< 1-я Паралипоменон 18 >

1 После сего Давид поразил Филистимлян и смирил их, и взял Геф и зависящие от него города из руки Филистимлян.
Oo taas dabadeed ayaa Daa'uud reer Falastiin laayay oo jebiyey, oo Gad iyo magaalooyinkeediiba gacantii reer Falastiin wuu ka qaaday.
2 Он поразил также Моавитян, - и сделались Моавитяне рабами Давида, принося ему дань.
Oo wuxuu kaloo laayay reer Moo'aab, oo reer Moo'aabna addoommay Daa'uud u noqdeen, oo baad bay u keeneen.
3 И поразил Давид Адраазара, царя Сувского, в Емафе, когда тот шел утвердить власть свою при реке Евфрате.
Oo ilaa Xamaad Daa'uud wuxuu dilayay boqorkii Soobaah oo ahaa Hadarceser, intuu ku socday inuu dowladnimadiisa ku ag dhiso Webi Yufraad.
4 И взял Давид у него тысячу колесниц, семь тысяч всадников и двадцать тысяч пеших, и разрушил Давид все колесницы, оставив из них только сто.
Oo Daa'uud wuxuu isagii ka qabsaday kun gaadhifaras, iyo toddoba kun oo fardooley ah, iyo labaatan kun oo nin oo lug ah, oo Daa'uudna wuxuu boqno jaray fardihii gaadhiyada waday oo dhan, laakiinse boqol gaadhifaras buu uga reebay.
5 Сирияне Дамасские пришли было на помощь к Адраазару, царю Сувскому, но Давид поразил двадцать две тысячи Сириян.
Oo reer Suuriyihii Dimishaqna markay u yimaadeen inay u hiiliyaan boqorkii Soobaah oo ahaa Hadarceser, Daa'uud wuxuu iyagii ka laayay laba iyo labaatan kun oo nin.
6 И поставил Давид охранное войско в Сирии Дамасской, и сделались Сирияне рабами Давида, принося ему дань. И помогал Господь Давиду везде, куда он ни ходил.
Daa'uudna wuxuu reer Dimishaq oo Suuriya jooga dhex dhigay rugo askareed, oo reer Suuriyana Daa'uud bay addoommo u noqdeen oo baad u keeneen. Oo Rabbiguna Daa'uud buu siiyey meel kastoo uu tegeyba.
7 И взял Давид золотые щиты, которые были у рабов Адраазара, и принес их в Иерусалим.
Markaasaa Daa'uud soo qaaday gaashaammadii dahabka ahaa oo ay wateen addoommadii Hadarceser, wuxuuna keenay Yeruusaalem.
8 А из Тивхавы и Куна, городов Адраазаровых, взял Давид весьма много меди. Из нее Соломон сделал медное море и столбы и медные сосуды.
Oo magaalooyinkii Hadarceser oo ahaa Tibxad iyo Kuun Daa'uud wuxuu ka soo qaaday naxaas aad u badan, taasoo uu Sulaymaan ka sameeyey berkeddii naxaasta ahayd iyo tiirarkii iyo weelashii naxaasta ahaa.
9 И услышал Фой, царь Имафа, что Давид поразил все войско Адраазара, царя Сувского.
Oo Tocuu oo ahaa boqorkii Xamaad markuu maqlay in Daa'uud laayay Hadarceser oo ahaa boqorkii Soobaah ciidankiisii oo dhan
10 И послал Иорама, сына своего, к царю Давиду, приветствовать его и благодарить за то, что он воевал с Адраазаром и поразил его, ибо Фой был в войне с Адраазаром, - и с ним всякие сосуды золотые, серебряные и медные.
ayuu Daa'uud wiilkiisii Hadooraam u soo diray inuu soo salaamo oo uu u soo duceeyo, maxaa yeelay, wuxuu la diriray oo dilay Hadarceser, waayo, Hadarceser wuxuu la diriri jiray Tocuu, oo wuxuu keenay weelal cayn kasta ah oo ah dahab iyo lacag iyo naxaasba.
11 И посвятил их царь Давид Господу вместе с серебром и золотом, которое он взял от всех народов: от Идумеян, Моавитян, Аммонитян, Филистимлян и от Амаликитян.
Oo kuwaasna Boqor Daa'uud wuxuu quduus uga dhigay Rabbiga, oo wuxuu ku daray lacagtii iyo dahabkii uu ka soo dhacay quruumihii oo dhan, kuwaasoo ahaa reer Edom, iyo reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Falastiin, iyo reer Camaaleq.
12 И Авесса, сын Саруи, поразил Идумеян на долине Соляной восемнадцать тысяч;
Oo weliba Abiishay oo ay Seruuyaah dhashayna wuxuu reer Edom Dooxadii Cusbada kaga laayay siddeed iyo toban kun oo nin.
13 и поставил в Идумее охранное войско, и сделались все Идумеяне рабами Давиду. Господь помогал Давиду везде, куда он ни ходил.
Oo isna wuxuu Edom dhex dhigay rugo askareed, oo reer Edom oo dhammuna Daa'uud bay addoommo u noqdeen. Oo Rabbiguna Daa'uud guul buu siiyey meel kastoo uu tegeyba.
14 И царствовал Давид над всем Израилем, и творил суд и правду всему народу своему.
Oo Daa'uudna reer binu Israa'iil oo dhan buu u taliyey, oo wuxuu dadkiisa oo dhan ugu gar qaybshay xukun iyo caddaalad.
15 Иоав, сын Саруи, был начальником войска, Иосафат, сын Ахилуда, дееписателем,
Oo waxaa ciidanka u sarrayn jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, oo taariikhdana waxaa qori jiray Yehooshaafaad ina Axiiluud,
16 Садок, сын Ахитува, и Авимелех, сын Авиафара, священниками, а Суса писцом,
oo wadaaddona waxaa ahaa Saadooq ina Axiituub, iyo Abiimeleg ina Aabyaataar, Shawshaana wuxuu ahaa karraani.
17 Ванея, сын Иодая, над Хелефеями и Фелефеями, а сыновья Давидовы - первыми при царе.
Oo Benaayaah ina Yehooyaadaacna wuxuu u taliyey reer Kereetiim iyo reer Feleetii, oo Daa'uud wiilashiisuna waxay ahaayeen madaxda boqorka u dhow.

< 1-я Паралипоменон 18 >