< Yooxanaa 16 >

1 Waxaan waxyaalahaas idiinkula hadlay inaydnaan ka xumaanin.
These things have I spoken to you, that ye may not fall away.
2 Waxay idinka saari doonaan sunagogyada, weliba saacaddaa imanaysa in mid walboo idin dilaa uu u malaynayo inuu Ilaah u adeegayo.
They will put you out of the synagogues; yea, the hour is coming when every one that killeth you will think that he is offering sacrifice to God.
3 Oo waxay waxyaalahaas u samayn doonaan, waayo, waxaanay garanayn Aabbaha iyo aniga toona.
And these things will they do, because they neither know the Father nor me.
4 Laakiin waxaan waxyaalahaas idiinkula hadlay in markii saacaddoodu timaado aad xusuusataan inaan idiin sheegay. Tan iyo bilowgii waxyaalahaas idinkulama hadlin, maxaa yeelay, waan idinla joogay.
But I have spoken these things to you, that, when the time cometh, ye may remember that I myself told you of them. But these things I told you not at the beginning, because I was with you.
5 Laakiin hadda waxaan u tegayaa kii i soo diray, midkiinna i weyddiin maayo, Xaggee baad tegaysaa?
But now I go to him that sent me; and none of you asketh me, Whither goest thou?
6 Waxyaalahaas aan idinkula hadlay aawadood, qalbigiinna murug baa ka buuxsantay.
But because I have spoken these things to you, sorrow hath filled your hearts.
7 Laakiin runta ayaan idiin sheegayaa, Waxaa idiin roon inaan tago. Haddaanan tegin, Gargaaruhu idiinma iman doono, laakiin haddaan tago waan idiin soo diri doonaa.
But I tell you the truth; it is expedient for you that I depart. For if I do not depart, the Comforter will not come to you; but if I go, I will send him to you.
8 Isagu markuu yimaado wuxuu dunida ku caddayn doonaa xagga dembiga iyo xaqa iyo xukunka;
And when he is come, he will bring conviction to the world, of sin, and of righteousness, and of judgment.
9 xagga dembiga, waayo, way i rumaysan waayeen;
Of sin, because they believe not in me;
10 xagga xaqa, waayo, Aabbahaan u tegayaa, imana arki doontaan mar dambe;
of righteousness, because I go to the Father, and ye see me no more;
11 xagga xukunka, waayo, kan madaxda dunida ah waa la xukumay.
of judgment, because the prince of this world hath been judged.
12 Wax badan oo kalaan leeyahay inaan idiin sheego, laakiin imminka qaadi kari maysaan.
I have yet many things to say to you, but ye cannot bear them now.
13 Laakiin markuu kan Ruuxa runta ahu yimaado, wuxuu idinku wadi doonaa runta oo dhan, waayo, isagu iskama hadli doono, wuxuuse ku hadli doonaa wuxuu maqlo, wuxuuna idiin sheegi doonaa waxa imanaya.
But when he, the Spirit of truth, is come, he will guide you into all the truth. For he will not speak from himself, but whatever he shall hear, that he will speak; and he will tell you the things to come.
14 Wuu i ammaani doonaa, waayo, waxayguu qaadi doonaa, wuuna idiin sheegi doonaa.
He will glorify me, for he will receive of what is mine, and will tell it to you.
15 Wax kasta oo Aabbuhu leeyahay anigaa leh. Sidaa daraaddeed waxaan idhi, Waxayguu qaadaa, wuuna idiin sheegi doonaa.
Every thing that the Father hath is mine. For this cause I said, that he receiveth of what is mine, and will tell it to you.
16 In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan.
A little while, and ye no longer behold me; and again a little while, and ye will see me.
17 Sidaa daraaddeed xertiisa qaarkood waxay isku yidhaahdeen, Waa maxay waxan uu inagu leeyahay, In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan, iyo, Maxaa yeelay, Aabbahaan u tegayaa?
Some of his disciples therefore said to one another, What is this that he saith to us, A little while, and ye behold me not, and again a little while, and ye will see me? and, Because I go to the Father?
18 Haddaba waxay yidhaahdeen, Waa maxay waxan uu leeyahay, In yar dabadeed? Garan mayno wuxuu leeyahay.
They said therefore, What is this that he saith, A little while? We do not know what he is speaking of.
19 Ciise ayaa garanayay inay doonayeen inay wax weyddiiyaan, oo wuxuu ku yidhi, Ma waxaad isweyddiinaysaan xaalkan aan idhi, In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan?
