< Марко 1 >

1 Почетак јеванђеља Исуса Христа Сина Божјег.
Bilowgii injiilkii Ciise Masiix, oo ah Wiilka Ilaah.
2 Као што стоји у пророку: Ево ја шаљем анђела свог пред лицем Твојим, који ће приправити пут Твој пред Тобом.
Sidii Nebi Isayos u qoray, Eeg, waxaan hortaada soo dirayaa wargeeyahayga, Kan jidkaaga diyaargarayn doona;
3 Глас је оног што виче у пустињи: Приправите пут Господњи, поравните стазе Његове.
Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya.
4 Појави се Јован крстећи у пустињи, и проповедајући крштење покајања за опроштење греха.
Waxaa yimid Yooxanaa kan cidlada dadka ku baabtiisayay oo ku wacdiyeyey baabtiiskii toobadda dembidhaafka aawadiis.
5 И излажаше к њему сва јудејска земља и Јерусалимљани; и крштаваше их све у Јордану реци, и исповедаху грехе своје.
Markaasaa waxaa u soo baxay dadkii Yahuudiya oo dhan iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan, oo kulligoodna Webi Urdun ayuu ku baabtiisay, iyagoo dembiyadooda qiranaya.
6 А Јован беше обучен у камиљу длаку, и имаше појас кожан око себе; и јеђаше скакавце и мед дивљи.
Yooxanaa wuxuu guntanaa dharkiisii dhogorta geel ahaa, oo suun meged ahna dhexduu ku xidhnaa, oo wuxuu cunay ayax iyo malab dibadeed.
7 И проповедаше говорећи: Иде за мном јачи од мене, пред ким ја нисам достојан сагнути се и одрешити ремен на обући Његовој.
Oo wax buu wacdiyey oo yidhi, Waxaa iga daba imanaya ku iga itaal weyn, kan aanan istaahilin inaan foororsado oo aan yeelmihii kabihiisa furo.
8 Ја вас крштавам водом, а Он ће вас крстити Духом Светим.
Anigu waxaan idinku baabtiisay biyo, isaguse wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.
9 И у то време дође Исус из Назарета галилејског, и крсти Га Јован у Јордану,
Wakhtigaas waxay noqotay in Ciise ka yimid Naasared tii Galili, oo Yooxanaa baa Webi Urdun ku baabtiisay isagii.
10 И одмах излазећи из воде виде небо где се отвори, и Дух као голуб сиђе на Њега.
Markiiba intuu biyihii ka soo baxay wuxuu arkay samooyinkii oo kala dillaacay iyo Ruuxii oo sidii qoolley oo kale dushiisa ugu soo degaya.
11 И глас дође с неба: Ти си Син мој љубазни који је по мојој вољи.
Waxaa samooyinka ka yimid cod leh, Adigu waxaad tahay Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay.
12 И одмах Дух изведе Га у пустињу.
Oo markiiba Ruuxii baa xaggii cidlada u eryay.
13 И би онде у пустињи дана четрдесет, и куша Га сотона, и би са зверињем, и анђели служаху Му.
Afartan maalmood buu cidlada joogay, Shayddaan baana jirrabay oo wuxuu la jiray dugaagga, malaa'igahuna waa u adeegeen.
14 А пошто предадоше Јована, дође Исус у Галилеју проповедајући јеванђеље о царству Божјем
Kolkii Yooxanaa la qabtay dabadeed, Ciise wuxuu yimid Galili, oo wuxuu dadka ku wacdiyey injiilka Ilaah,
15 И говорећи: Изађе време и приближи се царство Божје; покајте се и верујте јеванђеље.
wuxuuna yidhi, Wakhtigii waa buuxsamay, oo boqortooyadii Ilaah waa soo dhowaatay; toobadkeena oo injiilka rumaysta.
16 И ходећи покрај мора виде Симона и Андрију, брата његовог, где бацају мреже у море; јер беху рибари.
Markuu badda Galili ag marayay, wuxuu arkay Simoon iyo walaalkiis Andaros, iyagoo shabag badda ku tuuraya, waayo, waxay ahaayeen kuwa kalluun jillaabta.
17 И рече им Исус: Хајдете за мном, и учинићу вас ловцима људским.
Ciise wuxuu ku yidhi, I soo raaca. Waxaan idinka dhigayaa kuwa dadka jillaabta.
18 И одмах оставивши мреже своје пођоше за Њим.
Markiiba shabagyadoodii way ka tageen, wayna raaceen.
19 И отишавши мало оданде угледа Јакова Зеведејевог, и Јована брата његовог како у лађи крпљаху мреже;
Markuu cabbaar socday, wuxuu arkay Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa, iyagoo doonnida dhexdeeda shabagyadoodii ku hagaajinaya.
20 И одмах позва их; и оставивши оца свог Зеведеја у лађи с најамницима, пођоше за Њим.
Markiiba wuu u yeedhay. Kolkaasay aabbahood Sebedi iyo shaqaalayaasha kaga soo tageen doonnida, oo isagay raaceen.
21 И дођоше у Капернаум; и одмах у суботу ушавши у зборницу учаше.
Markaasay Kafarna'um galeen, oo markiiba sabtida wuxuu galay sunagogga oo dadka wax baray.
22 И дивише се науци Његовој; јер их учаше као Онај који власт има, а не као књижевници.
Waxayna la yaabeen wax bariddiisa, waayo, wuxuu wax u barayay sida mid amar leh, oo uma uu baraynin sida culimmada.
