знаєте, що з сього заробітку прожиток наш;
kuwaasoo uu isla soo ururiyey raggii la shuqul ahaa isagoo ku leh, Niman yahow, waad og tihiin inaynu shuqulkan ka helno hodantinimadeenna.
26 та бачите й чуєте, що не то в Єфесї, а мало не по всій Азиї сей Павел, пересьвідчивши, одвернув багато народу, говорячи, що нема богів рукотворних.
Waxaad arkaysaan oo aad maqlaysaan in Bawloskanu sasabay oo jeediyey dad badan, oo aan kuwii Efesos oo keliya ahayn, laakiin kuwii joogay Aasiya badidood, isagoo leh, Ilaahyo gacmo lagu sameeyo, ilaahyo ma aha.
27 І не тільки се ремеслу нашому грозить, прийти в упадок, та щоб і храм великої богині Артемиди не обернувсь у нїщо, і не пропало величче тієї, котрій вся Азия і вселенна покланяєть ся.
Khatar uma aha shuqulkeenna oo keliya in la quudhsado, laakiin waxay khatar u tahay oo kale in macbudka ilaahadda weyn oo Di'ana la fududaysto, weynaanteedana laga baabbi'iyo, taasoo Aasiya oo dhan iyo duniduba ay wada caabudaan.
28 Вислухавши се і сповнившись гнївом, закричали, говорячи: Велика Артемида Єфеська!
Oo markay taas maqleen, aad bay u cadhoodeen, wayna dhawaaqeen iyagoo leh, Waxaa weyn Di'anada reer Efesos.
29 І ввесь город був повен заколоту; і кинулись однодушне до театру, схопивши Гайя та Аристарха, Македонян, подорожніх товаришів Павлових.
Magaaladii oo dhammuna waa wada qasnayd; waxayna qabsadeen Gayos iyo Aristarkhos oo ahaa niman reer Makedoniya oo la socdaali jiray Bawlos, markaasay iyagoo isku wada qalbi ah te'atradii ku yaaceen.
30 Як же хотів Павел увійти між народ, не пустили його ученики.
Kolkii Bawlos damcay inuu dadkii dhex galo, xertii uma ay oggolaan isagii.
31 І деякі з Азийської старшини, бувши йому приятелями, піславши до него, благали, щоб не йшов до театру.
Haddaba qaar ka mid ah madaxda Aasiya oo saaxiibbo u ahaa isagii ayaa u soo cid diray, oo waxay ka baryeen inuusan isku biimayn te'atradii.
32 Инші ж що инше гукали; була бо громада заколочена, і більша з них (часть) не знала, чого посходились.
Haddaba qaar wax bay ku qayliyeen, qaar kalena wax kalay ku qayliyeen, maxaa yeelay, ururkii waa qasnaa, badidooduna ma ay garanayn waxay isugu yimaadeen.
33 З народу ж вивели Александра, і Жиди попихали його наперед. Александр же, махнувши рукою, хотів був оправдуватись перед народом.
Markaasay Aleksanderos ka soo saareen dadkii badnaa isagoo ay Yuhuuddii hore u soo tuurayaan. Markaasaa Aleksanderos gacan taagay, oo wuxuu damci lahaa inuu af isku daafaco dadka hortiisa.
34 Як же довідались, що він Жидовин, то всї гукали в один голос годин зо дві: Велика Артемида ЄФеська!
Laakiin kolkay garteen inuu Yuhuudi yahay ayay dhammaan intii laba saacadood ah isku cod ku qayliyeen iyagoo leh, Waxaa weyn Di'anada reer Efesos.
35 Утихомиривши ж писар народ, каже: Мужі ЄФеські, що б то був за чоловік, котрий не знав би, що город ЄФес шануватель великої богині Артемиди і Диопета!
Markuu karaanigii magaaladu aamusiiyey dadkii badnaa, ayuu ku yidhi, Nimankiinan reer Efesosow, ninkee baan oqoon in magaalada Efesos ay tahay ta ilaalisa macbudka Di'anada weyn iyo sanamkii Yubiter ka soo dhacay?
36 А коли нїчого проти сього не можна сказати, то треба вам угамуватись і нїчого нерозважно не робити.
Waxyaalahaasu waa wax aan la dafiri karin, sidaas daraaddeed waxaa idinku waajib ah inaad xasilloonaataan oo aydnaan samayn wax qamaam ah.
37 Привели бо ви чоловіків сих, що ні сьвятого не крали, нї богинї вашої не хулили.
Waayo, waxaad halkan keenteen nimankan iyagoo aan ahayn kuwo macbudyo dhaca ama kuwo caaya ilaahaddeenna.
38 Коли ж Димитрий та ремісники що з ним, мають з ким справу, то (на се) судді судять і є старости; нехай позивають один одного.
Sidaas daraaddeed haddii Deemeetriyos iyo kuwa la shuqul ah ay nin wax ku haystaan, maxkamadahu waa furan yihiin, xaakinnona waa jiraan; haddaba ha isdacweeyaan.
39 А коли чого иншого допевняєтесь, то у законному зборі розсудить ся.
Laakiin haddii aad doonaysaan wax ku saabsan axwaal kale, waxaa lagu gar gooyn doonaa ururkii sharciga.
40 Бо ще опасуємось, щоб не обвинувачено нас за сегоднїшню бучу, не маючи жадної причини, котрою могли б справдити се збіговище.
Haddaba waxaa khatar inoo ah in laynagu ashtakeeyo rabshaddii maanta aawadeed, iyadoo aan sababu u jirin; taasoo aynaan kari doonin inaynu wax ka sheegno buuqan.
41 І, се промовивши, розпустив громаду.
Oo goortuu waxyaalahaas ku hadlay dabadeed ayuu ururkii kala diray.

< Дії 19 >