< ヨブ 記 21 >

1 ヨブこたへて曰く
Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
2 請ふ汝等わが言を謹んで聽き 之をもて汝らの慰藉に代よ
Maqla oo warkayga aad u dhegaysta, Oo tanuna ha noqoto wixii aad igu qalbiqabowjisaan.
3 先われに容して言しめよ 我が言る後なんぢ嘲るも可し
Bal mar ii oggolaada aan hadlee, Oo kolkii aan hadlo dabadeed iska sii majaajilooda.
4 わが怨言は世の人の上につきて起れる者ならんや 我なんぞ氣をいらだつ可らざらんや
Balse anigu ma dad baan ka ashtakoonayaa? Maxaan u ahaan waayay mid aan dulqaadan?
5 なんぢら我を視て驚き手を口にあてよ
Bal i eega, oo yaaba, Oo afkiinna gacanta saara.
6 われ思ひまはせば畏しくなりて身體しきりに戰慄く
Oo xataa markaan soo xusuusto waan welwelaa, Oo jidhkaygana waa hoog iyo ba'.
7 惡き人何とて生ながらへ 老かつ勢力強くなるや
Bal maxay kuwa sharka ahu u noolaanayaan? Oo ay u gaboobayaan? Balse maxay xoog badan u yeeshaan?
8 その子等はその周圍にありてその前に堅く立ち その子孫もその目の前に堅く立べし
Farcankoodu iyagoo la jooga hortooduu ku xoogaystaa, Oo dhashoodiina hortooday ku dhisan yihiin.
9 またその家は平安にして畏懼なく 神の杖その上に臨まじ
Reerahoodu cabsi way ka ammaan galeen, Oo ushii Ilaahna iyaga ma kor saarna.
10 その牡牛は種を與へて過らず その牝牛は子を產てそこなふ事なし
Dibidoodu way dhalaan, oo marnaba madhalays ma noqdaan, Sacyahooduna way dhalaan, dhicis mana keenaan.
11 彼等はその少き者等を外に出すこと群のごとし その子等は舞をどる
Dhallaankooda dibadday u baxshaan sidii adhi oo kale, Oo carruurtooduna way cayaaraan.
12 彼等は鼓と琴とをもて歌ひ 笛の音に由て樂み
Waxay ku gabyaan daf iyo kataarad, Oo dhawaaqa biibiilaha way ku reyreeyaan.
13 その日を幸福に暮し まばたくまに陰府にくだる (Sheol h7585)
Cimrigooda waxay ku dhammaystaan barwaaqo, Oo dabadeedna daqiiqad ayay She'ool ku dhaadhacaan. (Sheol h7585)
14 然はあれども彼等は神に言らく我らを離れ賜へ 我らは汝の道をしることを好まず
Laakiin waxay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag, Waayo, dooni mayno aqoonta jidadkaaga.
15 全能者は何者なれば我らこれに事ふべき 我儕これに祈るとも何の益を得んやと
Waa maxay Ilaaha Qaadirka ah, oo aan u adeegayno? Balse maxaa faa'iido ah oo aannu ka helaynaa, haddaan isaga u tukanno?
16 視よ彼らの福祿は彼らの力に由にあらざるなり 惡人の希圖は我の與する所にあらず
Bal eeg, barwaaqadoodii gacantooda kuma jirto, Kuwa sharka ahna taladoodu way iga fog tahay.
17 惡人のその燈火を滅るる事幾度ありしか その滅亡のこれに臨む事 神の怒りて之に艱苦を蒙らせたまふ事幾度有しか
Immisa jeer baa laambadda kuwa sharka ah la demiyaa? Oo immisa jeer baa belaayo ku kor degtaa? Oo immisa jeer baa Ilaah isagoo cadhaysan xanuun u qaybiyaa?
18 かれら風の前の藁の如く 暴風に吹さらるる籾殼の如くなること幾度有しか
Oo ay sababtaas aawadeed u noqdaan sidii xaab dabayl ka horreeya, Iyo sidii buunshe uu duufaanu kaxeeyo?
