< 1-я Паралипоменон 19 >

1 После сего умер Наас, царь Аммонитский, и воцарился сын его вместо него.
Taas dabadeedna Naaxaash oo boqor u ahaa reer Cammoon ayaa dhintay, meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii.
2 И сказал Давид: окажу я милость Аннону, сыну Наасову, за благодеяние, которое отец его оказал мне. И послал Давид послов утешить его об отце его; и пришли слуги Давидовы в землю Аммонитскую, к Аннону, чтобы утешить его.
Markaasaa Daa'uud yidhi, Anigu waxaan u roonaan doonaa Xaanuun ina Naaxaash, maxaa yeelay, aabbihiis baa ii roonaaday. Sidaas daraaddeed Daa'uud wuxuu u diray wargeeyayaal inay u tacsiyeeyaan aabbihiis. Markaasaa Daa'uud addoommadiisii waxay dalkii reer Cammoon ugu yimaadeen Xaanuun inay isaga u tacsiyeeyaan.
3 Но князья Аммонитские сказали Аннону: неужели ты думаешь, что Давид из уважения к отцу твоему прислал к тебе утешителей? Не для того ли пришли слуги его к тебе, чтобы разведать и высмотреть землю и разорить ее?
Laakiinse amiirradii reer Cammoon waxay Xaanuun ku yidhaahdeen, Ma waxaad u malaynaysaa in Daa'uud aabbahaa cisaynayo oo uu sidaas daraaddeed kuugu soo diray kuwa tacsiyada wada? Addoommadiisu sow kuuguma iman inay dalka baadhaan oo basaasaan oo afgembiyaan?
4 И взял Аннон слуг Давидовых и обрил их, и обрезал одежды их наполовину до чресл и отпустил их.
Sidaas daraaddeed Xaanuun wuxuu qabsaday Daa'uud addoommadiisii, oo intuu iyagii u xiiray ayuu dharkoodiina dhexda ka kala gooyay xataa ilaa dabada, markaasuu iska eryay.
5 И пошли они. И донесено было Давиду о людях сих, и он послал им навстречу, так как они были очень обесчещены; и сказал царь: останьтесь в Иерихоне, пока отрастут бороды ваши, и тогда возвратитесь.
Markaasaa la tegey oo Daa'uud loo soo sheegay sidii nimankii loo galay. Oo isna wuxuu iyagii u diray dad ka hor taga, waayo, nimankii aad bay u ceeboobeen. Boqorkiina wuxuu iyagii ku yidhi, Yerixoo iska jooga ilaa gadhku idiin soo baxo, dabadeedna soo noqda.
6 Когда Аммонитяне увидели, что они сделались ненавистными Давиду, тогда послал Аннон и Аммонитяне тысячу талантов серебра, чтобы нанять себе колесниц и всадников из Сирии Месопотамской и из Сирии Мааха и из Сувы.
Oo reer Cammoonna markay ogaadeen inay Daa'uud isnacsiiyeen ayaa Xaanuun iyo reer Cammoon sii dhiibeen kun talanti oo lacag ah inay gaadhifardood iyo rag fardooley ah kaga soo kiraystaan Mesobotamiya, iyo Aram Macakaah, iyo Soobaah.
7 И наняли себе тридцать две тысячи колесниц и царя Мааха с народом его, которые пришли и расположились станом пред Медевою. И Аммонитяне собрались из городов своих и выступили на войну.
Sidaasay u soo kiraysteen laba iyo soddon kun oo gaadhifaras, iyo boqorkii Macakaah iyo dadkiisii, kuwaasoo yimid oo Meedebaa horteeda degay. Oo reer Cammoonna waxay iska soo wada urursadeen magaalooyinkoodii, oo dagaal bay u soo baxeen.
8 Когда услышал об этом Давид, то послал Иоава со всем войском храбрых.
Oo Daa'uudna markuu taas maqlay ayuu diray Yoo'aab iyo ciidankii raggii xoogga lahaa oo dhan.
9 И выступили Аммонитяне и выстроились к сражению у ворот города, а цари, которые пришли, отдельно в поле.
Oo reer Cammoonna way soo baxeen, oo waxay dagaal isugu soo diyaariyeen magaalada iriddeeda, oo boqorradii yimidna duurkay keli ahaantood joogeen.
