< Yooxanaa 17 >

1 Waxyaalahaas Ciise ayaa ku hadlay, markaasuu indhihiisii kor u qaaday xagga samada oo yidhi, Aabbow, saacaddii way timid. Ammaan Wiilkaaga inuu Wiilku ku ammaano,
When Jesus had thus spoken, he lifted up his eyes to heaven, and said, Father! the hour is come; glorify thy Son, that the Son may glorify thee;
2 sidaad amar ugu siisay dadka oo dhan inuu nolosha weligeed ah siiyo kuwaad isaga siisay oo dhan. (aiōnios g166)
according as thou gavest him authority over all flesh, that he should give everlasting life to all whom thou hast given him. (aiōnios g166)
3 Tanu waa nolosha weligeed ah inay ku gartaan, adoo ah Ilaaha runta ah oo keliya, iyo inay gartaan Ciise Masiix, kii aad soo dirtay. (aiōnios g166)
And this is the everlasting life, to know thee, the only true God, and Jesus Christ whom thou didst send. (aiōnios g166)
4 Dhulka ayaan kugu ammaanay, anoo dhammeeyey shuqulkaad ii dhiibtay inaan sameeyo.
I have glorified thee on the earth, having finished the work which thou gavest me to do;
5 Haddana, Aabbow, adiga qudhaadu igu ammaan ammaantaan kula lahaa intaan dunidu jirin.
and now, Father! do thou glorify me with thyself, with the glory which I had with thee before the world was.
6 Magacaagaan u muujiyey dadkii aad dunida iga siisay. Kuwaagii bay ahaayeen, oo anaad i siisay, iyaguna ereygaagay xajiyeen.
I manifested thy name to the men whom thou gavest me out of the world. Thine they were, and thou gavest them to me; and they have kept thy word.
7 Hadda waxay garanayaan wax kastoo aad i siisayba inay xaggaaga ka yimaadeen.
Now they know that all things whatever thou hast given me are from thee;
8 Waayo, erayadaad i siisay ayaan siiyey iyaga, wayna aqbaleen, run ahaan bayna u garteen inaan kaa imid, wayna rumaysteen inaad i soo dirtay.
for I have given to them the words which thou hast given me; and they received them, and knew surely that I came forth from thee, and believed that thou didst send me.
9 Iyaga waan kuu baryayaa; kuu baryi maayo dunida, laakiin waxaan kuu baryayaa kuwaad i siisay, waayo, waa kuwaagii.
I pray for them; I pray not for the world, but for those whom thou hast given me; for they are thine;
10 Waxayga oo dhan adaa leh, waxaagana anaa leh, iyagana waan ku ammaanmay.
and all things that are mine are thine, and thine are mine; and I am glorified in them.
11 Anigu dunida sii joogi maayo; kuwanuse duniday joogayaan, aniguna waan kuu imanayaa. Aabbe Quduusow, iyaga ku hay magacaagii aad i siisay, inay mid ahaadaan sideenna oo kale.
And I am no longer in the world; and they are in the world, and I come to thee. Holy Father! keep them in thy name which thou hast given me, that they may be one, even as we are.
12 Intaan iyaga la jiray, waxaan iyaga ku hayay magacaagii aad i siisay, waanan ilaaliyey, midkoodna ma lumin, wiilka halaagga maahee, in Qorniinku ahaado.
While I was with them, I kept them in thy name which thou hast given me, and guarded them; and no one of them is lost except the son of perdition, that the Scripture may be fulfilled.
13 Haddana waan kuu imanayaa, oo waxyaalahan ayaan ku hadlayaa intaan dunida joogo inay haystaan farxaddayda oo ay ka buuxsanto iyaga.
But now I come to thee; and these things I speak in the world, that they may have my joy made full in them.
14 Ereygaagii ayaan siiyey, oo dunidu waa nebcaatay, waayo, iyagii kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn.
I have given them thy word; and the world hath hated them, because they are not of the world, even as I am not of the world.
15 Kaa baryi maayo inaad iyaga dunida ka qaaddid, waxaanse kaa baryayaa inaad ka dhawrtid kan sharka leh.
I do not pray thee to take them out of the world, but to keep them from evil.
16 Iyagu kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn.
They are not of the world, even as I am not of the world.
17 Iyaga quduus kaga dhig runta, ereygaagu waa rune.
Sanctify them in thy truth; thy word is truth.
18 Sidaad dunida iigu soo dirtay ayaan anna iyaga dunida ugu diray.
As thou didst send me into the world, I also sent them into the world.
19 Oo aawadood ayaan quduus iskaga dhigaa, in iyagana xagga runta quduus lagaga dhigo.
And in their behalf I sanctify myself, that they also may be sanctified in the truth.
20 Kuwan oo keliya kuu baryi maayo, waxaanse weliba kuu baryayaa kuwa igu rumaysanaya hadalkooda aawadiis,
Yet not for these alone do I pray, but also for those who believe in me through their word;
21 inay dhammaan mid ahaadaan, sidaad adigu, Aabbow, iigu jirtid, aniguna aan kuugu jiro, inay iyaguna inoogu jiraan, in dunidu rumaysato inaad i soo dirtay.
that they all may be one; as thou, Father, art in me and I in thee, that they also may be in us, that the world may believe that thou didst send me.
22 Oo ammaantaad i siisay iyagaan siiyey, inay mid ahaadaan sidaynu mid u nahay.
And the glory which thou hast given me, I have given them, that they may be one, even as we are one;
23 Iyagaan ku jiraa, adna anigaad igu jirtaa, inay mid ku dhan yihiin, in dunidu garato inaad i soo dirtay, iyo inaad iyaga u jeclaatay, sidaad ii jeclaatay.
I in them, and thou in me, that they may be made perfect in one, that the world may know that thou hast sent me, and hast loved them, as thou hast loved me.
24 Aabbow, kuwaad i siisay waan doonayaa inay ila joogaan meeshaan joogo inay arkaan ammaantaydii aad i siisay, waayo, adaa i jeclaa intaan dunida la aasaasin.
Father! as to that which thou hast given me, I desire that they also be with me where I am, that they may behold my glory which thou hast given me; for thou lovedst me before the foundation of the world.
25 Aabbaha xaqa ahow, dunidu kuma ay garanaynin, laakiinse waan ku garanayay; kuwanna waxay garanayeen inaad i soo dirtay.
Righteous Father! and yet the world knew thee not! but I knew thee, and these knew that thou didst send me.
26 Magacaagaan iyagii garansiiyey, waanan garansiin doonaa, in jacaylkii aad i jeclayd uu ku jiro iyaga, anna aan iyaga ku jiro.
And I made known to them thy name, and will make it known; that the love wherewith thou hast loved me may be in them, and I in them.

< Yooxanaa 17 >