< Лука 15 >

1 И приближаваху се к Њему сви цариници и грешници да Га чују.
Waxaa Ciise u soo dhowaanayay cashuurqaadayaasha iyo dembilayaasha oo dhan inay maqlaan.
2 И викаху на Њега фарисеји и књижевници говорећи: Овај прима грешнике и једе с њима.
Kolkaasay Farrisiintii iyo culimmadiiba gunuunaceen, iyagoo leh, Ninkanu dembilayaashuu soo dhoweeyaa oo wax la cunaa.
3 А Он им каза причу ову говорећи:
Markaasuu masaalkan kula hadlay, oo ku yidhi,
4 Који човек од вас имајући сто оваца и изгубивши једну од њих не остави деведесет и девет у пустињи и не иде за изгубљеном док је не нађе?
Ninkiinnee baa tiro ido ah leh, oo middood ka hallowday, aan sagaal iyo sagaashanka cidlada kaga tegin, oo aan tii hallowday ka daba tegin, ilaa uu soo helo?
5 И нашавши дигне је на раме своје радујући се,
Oo goortuu soo helo, aan garbihiisa saarin, isagoo faraxsan.
6 И дошавши кући сазове пријатеље и суседе говорећи им: Радујте се са мном: ја нађох своју овцу изгубљену.
Oo goortuu guriga yimaado, aan isugu yeedhin saaxiibbadiisa iyo derisyadiisa, isagoo ku leh, Ila farxa, waayo, waxaan helay laxdaydii iga hallowday?
7 Кажем вам да ће тако бити већа радост на небу за једног грешника који се каје, неголи за деведесет и девет праведника којима не треба покајање.
Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale, farxad ayaa jannada kaga jiri doonta dembile toobadkeena in ka badan sagaal iyo sagaashan xaq ah oo aan toobadkeen u baahnayn.
8 Или која жена имајући десет динара, ако изгуби један динар, не запали свеће, и не помете куће, и не тражи добро док не нађе?
Ama naagtee baa toban daraakmo oo lacag ah leh, oo hadday daraakmo lumiso, aan laambad shidin, oo aan guriga xaaqin, oo aan dadaal ku doonin ilaa ay hesho?
9 И нашавши сазове другарице и суседе говорећи: Радујте се са мном: ја нађох динар изгубљени.
Oo markay hesho, aan saaxiibbadeeda iyo derisyadeeda isugu yeedhin iyadoo ku leh, Ila farxa, waayo, waxaan helay daraakmadii iga luntay.
10 Тако, кажем вам, бива радост пред анђелима Божијима за једног грешника који се каје.
Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale markii mid dembi leh toobadkeenoba, farxad ayaa kaga jirta malaa'igaha Ilaah hortooda.
11 И рече: Један човек имаше два сина,
Wuxuuna yidhi, Nin baa laba wiil lahaa.
12 И рече млађи од њих оцу: Оче! Дај ми део имања што припада мени. И отац им подели имање.
Kii yaraa ayaa aabbihii ku yidhi, Aabbow, waxaaga qaybtii aan heli lahaa i sii. Markaasuu iyaga u qaybiyey wuxuu ku noolaa.
13 И потом до неколико дана покупи млађи син све своје, и отиде у далеку земљу; и онамо просу имање своје живећи беспутно.
Maalmo aan badnayn dabadeed wiilkii yaraa waa wada urursaday wax walbaba, oo dhul fog ayuu u safray, halkaas ayuuna wixiisii ku khasaariyey, isagoo iska tumaya.
14 А кад потроши све, постаде велика глад у оној земљи, и он се нађе у невољи.
Goortuu wada bixiyey dabadeed ayaa abaar daran dhulkaas ka dhacday, wuuna bilaabay inuu baahdo.
15 И отишавши приби се код једног човека у оној земљи; и он га посла у поље своје да чува свиње.
Goortaasuu tegey oo isku daray nin dadka dhulkaas ah, kan u diray beerihiisa inuu doofaarro daajiyo.
16 И жељаше напунити трбух свој рошчићима које свиње јеђаху, и нико му их не даваше.
Wuxuu damcay inuu calooshiisa ka buuxiyo buunshihii doofaarradu ay cunayeen, ninnana waxba ma uu siin.
17 А кад дође к себи, рече: Колико најамника у оца мог имају хлеба и сувише, а ја умирем од глади!