10 Иоав, видя, что предстоит ему сражение спереди и сзади, избрал воинов из всех отборных в Израиле и выстроил их против Сириян.
Haddaba Yoo'aab markuu arkay in dagaal looga soo kacshay hore iyo dibba, ayuu raggii reer binu Israa'iil ka xushay kuwii xuladka ahaa oo dhan, oo wuxuu u soo diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan.
11 А остальную часть народа поручил Авессе, брату своему, чтоб они выстроились против Аммонитян.
Oo dadkii intiisii kalena wuxuu u dhiibay walaalkiis Abiishay, oo iyana waxay isu soo diyaariyeen inay reer Cammoon la dagaallamaan.
12 И сказал он: если Сирияне будут одолевать меня, то ты поможешь мне, а если Аммонитяне будут одолевать тебя, то я помогу тебе.
Oo wuxuu walaalkiis ku yidhi, Haddii reer Suuriya iga xoog bataan waa inaad i soo caawisaa, laakiinse haddii reer Cammoon kaa xoog bataan, markaasaan ku soo caawin doonaa.
13 Будь мужествен, и будем твердо стоять за народ наш и за города Бога нашего, - и Господь пусть сделает, что Ему угодно.
Haddaba si fiican u dhiirranow, oo aynu rag u ahaanno dadkeenna iyo magaalooyinka Ilaaheen aawadood, oo Rabbiguna ha sameeyo wixii la wanaagsan.
14 И вступил Иоав и люди, которые были у него, в сражение с Сириянами, и они побежали от него.
Sidaas daraaddeed Yoo'aab iyo dadkii la jirayba waxay ugu soo dhowaadeen inay la dagaallamaan reer Suuriya, oo iyana markaasay hortiisa ka carareen.
15 Аммонитяне же, увидев, что Сирияне бегут, и сами побежали от Авессы, брата его, и ушли в город. И пришел Иоав в Иерусалим.
Oo reer Cammoonna markay arkeen in reer Suuriya carareen ayay iyana walaalkiis Abiishay hortiisa saasoo kale uga carareen, oo waxay galeen magaaladii. Markaasaa Yoo'aab Yeruusaalem yimid.
16 Сирияне, видя, что они поражены Израильтянами, отправили послов и вывели Сириян, которые были по ту сторону реки, и Совак, военачальник Адраазаров, предводительствовал ими.
Oo reer Suuriya markay arkeen in iyaga looga adkaaday reer binu Israa'iil hortooda ayay wargeeyayaal u direen oo soo kaxeeyeen reer Suuriyihii Webiga ka shisheeyey, iyagoo uu madax u yahay Shoofag oo ahaa sirkaalkii ciidanka Hadarceser.
17 Когда донесли об этом Давиду, он собрал всех Израильтян, перешел Иордан и, придя к ним, выстроился против них; и вступил Давид в сражение с Сириянами, и они сразились с ним.
Taas waxaa loo soo sheegay Daa'uud, kolkaasuu reer binu Israa'iil oo dhan soo wada ururiyey, oo intuu Webi Urdun ka soo gudbay ayuu reer Suuriya u yimid, oo ciidankiisii ayuu weerar ugu soo diyaariyey, haddaba Daa'uud markuu raggiisii u diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan ayay iyana la dirireen.
18 И Сирияне побежали от Израильтян, и истребил Давид у Сириян семь тысяч колесниц и сорок тысяч пеших, и Совака военачальника умертвил.
Oo reer Suuriyana way ka carareen reer binu Israa'iil hortooda. Daa'uudna wuxuu reer Suuriya ka laayay toddoba kun oo gaadhifaras raggoodii, iyo afartan kun oo nin oo lug ah, oo wuxuu dilay Shoofag oo ahaa sirkaalkii ciidanka.
19 Когда увидели слуги Адраазара, что они поражены Израильтянами, заключили с Давидом мир и подчинились ему. И не хотели Сирияне помогать более Аммонитянам.
Oo markii Hadarceser addoommadiisii arkeen in reer binu Israa'iil hortooda looga adkaaday ayay la nabdeen Daa'uud, wayna u adeegeen, oo reer Suuriyana way diideen inay mar dambe reer Cammoon caawiyaan.

< 1-я Паралипоменон 19 >