< Yashuuca 1 >

1 Addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa markuu dhintay dabadeed, Rabbigu wuxuu la hadlay Yashuuca ina Nuun, oo Muuse midiidin u ahaa, oo wuxuu ku yidhi,
Now after the death of Moses, the servant of the Lord, the word of the Lord came to Joshua, the son of Nun, Moses' helper, saying,
2 Addoonkaygii Muuse ahaa waa dhintay, haddaba kac, oo webigan Urdun ka tallaaba, adiga iyo dadkan oo dhammuba, oo waxaad u gudubtaan dalka aan siinayo iyaga, kuwaasoo ah reer binu Israa'iil.
Moses my servant is dead; so now get up! Go over Jordan, you and all this people, into the land which I am giving to them, to the children of Israel.
3 Meel kasta oo aad cagta dhigtaanba waan idin siiyey, sidaan Muuse ugu sheegay.
Every place on which you put your foot I have given to you, as I said to Moses.
4 Oo soohdintiinnu waxay noqon doontaa marka laga bilaabo cidlada, iyo Lubnaantan, iyo xataa tan iyo webiga weyn oo ah Webi Yufraad, iyo dalka reer Xeed oo dhan, iyo tan iyo badda weyn ee xagga qorraxdu u dhacdo.
From the waste land and this mountain Lebanon, as far as the great river, the river Euphrates, and all the land of the Hittites to the Great Sea, in the west, will be your country.
5 Cimrigaaga oo dhan ninna isma kaa hor taagi kari doono. Sidaan Muuse ula jiray ayaan adigana kuula jiri doonaa. Kuma aan gabi doono, kumana aan dayrin doono.
While you are living, all will give way before you: as I was with Moses, so I will be with you; I will not take away my help from you or give you up.
6 Haddaba xoog yeelo, oo aad u dhiirranow, waayo, dadkan waxaad dhaxalsiisaa dalkii aan ugu dhaartay awowayaashood inaan iyaga siiyo.
Take heart and be strong; for you will give to this people for their heritage the land which I gave by an oath to their fathers.
7 Xoog uun yeelo, oo aad u dhiirranow inaad dhawrtid oo aad yeeshid si waafaqsan sharcigii addoonkaygii Muuse kugu amray oo dhan. Si aad ugu liibaantid meel kastoo aad tagtidba, sharcigaas ha uga leexan midigta iyo bidixda toona.
Only take heart and be very strong; take care to do all the law which Moses my servant gave you, not turning from it to the right hand or to the left, so that you may do well in all your undertakings.
8 Kitaabkan sharcigu waa inaanu afkaaga ka tegin, laakiinse waa inaad u fiirsataa habeen iyo maalinba, si aad u dhawrtid wax alla waxa ku qoran oo dhan, waayo, markaasaad jidkaaga ku barwaaqoobi doontaa, waanad liibaani doontaa.
Let this book of the law be ever on your lips and in your thoughts day and night, so that you may keep with care everything in it; then a blessing will be on all your way, and you will do well.
9 Miyaanan kugu amrin? Xoog yeelo, oo aad u dhiirranow. Ha cabsan, hana qalbi jabin, waayo, Rabbiga Ilaahaaga ahu wuu kula jiraa meel kastoo aad tagtidba.
Have I not given you your orders? Take heart and be strong; have no fear and do not be troubled; for the Lord your God is with you wherever you go,
10 Markaasaa Yashuuca wuxuu amray saraakiishii dadka, oo ku yidhi,
Then Joshua gave their orders to those who were in authority over the people, saying,
11 Bal xerada dhex mara, oo waxaad dadka ku amartaan, oo ku tidhaahdaan, Saadkiinna diyaarsada, waayo, saddex maalmood waa inaad kaga gudubtaan webigan Urdun inaad gashaan oo hantidaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu hanti ahaan idiin siinayo.
Go through the tents and give orders to the people, saying, Get ready a store of food; for in three days you are to go over this river Jordan and take for your heritage the land which the Lord your God is giving you.
12 Oo Yashuuca wuxuu la hadlay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis, oo wuxuu ku yidhi,
And to the Reubenites and the Gadites and the half-tribe of Manasseh, Joshua said,
13 Bal xusuusta eraygii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinku amray isagoo leh, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idin nasinayaa, oo wuxuu idin siin doonaa dalkan.
Keep in mind what Moses, the servant of the Lord, said to you, The Lord your God is sending you rest and will give you this land.
14 Dumarkiinna, iyo dhallaankiinna, iyo xoolihiinnuba waxay joogi doonaan dalkii Muuse idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa, laakiinse raggiinna xoogga leh oo hubka sita oo dhammu waa inay walaalahood ka hor gudbaan, oo ay caawiyaan iyaga,
Your wives, your little ones, and your cattle will be kept here in the land which Moses gave you on this side of Jordan; but you, the fighting-men, are to go over before your brothers, armed, to give them help;
15 ilaa Rabbigu walaalihiin nasiyo, siduu idinkaba idiin nasiyey, oo ay iyana hantiyaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga siinayo; oo markaasaad ku soo noqon doontaan dalkii hantidiinna, oo waad hantiyi doontaan dalkii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa oo ah xagga qorrax ka soo baxa.
Till the Lord has given your brothers rest, as he has given it to you, and they have taken their heritage in the land which the Lord your God is giving them: then you will go back to the land of your heritage which Moses, the servant of the Lord, gave you on the east side of Jordan.
16 Markaasay Yashuuca ugu jawaabeen, Kulli wixii aad nagu amartay oo dhan waannu yeeli doonnaa, oo meel alla meeshii aad noo dirtoba waannu tegi doonnaa.
Then they said to Joshua in answer, Whatever you say to us we will do, and wherever you send us we will go.
17 Oo sidii aannu Muuse wax walba uga dhegaysan jirnay ayaannu adigana kaaga dhegaysan doonnaa. Rabbiga Ilaahaaga ahu uun ha kula jiro siduu Muuse ula jiray oo kale.
As we gave attention to Moses in all things, so we will give attention to you: and may the Lord your God be with you as he was with Moses.
18 Oo ku alla kii amarkaaga caasiya oo aan dhegaysan erayadaada iyo wax alla wixii aad ku amartid oo dhanba, kaas waa in la dilaa; laakiinse xoog yeelo oo aad u dhiirranow.
Whoever goes against your orders, and does not give attention to all your words, will be put to death: only take heart and be strong.

< Yashuuca 1 >