< Буття 13 >

1 І піднявся Аврам із Єгипту, — сам, і жінка його, і все, що в нього було, і Лот разом із ним, до Неґеву.
Aabraamna Masar wuu ka baxay, isaga, iyo naagtiisii, iyo wuxuu haystay oo dhan, Luudna wuu raacay, oo wuxuu tegey xagga koonfureed.
2 А Аврам був вельми багатий на худобу, на срібло й на золото.
Oo Aabraam hodan buu ka ahaa xagga xoolaha iyo lacagta iyo dahabka.
3 І пішов він в мандрівки свої від Неґеву аж до Бет-Елу, аж до місця, де напочатку намет його був поміж Бет-Елом і поміж Гаєм,
Xagga koonfureed ayuu ka tegey oo wuxuu u socdaalay ilaa Beytel, meeshii bilowgii ay teendhadiisu ahayd, ee u dhexaysay Beytel iyo Aacii;
4 до місця жертівника, що його́ він зробив там напочатку. І Аврам там прикли́кав Господнє Ймення.
ilaa meeshii allabariga oo uu horraantii halkaas ka sameeyey; oo meeshaasuu Aabraam magaca Rabbiga kaga baryootamay.
5 Так само й у Лота, що з Аврамом ходив, дрібна та велика худоба була та намети.
Oo Luud, oo isna Aabraam la socday, wuxuu lahaa adhi, iyo lo', iyo teendhooyin.
6 І не вміщала їх та земля, щоб їм разом пробува́ти, бо великий був їхній маєток, і не могли вони разом пробува́ти.
Dhulkuna ma uu qaadi karin iyagii, hadday wada degganaan lahaayeen: waayo, xoolahoodu way badnaayeen, oo sidaas daraaddeed ma ay wada degganaan karin.
7 І сталася сварка поміж пастухами худоби Аврамової та поміж пастухами худоби Лотової. А ханаанеянин та періззеянин сиділи тоді в Краю́.
Dirir baana ku dhex jirtay xoolojirradii Aabraam iyo xoolojirradii Luud. Markaasna reer Kancaan iyo reer Feris dhulkaasay degganaayeen.
8 І промовив до Лота Аврам: „Нехай сварки не буде між мною та між тобою, і поміж пастухами моїми та поміж пастухами твоїми, бо близька́ ми рідня.
Oo Aabraam wuxuu Luud ku yidhi, Waxaan kaa baryayaa inaan diriru inaga dhex dhicin aniga iyo adiga, iyo xoolojirradayda iyo xoolojirradaada; maxaa yeelay, waxaynu nahay walaalo.
9 Хіба не ввесь Край перед обличчям твоїм? Відділися від мене! Коли пі́деш ліво́руч, — то я піду право́руч, а як ти праворуч, — то піду́ я ліворуч“.
Dhulka oo dhammu sow kaa ma horreeyo? Waxaan kaa baryayaa inaad iga guurtid. Haddaad bidixda tagto, midigtaan tegayaa; haddaad midigta tagtona, bidixdaan tegayaa.
10 І звів Лот свої очі, і побачив усю околицю Йорданську, що наводнена вся вона аж до Цоару, — перед тим, як Содом та Гомору був знищив Господь, — як Господній садок, як єгипетський край!
Kolkaasuu Luud indhihiisii kor u taagay, oo wuxuu arkay Bannaankii Webi Urdun oo dhan, iyo inay meel waluba aad u waraabsan tahay, intaan Rabbigu baabbi'in Sodom iyo Gomora; wuxuu u ekaa beertii Ilaah, iyo sida dalka Masar markaad tagto xagga Socar.
11 І Лот вибрав собі всю околицю йорданську. І Лот рушив на схід, і вони розлучилися один від о́дного.
Markaasuu Luud wuxuu doortay Bannaankii Urdun oo dhan; oo Luud xagga bari buu u socdaalay; oo way kala guureen.
12 Аврам оселився в землі ханаанській, а Лот оселився в рівнинних містах околиці, і наметував аж до Содому.
Aabraam wuxuu degay dalkii Kancaan, Luudna wuxuu degay magaalooyinkii Bannaanka ku yiil, oo teendhadiisii wuxuu u wareejiyey xagga Sodom.
13 А люди содомські були дуже злі та грішні перед Господом.
Haddaba dadkii Sodom shar miidhan bay ahaayeen, Ilaahna aad iyo aad bay ugu dembaabeen.
14 І промовив Господь до Аврама, коли Лот розлучився із ним: „Зведи очі свої, та поглянь із місця, де ти, на північ, і на південь, і на схід, і на захід,
Oo Rabbigu wuxuu Aabraam ku yidhi, intii Luud ka guuray ka dib, Indhahaaga kor u taag, oo meeshaad joogto ka fiiri, xagga woqooyi iyo xagga koonfureed, iyo xagga bari iyo xagga galbeedba;
15 бо всю цю землю, яку бачиш, Я її дам навіки тобі та потомству твоєму.
waayo, dhulka aad aragto oo dhan waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga weligiin.
16 І вчиню Я потомство твоє, як той порох землі, так, що коли хто потрапить злічити порох зе́мний, то теж і потомство твоє перелічене буде.
Farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida ciidda dhulka; haddii nin ciidda dhulka tirin karo, farcankaagana waa la tirin doonaa.
17 Устань, пройдись по Кра́ю вздовж його та вши́ршки його, — бо тобі його дам!“
Bal kac oo ku dhex soco dhulka dhererkiisa iyo ballaadhkiisa; waayo, adigaan ku siin doonaa.
18 І Аврам став наметувати, і прибув, і осів між дубами Мамре, що в Хевроні вони. І він збудував там жертівника Господе́ві.
Oo Aabraam teendhadiisii wuu wareejiyey, oo wuxuu yimid oo degay dhirtii Mamre, ee ku tiil Xebroon, oo halkaasuu Rabbiga meel allabari uga dhisay.

< Буття 13 >