< Sabuurradii 116 >

1 Rabbiga waan jeclahay, maxaa yeelay, wuxuu maqlay Codkaygii iyo baryootankaygii.
Ndimakonda Yehova pakuti Iyeyo amamva mawu anga; Iye amamva kulira kwanga kopempha chifundo.
2 Dhegtuu ii dhigay, Sidaas daraaddeed isagaan baryi doonaa intaan noolahay oo dhan.
Pakuti ananditchera khutu, ndidzayitana Iye masiku onse a moyo wanga.
3 Xadhkihii dhimashada ayaa i hareereeyey, Xanuunkii She'oolna waa i qabsaday. Oo waxaan la kulmay dhib iyo murug. (Sheol h7585)
Zingwe za imfa zinandizinga, zoopsa za ku dziko la anthu akufa zinandigwera; ndinapeza mavuto ndi chisoni. (Sheol h7585)
4 Markaasaan ku baryootamay magaca Rabbiga, Anigoo leh, Rabbiyow, naftayda samatabbixi.
Pamenepo ndinayitana dzina la Yehova: “Inu Yehova, pulumutseni!”
5 Rabbigu waa nimco miidhan, waana xaq, Haah, oo Ilaaheennu waa naxariis badan yahay.
Yehova ndi wokoma mtima ndi wolungama Mulungu wathu ndi wodzaza ndi chifundo.
6 Rabbigu kuwa garaadka daran wuu dhawraa, Hoos baa la ii soo dejiyey, kolkaasuu i badbaadshay.
Yehova amateteza munthu wodzichepetsa mtima; pamene ndinali ndi chosowa chachikulu, Iye anandipulumutsa.
7 Naftaydoy, nasashadaadii ku noqo, Waayo, Rabbigu wax badan oo wanaagsan buu kuu sameeyey.
Pumula iwe moyo wanga, pakuti Yehova wakuchitira zokoma.
8 Waayo, naftayda waxaad ka samatabbixisay dhimasho, Indhahaygana ilmo, Cagahaygana kufid.
Pakuti Inu Yehova mwapulumutsa moyo wanga ku imfa, maso anga ku misozi, mapazi anga kuti angapunthwe,
9 Waxaan ku socon doonaa Rabbiga hortiisa Anigoo dhex jooga dalka kuwa nool.
kuti ine ndiyende pamaso pa Yehova mʼdziko la anthu amoyo.
10 Waan rumaysnaa, oo markaan hadlay Aad baa la ii dhibay,
Ine ndinakhulupirira; choncho ndinati, “Ndasautsidwa kwambiri.”
11 Anigoo degdegsan baan waxaan idhi, Dadka oo dhammu waa beenaalayaal.
Ndipo ndili mʼnkhawa yanga ndinati, “Anthu onse ndi abodza.”
12 Bal maxaan Rabbiga uga celiyaa Waxyaalihii uu ii taray oo dhan?
Ndingamubwezere chiyani Yehova, chifukwa cha zokoma zake zonse zimene wandichitira?
13 Waxaan qaadan doonaa koobka badbaadada, Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa.
Ndidzakweza chikho cha chipulumutso ndipo ndidzayitana dzina la Yehova.
14 Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii, Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda.
Ndidzakwaniritsa malonjezo anga kwa Yehova pamaso pa anthu ake onse.
15 Rabbiga hortiisa dhimashada quduusiintiisa Ayaa qiimo weyn ku leh.
Imfa ya anthu oyera mtima ndi yamtengowapatali pamaso pa Yehova.
16 Rabbiyow, sida runta ah waxaan ahay addoonkaaga, Waxaan ahay addoonkaaga, oo ah wiilka addoontaada, Silsiladahaygii waad iga furtay.
Inu Yehova, zoonadi ndine mtumiki wanu: ndine mtumiki wanu, mwana wa mdzakazi wanu; Inu mwamasula maunyolo anga.
17 Waxaan kuu soo bixin doonaa allabarigii mahadnaqidda, Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa.
Ndidzapereka nsembe yachiyamiko kwa Inu ndipo ndidzayitanira pa dzina la Yehova.
18 Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii, Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda,
Ndidzakwaniritsa malonjezo anga kwa Yehova pamaso pa anthu ake onse,
19 Iyo guriga Rabbiga barxadihiisa, Iyo dhexdaada, Yeruusaalemay. Rabbiga ammaana.
mʼmabwalo a nyumba ya Yehova, mʼkati mwako iwe Yerusalemu. Tamandani Yehova.

< Sabuurradii 116 >