< Sharciga Kunoqoshadiisa 3 >

1 Markaasaynu leexannay oo waxaynu fuulnay jidka Baashaan u baxa, kolkaasaa waxaa inagu soo baxay Coog oo ahaa boqorkii Baashaan iyo dadkiisii oo dhan inay inagula diriraan Edrecii.
Then turning we took the road to Bashan: and Og, king of Bashan, came out against us with all his people, and made an attack on us at Edrei.
2 Markaasuu Rabbigu igu yidhi, Isaga ha ka cabsan, waayo, gacantaan kuu geliyey isaga iyo dadkiisa oo dhan iyo dalkiisaba, oo waxaad isaga ku samaysaa wixii aad ku samaysay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo Xeshboon degganaa.
And the Lord said to me, Have no fear of him: for I have given him and all his people and his land into your hands; do to him as you did to Sihon, king of the Amorites, who was ruling in Heshbon.
3 Oo sidaasuu Rabbiga Ilaaheenna ahu Coogna oo ahaa boqorkii Baashaan iyo dadkiisii oo dhanba gacanteenna u soo geliyey, oo waynu wada laynay ilaa aan isagii midna u hadhin.
So the Lord our God gave up Og, king of Bashan, and all his people into our hands; and we overcame him so completely that all his people came to their end in the fight.
4 Oo waagaasaynu magaalooyinkiisii oo dhan wada qabsannay, oo magaalo aynaan isaga ka qabsan lama arag, oo waxaynu qabsannay lixdan magaalo oo ahayd gobolkii Argob oo dhan, kaasoo ahaa boqortooyadii Coog ee Baashaan ku tiil.
At that time we took all his towns; there was not one town of the sixty towns, all the country of Argob, the kingdom of Og in Bashan, which we did not take.
5 Oo intaas oo dhammu waxay ahaayeen magaalooyin ay ku wada deyran yihiin derbiyo dhaadheer iyo irdo iyo qataarro, oo aanay ku jirin magaalooyin faro badan oo aan deyrnayn.
All these towns had high walls round them with doors and locks; and in addition we took a great number of unwalled towns.
6 Oo dhammaantood waynu wada duminnay, oo waxaynu ku samaynay sidii aynu Siixon oo boqorkii Xeshboon ahaa ku samaynay oo kale, waynu wada baabbi'innay magaalo kasta oo la degganaa, iyo dumarkii iyo dhallaankiiba.
And we put them to the curse, every town together with men, women, and children.
7 Laakiinse waxaynu booli ahaan u qaadannay xoolihii iyo alaabtii magaalooyinka.
But we took for ourselves all the cattle and the stored wealth of the towns.
8 Oo waagaas ayaynu dalka kala baxnay farihii labadii boqor oo reer Amor oo degganaa Webi Urdun shishadiisa tan iyo dooxada Arnoon iyo ilaa Buur Xermoon.
At that time we took their land from the two kings of the Amorites on the far side of Jordan, from the valley of the Arnon to Mount Hermon;
9 (Reer Siidoon waxay Xermoon ku magacaabaan Siryon, reer Amorna waxay ku magacaabaan Seniir.)
(By the Sidonians, Hermon is named Sirion, and by the Amorites Shenir; )
10 Waxaynu wada qaadannay magaalooyinkii bannaanka ku yiil oo dhan, iyo dalkii Gilecaad oo dhan, iyo Baashaan oo dhan, iyo tan iyo Salkaah iyo Edrecii kuwaasoo ahaa magaalooyinkii boqortooyadii Coog oo Baashaan ku yiil oo dhan.
All the towns of the table-land and all Gilead and Bashan as far as Salecah and Edrei, towns of the kingdom of Og in Bashan.
11 (Waayo, boqorkii Baashaan oo ahaa Coog keligiis ayaa ka hadhay dadkii reer Refaa'iim, oo bal eeg, sariirtiisu waxay ahayd sariir bir ah, oo dhererkeedu wuxuu ahaa sagaal dhudhun, ballaadhkeeduna wuxuu ahaa afar dhudhun, markii nin dhudhunkiis lagu qiyaaso. Sariirtaas sow ma oollin Rabbaah oo ku taal dalka reer Cammoon?)
(For Og, king of Bashan, was the last of all the Rephaim; his bed was made of iron; is it not in Rabbah, in the land of the children of Ammon? It was nine cubits long and four cubits wide, measured by the common cubit.)
12 Oo dalkan waagaas ayaan hanti u qaadannay. Oo tan iyo Carooceer oo ku taal dooxada Arnoon agtiisa, iyo dalka buuraha leh oo reer Gilecaad badhkiis iyo magaalooyinkiisaba waxaan siiyey reer Ruubeen iyo reer Gaad.
And this land which we took at that time, from Aroer by the valley of the Arnon, and half the hill-country of Gilead with its towns, I gave to the Reubenites and the Gadites.
13 Oo waxaan qabiilka reer Manaseh badhkiis siiyey Gilecaad inteeda kale iyo Baashaan oo dhan oo ah boqortooyadii Coog, intaasoo ah gobolka Argob oo dhan iyo xataa Baashaan oo dhan. (Oo intaas waxaa lagu magacaabaa dalkii reer Refaa'iim.
The rest of Gilead and all Bashan, the kingdom of Og, all the land of Argob, together with Bashan, I gave to the half-tribe of Manasseh. (This land is named the land of the Rephaim.