19 神かれの愆を積たくはへてその子孫に報いたまふか 之を彼自己の身に報い知しむるに如ず
Idinku waxaad tidhaahdaan, Ilaah xumaantiisii wuxuu u kaydiyaa sharrowga carruurtiisa. Haddaba isagu sharrowga ha ugu abaalgudo si uu laftigiisu u ogaado aawadeed.
20 かれをして自らその滅亡を目に視させ かつ全能者の震怒を飮しめよ
Indhihiisu ha arkeen halligaaddiisa, Oo isagu ha cabbo Ilaaha Qaadirka ah cadhadiisa.
21 その月の數すでに盡るに於ては何ぞその後の家に關はる所あらん
Waayo, waa maxay farxadda uu reerkiisa ka helo, Markii cimrigiisa dhexda laga gooyo?
22 神は天にある者等をさへ審判たまふなれば誰か能これに知識を敎へんや
Bal ma Ilaah baa wax la baraa? Maxaa yeelay, isagaa xukuma xataa kuwa sare.
23 或人は繁榮を極め全く平穩にかつ安康にして死に
Mid baa dhinta isagoo xooggiisu ku dhan yahay, Oo istareexsan oo xasilloon,
24 その器に乳充ち その骨の髓は潤ほへり
Oo aad u buuran, Oo dhuuxa lafihiisuna qoyan yahay.
25 また或人は心を苦しめて死し 終に福祉をあぢはふる事なし
Oo mid kalena wuxuu ku dhintaa naf qadhaadh, Isagoo aan weligiis wanaag dhedhemin.
26 是等は倶に齊しく塵に臥して蛆におほはる
Habase yeeshee isku si bay ciidda u dhex jiifsadaan, Oo dirxi baa korkooda daboola.
27 我まことに汝らの思念を知り 汝らが我を攻撃んとするの計略を知る
Bal eega, anigu waan ogahay fikirradiinna, Iyo xeesha aad qaldan igu hindisaysaan.
28 なんぢらは言ふ王侯の家は何に在る 惡人の住所は何にあると
Waayo, waxaad tidhaahdaan, War meeh gurigii amiirku? Oo meeday teendhadii sharrowgu ku dhex hoyan jiray?
29 汝らは路往く人々に詢ざりしや 彼等の證據を曉らざるや
Miyeydaan weyddiin kuwa jidka mara? Oo miyeydaan garanayn calaamooyinkooda?
30 すなはち滅亡の日に惡人遺され 烈しき怒の日に惡人たづさへ出さる
Iyo in ninkii sharrow ah loo celiyey maalinta belaayada? Iyo in hore loogu sii kaxaynayo maalinta cadhada?
31 誰か能かれに打向ひて彼の行爲を指示さんや 誰か能彼の爲たる所を彼に報ゆることを爲ん
Bal yaa jidkiisa isaga hortiisa ugu caddayn doona? Oo bal yaa isaga ka abaalmarin doona wixii uu sameeyey?
32 彼は舁れて墓に到り 塚の上にて守護ることを爲す
Laakiinse isaga waxaa loo qaadi doonaa xabaasha, Oo qabrigiisa waa la ilaalin doonaa.
33 谷の土塊も彼には快し 一切の人その後に從ふ 其前に行る者も數へがたし
Waxaa isaga u macaanaan doonta ciidda dooxada, Oo dadka oo dhammuna isagay soo daba kici doonaan, Sida kuwii aan tirada lahayn oo isagii ka horreeyeyba ay u dhinteen.
34 旣に是の如くなるに汝等なんぞ徒に我を慰さめんとするや 汝らの答ふる所はただ虚僞のみ
Haddaba bal maxaad si aan waxba tarayn iigu qalbiqabowjinaysaan, Maxaa yeelay, jawaabihiinnii been oo keliya ayaa ku hadhay?

< ヨブ 記 21 >