Goortuu isgartay ayuu yidhi, Intee baa kuwa aabbahay kiraystay haysata kibis ka badan in ku filan, aniguna macaluul baan halkan ugu bakhtiyayaa.
18 Устаћу и идем оцу свом, па ћу му рећи: Оче! Сагреших Небу и теби,
Waan kici oo aan aabbahay u tegi, oo waxaan ku odhan, Aabbow, waxaan ku dembaabay jannada iyo hortaadaba.
19 И већ нисам достојан назвати се син твој: прими ме као једног од својих најамника.
Kol dambe ma istaahilo in laygu yeedho wiilkaaga, ee iga dhig sida kuwa aad kiraysatay midkood oo kale.
20 И уставши отиде оцу свом. А кад је још подалеко био, угледа га отац његов, и сажали му се, и потрчавши загрли га и целива га.
Markaasuu kacay, oo wuxuu u yimid aabbihii, laakiin intuu weli ka fogaa ayaa aabbihiis arkay, waana u naxariistay, oo ku soo orday oo qoortuu iskaga duubay, oo dhunkaday.
21 А син му рече: Оче, сагреших Небу и теби, и већ нисам достојан назвати се син твој.
Markaasaa wiilkii ku yidhi, Aabbow, waxaan ku dembaabay jannada iyo hortaadaba; kol dambe ma istaahilo in laygu yeedho wiilkaaga.
22 А отац рече слугама својим: Изнесите најлепшу хаљину и обуците га, и подајте му прстен на руку и обућу на ноге.
Laakiin aabbihii ayaa addoommadiisii ku yidhi, Dhaqso u soo bixiya khamiiska ugu wanaagsan oo u geliya, kaatunna gacanta u geliya, kabona cagaha u geliya.
23 И доведите теле угојено те закољите, да једемо и да се веселимо.
Dibigii yaraa ee la shishleeyey keena oo gowraca, aynu cunno oo faraxno,
24 Јер овај мој син беше мртав, и оживе; и изгубљен беше, и нађе се. И стадоше се веселити.
waayo, wiilkaygan wuu dhintay, wuuna soo noolaaday; wuu lumay, waana la helay. Markaasay bilaabeen inay farxaan.
25 А син његов старији беше у пољу, и долазећи кад се приближи кући чу певање и подвикивање.
Laakiin wiilkiisii weynaa beerta buu ku jiray, oo intuu soo socday oo guriga u soo dhowaanayay, wuxuu maqlay muusika iyo cayaar.
26 И дозвавши једног од слугу запита: Шта је то?
Markaasuu midiidinyada midkood u yeedhay oo weyddiiyey, Waa maxay waxaas?
27 А он му рече: Брат твој дође; и отац твој закла теле угојено, што га је здравог видео.
Markaasuu ku yidhi, Walaalkaa ayaa yimid, aabbahaana dibigii yaraa ee la shishleeyey ayuu u gowracay, waayo, ladnaan buu ku helay.
28 А он се расрди и не хтеде да уђе. Тада изиђе отац његов и мољаше га.
Laakiin wuu cadhooday, oo inuu galo ma doonayn, markaasaa aabbihiis soo baxay oo baryay.
29 А он одговарајући рече оцу: Ето те служим толико година, и никад не преступих твоје заповести, па мени никад ниси дао јаре да бих се провеселио са својим друштвом;
Laakiin wuu u jawaabay, oo wuxuu aabbihiis ku yidhi, Bal eeg, intaas oo sannadood ayaan kuu shaqaynayay, oo weligay amarkaaga kama aan xadgudbin, oo weligaa waxar iima aad siin inaan saaxiibbadayda la farxo,
30 А кад дође тај твој син који ти је имање просуо с курвама, заклао си му теле угојено.
Laakiin goortii uu yimid wiilkaagani waxaagii aad ku noolayd dhillooyin la cunay, waxaad u gowracday dibigii yaraa ee la shishleeyey.
31 А он му рече: Сине! Ти си свагда са мном, и све је моје твоје.
Markaasuu ku yidhi, Wiilkaygiiyow, weligaa waad ila joogtaa, oo waxayga oo dhan adigaa leh,
32 Требало се развеселити и обрадовати, јер овај брат твој мртав беше, и оживе; и изгубљен беше, и нађе се.
laakiin waxaa inoo wanaagsanayd inaynu rayrayno oo faraxno, waayo, waalaalkaagani waa dhintay, wuuna soo noolaaday; wuu lumay, waana la helay.

< Лука 15 >