< Дії 18 >

1 Після сього, покинувши Павел Атини, прийшов у Коринт,
Waxyaalahaas dabadeed Ateenay ayuu ka tegey, oo wuxuu yimid Korintos.
2 І, знайшовши одного Жидовина, на ймя Авкилу, родом Понтянина, тільки що прибувшого з Італиї, і Прискилу, жінку його (бо Клавдий повелїв, щоб усї Жиди вийшли з Риму), прийшов до них.
Meeshaasna wuxuu ka helay Yuhuudi Akula la odhan jiray, oo reer Bontos ah, oo mar dhow haweenaydiisa Bariskilla kala yimid Itaaliya, maxaa yeelay, Kalawdiyos baa ku amray Yuhuudda oo dhan inay Rooma ka tagaan; wuuna u yimid iyagii.
3 А, бувши одного з ними ремесла, пробував у них і робив; були бо наметники по ремеслу.
Isaguna la shuqul buu ahaa, sidaas darteed ayuu ula joogay iyagii, wayna shaqeeyeen; waayo, xagga shuqulkooda waxay ahaayeen taambuug-sameeyayaal.
4 І розмовляв що-суботи в школї, і пересьвідчував Жидів і Єленян.
Oo wuxuu sabti walba sunagogga kula doodi jiray oo soo jeedin jiray Yuhuud iyo Gariigba.
5 Як же прийшов з Македониї Сила та Тимотей, був Павел спонукуваний духом, сьвідкуючи Жидам про Христа Ісуса.
Laakiin markii Silas iyo Timoteyos Makedoniya ka yimaadeen, hadalka ayaa haystay Bawlos isagoo Yuhuudda hortooda ka sheegaya in Ciise yahay Masiixa.
6 Як же противились вони і хулили, струснувши він одежу, рече до них: кров ваша на голови ваші; я чистий; від нинї між погане йду.
Oo markay is hor taageen oo caytameen, isagu dharkiisuu hurgufay oo ku yidhi iyagii, Dhiiggiinnu madaxiinna ha dul ahaado; anigu nadiif baan ahay, hadda ka dib waxaan u tegi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn.
7 І, пійшовши звідтіля, прийшов у господу одного, на ймя Юста, що поклоняв ся Богу, котрого господа була обіч школи.
Markaasuu meeshaas ka tegey, oo wuxuu galay gurigii ninka Tiitos Yuustos la odhan jiray, kaasoo Ilaah caabudi jiray, oo gurigiisu ku xigay sunagogga.
8 Крисп же, шкільний старшина, увірував у Господа з усїм домом своїм, і многі з Коринтян, почувши, увірували, та й охрестились.
Markaasaa Kirisbos oo sunagogga u sarreeyey baa Rabbiga rumaystay, isaga iyo kuwii gurigiisa oo dhanba; kuwo badan oo reer Korintos ahna ayaa markay maqleen rumaystay, oo waa la baabtiisay.
9 Рече ж Господь у нічному видінню Павлу: Не бійся, тільки говори й не мовчи:
Haddaba Rabbiga ayaa wuxuu Bawlos habeennimo riyo ku yidhi, Ha cabsanin, laakiin hadal, hana aamusin;
10 бо я з тобою, і ніхто не одважить ся тобі нїчого лихого заподіяти; бо в мене багато людей у сьому городі.
maxaa yeelay, anaa kula jooga, ninnana kuma dhici doono inuu wax ku yeelo, waayo, dad badan baan magaaladan ku leeyahay.
11 І пробував там рік і шість місяців, навчаючи між ними слова Божого.
Meeshaasna sannad iyo lix bilood ayuu joogay, oo wuxuu dhexdooda barayay ereyga Ilaah.
12 Як же старостував Галион в Ахаї, напали однодушне Жиди на Павла, та й повели його перед суд,
Laakiin kolkii Galliyo ahaa taliyaha Akhaya, Yuhuuddii oo isku qalbi ah baa ku kacday Bawlos, oo waxay hor keeneen kursigii xukumaadda iyagoo leh,
13 говорячи, що він намовляє людей проти закону шанувати Бога.
Ninkanu wuxuu dadka yeelsiiyaa inay Ilaah u caabudaan si sharciga ka gees ah.
14 Як же хотів Павел одкрити уста. каже Галион до Жидів: Жидове, коли б (тут була) кривда яка, або лихе діло, вислухав би я вас (до слова).
Laakiin kolkii Bawlos u dhowaa inuu afkiisa kala qaado ayaa Galliyo Yuhuuddii ku yidhi, Kuwiinnan Yuhuudda ahow, xaajadii hadday tahay xaqdarro ama xumaan shar ah, sababtaas waan idiinku dulqaadan lahaa;
15 Коли ж (тут) питаннє про слово, та імена, та про закон ваш, то гледїть самі; суддею бо сього не хочу бути.
laakiin hadday yihiin su'aalo ku saabsan hadallo iyo magacyo iyo sharcigiinna, idinka qudhiinnu fiiriya, maxaa yeelay, anigu dooni maayo inaan waxyaalahaas xaakin u ahaado.