23 И беше у зборници њиховој човек с духом нечистим, и повика
Markaasaa waxaa sunagoggoodii ku jiray nin jinni wasakh leh qaba, wuuna qayliyey, oo wuxuu yidhi,
24 Говорећи: Прођи се, шта је Теби до нас, Исусе Назарећанине? Дошао си да нас погубиш? Знам Те ко си, Светац Божји.
Maxaa inoo dhexaya, Ciise reer Naasaredow? Ma waxaad u timid inaad na baabbi'iso? Anigu waa ku garanayaa kii aad tahay Kan Quduuska ah ee Ilaah.
25 И запрети му Исус говорећи: Умукни, и изађи из њега.
Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax.
26 И стресе га дух нечисти, и повика гласно, и изађе из њега.
Goortii jinnigii wasakhda lahaa gilgilay oo cod weyn ku qayliyey, ayuu ka soo baxay.
27 И уплашише се сви тако да питаху један другог говорећи: Шта је ово? И каква је ово наука нова, да има власт да духовима нечистим заповеда, и слушају Га?
Kulligoodba ayay la wada yaabeen, sidaa aawadeed iyaga dhexdooda way isweyddiiyeen oo yidhaahdeen, Waa maxay waxani? Ma wax barid cusub baa? Xataa jinniyadii wasakhda lahayd amar buu ku amraa, wayna yeelaan.
28 И оде глас о Њему, одмах, по свој околини галилејској.
Markiiba warkiisii waa gaadhay dhulkii Galili ku wareegsanaa oo dhan.
29 И одмах, изашавши из зборнице, дођоше у дом Симонов и Андријин с Јаковом и Јованом.
Oo markiiba kolkay sunagoggii ka soo baxeen, waxay galeen guriga Simoon iyo Andaros, iyaga iyo Yacquub iyo Yooxanaaba.
30 А ташта Симонова лежаше од грознице; и одмах казаше Му за њу.
Simoon soddohdiis baa qandho la jiiftay, oo kolkiiba waxay isaga u sheegeen wax iyada ku saabsan.
31 И приступивши подиже је узевши је за руку и пусти је грозница одмах, и служаше им.
Markaasuu u soo dhowaaday oo gacanteeda qabtay oo uu kiciyey. Kolkiiba qandhadii waa ka baxday oo ay u adeegtay iyaga.
32 А кад би пред вече, пошто сунце зађе, доношаху к Њему све болеснике и бесне.
Makhribkii goortay qorraxdii dhacday, waxay u keeneen kuwa buka oo dhan iyo kuwa jinniyo qaba.
33 И сав град беше се сабрао к вратима.
Markaasaa dadkii magaalada oo dhan albaabka ku soo ururay.
34 И исцели многе болеснике од различних болести, и ђаволе многе истера, и не даде ђаволима да казују да Га познају.
Oo wuxuu bogsiiyey dad badan oo cudurro kala cayncayn ah qabay, dadkana jinniyo badan buu ka saaray, oo uma oggolaanin jinniyadu inay hadlaan, waayo, isagay garanayeen.
35 А ујутру, врло рано уставши, изађе и оде насамо, и онде се мољаше Богу.
Aroortii hore intaan weli waagii beryin ayuu kacay oo wuxuu tegey meel cidla ah, halkaasuuna ku soo tukanayay.
36 И за Њим потрчаше Симон и који беху с њим.
Markaasaa Simoon iyo kuwii la jiray ka daba tageen.
37 И нашавши Га рекоше Му: Траже Те сви.
Goortay heleen waxay ku yidhaahdeen, Dadka oo dhan baa ku doondoonaya.
38 И рече им: Хајдемо у оближња села и градове да и тамо проповедим: јер сам ја на то дошао.
Wuxuu ku yidhi, Aan tagno magaalooyinka inoo dhow, inaan halkaasna wax ku wacdiyo; waayo, taas aawadeed ayaan u imid.
39 И проповеда по зборницама њиховим по свој Галилеји, и ђаволе изгони.
Wuxuu galay sunagogyadoodii Galili ku yiil oo dhan; dadkana ayuu ka wacdiyey, jinniyadiina ayuu dadka ka saaray.
40 И дође к Њему губавац молећи Га и на коленима клечећи пред Њим и рече Му: Ако хоћеш, можеш ме очистити.
Markaasaa waxaa u yimid nin baras leh, wuuna jilba joogsaday oo baryay, oo ku yidhi, Haddaad doonaysid waad i daahirin kartaa.
41 А Исус, пошто се смиловао, пружи руку, и дохвативши га се рече му: Хоћу, очисти се.
Kolkaasaa Ciise u naxariistay, oo intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay oo ku yidhi, Waa doonayaa ee daahirsanow.
42 И тек што му то рече, а губа оде с њега, и оста чист.
Kolkiiba baraskii waa ka baxay, oo wuu daahirsanaaday.
43 И запретивши му одмах истера га,
Ciisena aad buu u xukumay, oo markiiba ayuu iska diray,
44 И рече му: Гледај да никоме ништа не кажеш, него иди те се покажи свештенику, и принеси за очишћење своје шта је заповедио Мојсије за сведочанство њима.
oo ku yidhi, Ninna waxba ha kala hadlin, laakiin tag oo wadaadka istus. Waxaad daahirsanaantaada u bixisaa wixii uu Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.
45 А он изашавши поче много проповедати и казивати шта је било тако да Исус не може јавно у град ући, него беше напољу у пустим местима, и долажаху к Њему са свих страна.
Laakiin wuu baxay oo bilaabay inuu aad u naadiyo oo warka faafiyo, taas aawadeed kol dambe Ciise magaaladuu bayaan u geli kari waayay, laakiin wuxuu joogay dibadda ee meelo cidla ah, meel kastana waa looga yimid.

< Марко 1 >