< Daanyeel 1 >

1 Sannaddii saddexaad oo boqornimadii boqorkii Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim waxaa Yeruusaalem yimid oo hareereeyey boqorkii Baabuloon oo ahaa Nebukadnesar.
犹大王约雅敬在位第三年,巴比伦王尼布甲尼撒来到耶路撒冷,将城围困。
2 Sayidkuna gacantiisuu geliyey boqorkii Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim iyo weelashii guriga Ilaah qaarkood, markaasuu u qaaday waddanka la yidhaahdo Shincaar, iyo gurigii ilaahiisa; oo weelashiina wuxuu geliyey gurigii ilaahiisa khasnadda u ahaa.
主将犹大王约雅敬,并 神殿中器皿的几分交付他手。他就把这器皿带到示拿地,收入他神的庙里,放在他神的库中。
3 Markaasaa boqorkii la hadlay Ashfenas oo madax u ahaa raggiisii bohommada ahaa, oo wuxuu u sheegay inuu keeno reer binu Israa'iil qaar ka mid ah, oo weliba ah kuwo ka soo farcamay reer boqor, iyo kuwa gobta ah;
王吩咐太监长亚施毗拿,从以色列人的宗室和贵胄中带进几个人来,
4 kuwo dhallinyar oo aan iin lahayn, oo qurqurxoon, oo xagga xigmadda oo dhan ku dheer, oo aqoon badan, oo waxgarasho leh, iyo inta awood u leh inay guriga boqorka istaagaan, iyo inuu iyaga tacliinta iyo afka reer Kaldayiin baro.
就是年少没有残疾、相貌俊美、通达各样学问、知识聪明俱备、足能侍立在王宫里的,要教他们迦勒底的文字言语。
5 Boqorkiina wuxuu rukun uga dhigay iyagii in ka mid ah cuntadiisii wanaagsanayd iyo khamrigii uu cabbi jiray, oo wuxuu amray in intii saddex sannadood ah la quudiyo si ay dabadeed boqorka isu hor taagaan.
王派定将自己所用的膳和所饮的酒,每日赐他们一分,养他们三年。满了三年,好叫他们在王面前侍立。
6 Kuwaasna waxaa ku jiray, oo reer Yahuudah ka mid ahaa, Daanyeel, Xananyaah, Miishaa'eel, iyo Casaryaah.
他们中间有犹大族的人:但以理、哈拿尼雅、米沙利、亚撒利雅。
7 Markaasaa amiirkii bohommada ayaa magacyo u baxshay oo Daanyeel wuxuu u baxshay Beelteshaasar, Xananyaahna wuxuu u baxshay Shadrag; Miishaa'eelna wuxuu u baxshay Meeshag; Casaryaahna wuxuu u baxshay Cabeednegoo.
太监长给他们起名:称但以理为伯提沙撒,称哈拿尼雅为沙得拉,称米沙利为米煞,称亚撒利雅为亚伯尼歌。
8 Daanyeelna wuxuu qalbiga ku haystay inuusan isku nijaasayn cuntada wanaagsan ee boqorka iyo khamriga uu cabbo toona; sidaas daraaddeed wuxuu amiirkii bohommada weyddiistay inuu u oggolaado inuusan isnijaasayn.
但以理却立志不以王的膳和王所饮的酒玷污自己,所以求太监长容他不玷污自己。
9 Haddaba Ilaah wuxuu ka dhigay in Daanyeel raallinimo iyo raxmad ka helo amiirkii bohommada.
神使但以理在太监长眼前蒙恩惠,受怜悯。
10 Markaasaa amiirkii bohommadu Daanyeel ku yidhi, Waxaan ka cabsanayaa sayidkayga boqorka ah, oo rukunka idiinka dhigay cuntadiinna iyo cabbitinkiinna, waayo, muxuu u arki wejiyadiinna oo ka liita kuwa dhallinyarada ah ee aad isku da'da tihiin? Sidaasaad madaxayga khatar ugu gelinaysaan boqorka hortiisa.
太监长对但以理说:“我惧怕我主我王,他已经派定你们的饮食,倘若他见你们的面貌比你们同岁的少年人肌瘦,怎么好呢?这样,你们就使我的头在王那里难保。”
11 Markaasaa Daanyeel ku yidhi wakiilkii, amiirka bohommadu ka dhigay inuu u taliyo Daanyeel, iyo Xananyaah, iyo Miishaa'eel, iyo Casaryaah,
但以理对太监长所派管理但以理、哈拿尼雅、米沙利、亚撒利雅的委办说:
12 Waan ku baryayaaye, intii toban maalmood ah na tijaabi annagoo addoommadaada ah, oo ha nala siiyo atar aan cunno iyo biyo aan cabnoba.
“求你试试仆人们十天,给我们素菜吃,白水喝,
13 Dabadeedna wejiyadayada hortaada ha lagu fiiriyo iyo wejiga dhallinyarada boqorka cuntadiisa cunta; oo markaas annagoo ah addoommadaada sidii aad nagu aragtid noola macaamilo.
然后看看我们的面貌和用王膳那少年人的面貌,就照你所看的待仆人吧!”
14 Sidaasuu uga dhegaystay xaaladdaas, oo intii toban maalmood ah ayuu tijaabiyey.
委办便允准他们这件事,试看他们十天。
15 Markay tobankii maalmood dhammaadeen, way ka weji qurxoonaayeen, wayna ka buurbuurnaayeen dhallinyaradii cuntada boqorka wax ka cuni jirtay oo dhan.
过了十天,见他们的面貌比用王膳的一切少年人更加俊美肥胖。
16 Sidaas daraaddeed wakiilkii waa ka qaaday cuntadoodii iyo khamrigii ay cabbi jireen, oo wuxuu siiyey atar.
于是委办撤去派他们用的膳,饮的酒,给他们素菜吃。
17 Haddaba afartaas nin oo dhallinyarada ahaa Ilaah wuxuu siiyey aqoon, iyo inay tacliin iyo xigmad oo dhan ku dheeraadaan; Daanyeelna wuxuu garan jiray waxyaalo la tuso iyo riyooyin oo dhan.
这四个少年人, 神在各样文字学问上赐给他们聪明知识;但以理又明白各样的异象和梦兆。
18 Oo markii wakhtigii boqorku yidhi, Ha la ii keeno, dhammaaday ayuu amiirkii bohommadu keenay iyagii Nebukadnesar hortiisa.
尼布甲尼撒王预定带进少年人来的日期满了,太监长就把他们带到王面前。
19 Boqorkiina markaasuu la hadlay iyagii, oo kulligoodna lagama helin mid la mid ah Daanyeel, iyo Xananyaah, iyo Miishaa'eel, iyo Casaryaah; sidaas daraaddeed boqorkii bay is-hor taageen.
王与他们谈论,见少年人中无一人能比但以理、哈拿尼雅、米沙利、亚撒利雅,所以留他们在王面前侍立。
20 Waxyaalihii boqorku weyddiiyey oo ku saabsan xigmadda iyo waxgarashada, wuxuu ogaaday inay toban jeer kaga fiican yihiin saaxiriintii iyo xiddigiyayaashii boqortooyadiisa joogay oo dhan.
王考问他们一切事,就见他们的智慧聪明比通国的术士和用法术的胜过十倍。
21 Daanyeelna waa sii joogay tan iyo boqorkii Kuuros sannaddiisii kowaad.
到塞鲁士王元年,但以理还在。

< Daanyeel 1 >