Jesus knew that they were desirous of asking him, and said to them, Is it of this that ye are inquiring of one another, that I said, A little while, and ye behold me not, and again a little while, and ye will See me?
20 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Waad ooyi doontaan oo barooran doontaan, duniduse waa farxi doontaa. Waad murugoon doontaan, laakiin murugaddiinnu waxay u rogman doontaa farxad.
Truly, truly do I say to you, that ye will weep and lament, but the world will rejoice; ye will be sorrowful, but your sorrow will be turned into joy.
21 Naagtu goortay umulayso, way murugootaa, waayo, saacaddeedaa timid, laakiin markay ilmaha umusho, dhibtii dib uma xusuusato farxad aawadeed, waayo, nin baa dunida ku dhashay.
A woman when she is in travail hath sorrow, because her hour is come; but as soon as she is delivered of the child, she remembereth no more the anguish, through joy that a man is born into the world.
22 Haddaba waad murugsan tihiin, laakiin mar dambe ayaan idin arki doonaa, qalbigiinnuna wuu farxi doonaa, farxaddiinnana ninna idinkama qaadi doono.
So ye also now have sorrow; but I shall see you again, and your heart will rejoice, and your joy no one taketh from you.
23 Oo maalintaasna waxba ima weyddiin doontaan. Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddii aad wax uun weyddiisataan Aabbaha, magacayga ayuu idinku siin doonaa.
And in that day ye will ask nothing of me. Truly, truly do I say to you, Whatever ye shall ask the Father, he will give it you in my name.
24 Tan iyo imminka waxba magacayga kuma weyddiisan. Weyddiista, waanad heli doontaan, inay farxaddiinnu buuxsanto.
Hitherto ye have asked nothing in my name; ask, and ye will receive, that your joy may be made full.
25 Waxyaalahaas ayaan masaallo idinkula hadlay. Waxaa imanaysa goortii aanan mar dambe masaallo idinkula hadli doonin, laakiin aan bayaan idiinkaga warrami doono Aabbaha.
These things I have spoken to you in parables. The time is coming, when I shall no more speak to you in parables, but shall tell you plainly of the Father.
26 Maalintaas waxaad ku weyddiisan doontaan magacayga. Idinkuma lihi inaan Aabbaha baryayo daraaddiin.
In that day ye will ask in my name; and I do not tell you that I will pray the Father for you;
27 Waayo, Aabbaha qudhiisu wuu idin jecel yahay, maxaa yeelay, waad i jeclaateen, oo waadna rumaysateen inaan xagga Ilaah ka imid.
for the Father himself loveth you, because ye have loved me, and have believed that I came forth from God.
28 Aabbaha ayaan ka imid oo dunida imid. Haddana waan ka tegayaa dunida oo Aabbahaan u tegayaa.
I came forth from the Father, and have come into the world; again, I leave the world, and go to the Father.
29 Xertiisii ayaa ku tidhi, Bal eeg, bayaan baad hadda u hadlaysaaye, oo masaal ku hadli maysid.
His disciples say, Lo! now thou speakest plainly, and speakest no parable.
30 Imminka waannu garanaynaa inaad wax walba taqaan, oo aadan u baahnayn qofna inuu wax ku weyddiiyo. Taas aawadeed waannu rumaysan nahay inaad Ilaah ka timid.
Now are we sure that thou knowest all things, and needest not that any one should ask thee; by this we believe that thou camest forth from God.
31 Ciise ayaa ugu jawaabay, Hadda ma rumaysan tihiin?
Jesus answered them, Do ye now believe?
32 Ogaada, saacaddii baa imanaysa, waana timid, kolkaad u kala firdhi doontaan mid kasta xaggiisa, anna keligay baad iga tegi doontaan, oo weliba keligay ma ihi, waayo, waxaa ila jooga Aabbaha.
Behold, the hour is coming, yea, is now come, when ye will be scattered, every one to his own, and will leave me alone; and yet I am not alone, because the Father is with me.
33 Waxyaalahaas waxaan idiinkula hadlay inaad nabad igu haysataan. Dunida ayaad dhib kala kulantaan, laakiinse kalsoonaada, anaa ka adkaaday dunidaye.
These things I have spoken to you, that in me ye may have peace. In the world ye have tribulation; but be of good cheer; I have overcome the world.

< Yooxanaa 16 >