< Yexesqeel 15 >

1 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
耶和华的话临到我说:
2 Wiilka Aadamow, geedka canabku bal muxuu dhirta kale dheer yahay, amase laanta canabku maxay dhirta kaynta ku taal dheer tahay?
“人子啊,葡萄树比别样树有什么强处?葡萄枝比众树枝有什么好处?
3 Ma qoryaa laga goostaa in shuqul lagu samaysto? Miyaase dadku qodob ka goostaa si ay weel u sudhaan?
其上可以取木料做什么工用,可以取来做钉子挂什么器皿吗?
4 Bal eeg, xaabo ahaan baa dabka loogu dhex tuuraa, oo dabka ayaa labadiisa madaxba dhammeeya, oo dhexdiisuna way gubataa. Miyuu in shuqul lagu qabsado wax u taraa?
看哪,已经抛在火中当作柴烧,火既烧了两头,中间也被烧了,还有益于工用吗?
5 Bal eeg, markuu dhamaa shuqulna waxba uma tarayn, haddaba bal intee buu ka sii liitaa haatan oo uu dab dhammeeyey oo uu gubtay?
完全的时候尚且不合乎什么工用,何况被火烧坏,还能合乎什么工用吗?”
6 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Sidii geedka canabka ah oo ku dhex yaal dhirta kaynta, oo aan xaabo ahaan dabka u siiyey, sidaas oo kale ayaan dadka Yeruusaalem deggan u siin doonaa.
所以,主耶和华如此说:“众树以内的葡萄树,我怎样使它在火中当柴,也必照样待耶路撒冷的居民。
7 Oo wejigaygaan u soo jeedin doonaa. Dabkay ka dhex bixi doonaan laakiinse dabku wuu baabbi'in doonaa; oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan iyaga wejigayga u jeediyo.
我必向他们变脸;他们虽从火中出来,火却要烧灭他们。我向他们变脸的时候,你们就知道我是耶和华。
8 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dalkaan cidla ka dhigi doonaa, maxaa yeelay, iyagu way xadgudbeen.
我必使地土荒凉,因为他们行事干犯我。这是主耶和华说的。”

< Yexesqeel 15 >