16 Та й повиганяв їх із судища.
Markaasuu iyagii ka eryay kursigii xukumaadda.
17 Тодї всі Єленяне, взявши Состена, шкільного старшину, били його перед судищем; та Галионові було про те байдуже.
Kolkaasay kulligood waxay qabteen Sostenees oo sunagogga u sarreeyey, wayna ku garaaceen isagii kursigii xukumaadda hortiisa. Galliyona dan kama gelin waxyaalahaas.
18 Павел же, пробувши там ще доволі днів, попрощавшись із братами, поплив у Сирию (а з ним Прискила й Авкила), остригши голову в Кинхреях; бо зробив був обітницю.
Markaasaa Bawlos maalmo badan sii joogay, dabadeed ayuu walaalihii ka tegey, oo wuxuu u dhoofay Suuriya, isagoo ay la socdaan Bariskilla iyo Akula, wuxuuna Kenekhreya hore ugu xiirtay madaxa, maxaa yeelay, nidar buu galay.
19 Прибувши ж у Єфес, зоставив тих там, сам же, ввійшовши в школу, розмовляв з Жидами.
Markaasay waxay yimaadeen Efesos, oo halkaasuu iyagii kaga tegey; laakiin isagu wuxuu galay sunagogga oo la dooday Yuhuuddii.
20 Як же просили його, щоб довший час побув у них, не зволив,
Oo markay weyddiisteen inuu wakhti ka sii dheer joogo, ma uu oggolaan;
21 а попрощав ся з ними, говорячи: Притьмом мушу сьвято, що надходить, сьвяткувати в Єрусалимі; та вернусь знов до вас, коли буде воля Божа. І поплив з Єфесу.
laakiin markuu ka tegey ayuu ku yidhi, Mar kalaan idiin soo noqon doonaa haddii Ilaah doonayo, markaasuu Efesos ka dhoofay.
22 А прибувши в Кесарию, вступив (до Єрусалиму), і привитавши церкву, пійшов ув Антиохию.
Oo markuu Kaysariya ku soo degay, ayuu wuxuu u aaday oo salaamay kiniisadda, markaasuu Antiyokh aaday.
23 І, пробувши тут час якийсь, вийшов, проходячи рядом Галацьку сторону та Фригию, і утверджуючи всїх учеників.
Markuu intii mudda ah meeshaas joogayna, wuu ka tegey, markaasuu meel meel u sii dhex maray dalalka Galatiya iyo Farugiya isagoo xertii adkaynaya.
24 Один же Жидовин, на ймя Аполос, родом Александриєць, чоловік вимовний і сильний у писаннях, прийшов у Єфес.
Haddaba waxaa Efesos yimid Yuhuudi Abolloos la odhan jiray oo reer Iskanderiya ahaa, oo wuxuu ahaa nin hadalyaqaan ah, oo Qorniinka garasho xoog leh u leh.
25 Сей був наставлений на путь Господень, і палаючи духом, промовляв і навчав пильно про Господа, знаючи тільки про хрещеннє Йоанове.
Ninkaas jidka Rabbiga hore baa loo baray; oo isagoo ruuxa ku kulul ayuu ku hadlay oo hagaag u baray waxyaalihii Ciise ku saabsanaa, isagoo garanaya baabtiiskii Yooxanaa oo keliya;
26 І почав одважно говорити в школі. Слухаючи ж його Авкила та Прискила, прийняли його, і виложили йому доладнїщ путь Господень.
oo wuxuu bilaabay inuu geesinimo kaga dhex hadlo sunagogga. Laakiin Bariskilla iyo Akula, markay maqleen isagii, ayay kaxaysteen, kolkaasay aad ugu sii caddeeyeen jidka Ilaah.
27 Як же захотїв він перейти в Ахаю, писали брати ученикам, напоминаючи прийняти його; а він прибувши, много помагав тим, що увірували благодаттю;
Oo markuu damcay inuu u sii dhaafo Akhaya, ayaa walaalihii dhiiro geliyeen, oo waxay xerta u qoreen inay soo dhoweeyaan isagii; markuu yimidna aad buu u caawiyey iyagii, kuwaasoo nimco ku rumaystay,
28 сильно бо обличав Жидів прилюдно, доводячи писаннями, що Ісус єсть Христос.
maxaa yeelay, si xoog leh ayuu Yuhuuddii u garansiiyey oo caddaan ugu tusay Qorniinka in Ciise yahay Masiixa.

< Дії 18 >