14 Reer Yaa'iir oo ahaa ina Manasehna wuxuu qabsaday gobolka Argob oo dhan iyo tan iyo soohdinta reer Geshuur iyo reer Macakaah, oo Baashaanna wuu isugu magacaabay oo u bixiyey Hawood Yaa'iir, oo ilaa maantadanna waa loo yaqaan.)
Jair, the son of Manasseh, took all the land of Argob, as far as the country of the Geshurites and the Maacathites, naming it, Bashan, Havvoth-Jair after himself, as it is to this day.)
15 Oo Gilecaadna waxaan siiyey reer Maakiir.
And Gilead I gave to Machir.
16 Oo reer Ruubeen iyo reer Gaadna waxaan Gilecaad ka siiyey tan iyo dooxada Arnoon taas oo ah dooxada badhtankeeda oo ah soohdinta, iyo xataa ilaa Webi Yabboq kaasoo ah soohdinta reer Cammoon,
And the land from Gilead to the valley of the Arnon, with the middle of the valley as a limit, as far as the river Jabbok which is the limit of the country of the children of Ammon, I gave to the Reubenites and the Gadites;
17 iyo Caraabaah, iyo Webi Urdun oo soohdinta ah, tan iyo Kinnered iyo xataa ilaa badda Caraabaah oo ah Badda Cusbada oo ka hoosaysa dalcadaha Buur Fisgaah xaggeeda bari.
As well as the Arabah, with the river Jordan as their limit, from Chinnereth to the Salt Sea, under the slopes of Pisgah to the east.
18 Oo waagaas waxaan idinku amray oo idinku idhi, Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkan buu idiin siiyey inaad hantidaan. Raggiinna dagaalyahanka ah oo dhammu idinkoo hub wata walaalihiinna reer binu Israa'iil hor mara oo gudba.
At that time I gave you orders, saying, The Lord has given you this land for your heritage: all the men of war are to go over armed before your brothers the children of Israel.
19 Laakiinse afooyinkiinna iyo yaryarkiinna iyo xoolihiinnu ha iska joogeen magaalooyinkiinna aan idin siiyey, (waayo, waan ogahay inaad xoolo badan leedihiin, )
But your wives and your little ones and your cattle (for it is clear that you have much cattle) may go on living in the towns I have given you;
20 ilaa uu Rabbigu nasiyo walaalihiin siduu idiin nasiyey oo kale, oo iyana ay hantiyaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu iyaga ka siinayo Webi Urdun shishadiisa, markaas ninkiin waluba ha ku soo noqdo hantidiisa aan siiyey.
Till the Lord has given rest to your brothers as to you, and till they have taken for themselves the land which the Lord your God is giving them on the other side of Jordan: then you may go back, every man of you, to the heritage which I have given you.
21 Oo waagaas ayaan Yashuuca amray oo waxaan ku idhi, Indhahaagu way arkeen kulli wixii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu ku sameeyey labadan boqor. Oo boqortooyooyinka aad u gudbaysid oo dhan Rabbigu saasuu u gelayaa.
And I gave orders to Joshua at that time, saying, Your eyes have seen what the Lord your God has done to these two kings: so will the Lord do to all the kingdoms into which you come.
22 Haddaba ha ka cabsanina, waayo, waxaa idiin dagaallamaya Rabbiga Ilaahiinna ah.
Have no fear of them, for the Lord your God will be fighting for you.
23 Markaasaan Rabbiga baryay oo waxaan idhi,
And at that time I made request to the Lord, saying,
24 Sayidow, Ilaahow, waxaad bilowday inaad anoo addoonkaaga ah i tusto weynaantaada iyo gacantaada xoogga badan, waayo, waa kee ilaaha ku jiraa samada amase dhulka oo samayn kara shuqulladaada oo kale iyo falimahaaga waaweyn oo kale?
O Lord God, you have now for the first time let your servant see your great power and the strength of your hand; for what god is there in heaven or on earth able to do such great works and such acts of power?
25 Haddaba waan ku baryayaaye, aan u gudbo oo aan arko dalka wanaagsan oo ka shisheeya Webi Urdun, kaasoo ah buurtaas wanaagsan iyo Lubnaan.
Let me go over, O Lord, and see the good land on the other side of Jordan, and that fair mountain country, even Lebanon.
26 Laakiinse Rabbigu idinka daraaddiin buu igu cadhooday, imana uu maqlin. Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Intaasu ha kugu filnaato, oo mar dambe xaalkaas ha igala hadlin.
But the Lord was angry with me because of you and would not give ear to my prayer; and the Lord said to me, Let it be enough, say no more about this thing.
27 Haddaba u kac Buur Fisgaah dusheeda, oo indhaha ku taag xagga galbeed iyo xagga woqooyi iyo xagga koonfureed iyo xagga bari, maxaa yeelay, adigu ka gudbi maysid Webigan Urdun.
Go up to the top of Pisgah, and turning your eyes to the west and the north, to the south and the east, see the land with your eyes: for you are not to go over Jordan.
28 Laakiinse Yashuuca amar, oo dhiirrigeli, oo xoogee, waayo, isagu wuu gudbi doonaa oo dadkan hor kici doonaa, oo wuxuu dhaxalsiin doonaa dalka aad arki doontid.
But give my orders to Joshua, comforting him and making him strong; for he is to go over Jordan at the head of this people, and he will give them this land which you will see for their heritage.
29 Sidaas daraaddeed waxaan degnay dooxada ka soo hor jeedda Beytfecoor.
So we were waiting in the valley facing Beth-peor.

< Sharciga Kunoqoshadiisa 3 >