< До колоссян 2 >

1 Я хо́чу, щоб ви знали, яку велику боротьбу я маю за вас і за тих, хто в Лаодикі́ї, і за всіх, хто не бачив мого тіле́сного обличчя.
Waxaan jeclaan lahaa inaad ogaataan sida weyn oo aan idiinku dadaalayo idinka iyo kuwa La'odikiya jooga iyo in alla intii aan arag wejigayga anoo nool;
2 Хай потішаться їхні серця́, у любові поє́днані, для всякого багатства повного розуміння, для пізна́ння таємниці Бога, Христа,
inay qalbiyadoodu dhiirranaadaan, iyagoo jacayl isugu xidhan, iyo inay wada helaan hodantinimada hubaasha waxgarashada, inay ogaadaan qarsoodiga Ilaah, kaas oo ah Masiixa.
3 в Якому всі скарби премудрости й пізна́ння заховані.
Isaga waxaa ku wada qarsoon waxyaalaha qaaliga ah oo dhan oo ah xigmadda iyo aqoonta.
4 А це говорю́, щоб ніхто вас не звів фальшивими доводами при суперечці.
Taas waxaan u leeyahay inaan ninna idinku khiyaanayn hadal sasabasho ah.
5 Бо хоч тілом я й неприсутній, та духом я з вами, і з радістю бачу ваш порядок та твердість вашої віри в Христа.
In kastoo aan idinka maqnahay xagga jidhka, weliba waan idinla joogaa xagga ruuxa, anigoo faraxsan oo fiirinaya nidaamkiinna iyo adkaanta rumaysadkiinna, xagga Masiixa.
6 Отже, як ви прийняли́ були Христа Ісуса Господа, так і в Ньому ходіть,
Haddaba sidaad u aqbasheen Rabbi Ciise Masiix, ku socda,
7 бувши вкорі́нені й збудо́вані на Ньому, та зміцнені в вірі, як вас на́вчено, збагачуючись у ній з подякою.
idinkoo isaga xidid ku yeeshay oo ku dhismay, oo rumaysadkiinna ku adkaaday, taas oo ah sidii laydiin baray, oo aad u mahadnaqa.
8 Стережіться, щоб ніхто вас не звів філосо́фією та марно́ю ома́ною за переда́нням лю́дським, за стихі́ями світу, а не за Христом,
Iska jira yaan ninna idinku dhicin faylosofiyadiisa iyo khiyaanadiisa bilaashka ah xagga caadooyinka dadka iyo waxyaalaha dunida ugu horreeya oo aan ka iman xagga Masiixa,
9 бо в Ньому тілесно живе вся повнота́ Божества́.
waayo, buuxnaanta Ilaahnimada oo dhammu waa ku jirtaa isagoo jidh leh,
10 І ви маєте в Нім повноту́, а Він — Голова всякої влади й начальства.
oo waa laydin buuxiyey idinkoo ku jira isagoo ah madaxa taaliye kasta iyo amar kasta.
11 Ви в Ньому були́ й обрізані нерукотво́рним обрі́занням, скинувши лю́дське тіло гріховне в Христовім обрі́занні.
Oo isaga xaggiisaa laydinkaga guday gudniin aan gacmo lagu samayn markii aad gudniinta Masiixa ku xoorteen jidhka aadmiga.
12 Ви були з Ним поховані у хрищенні, у Ньому ви й ра́зом воскресли через віру в силу Бога, що Він з мертвих Його воскресив.
Idinka waxaa isaga laydinkula aasay baabtiiska, kaas oo isaga laydinkula soo kiciyey xagga rumaysadka aad u qabtaan xoogga Ilaah oo shaqeeya oo isaga kuwii dhintay ka soo sara kiciyey.
13 І вас, що мертві були́ в гріхах та в необрізанні вашого тіла, Він оживив ра́зом із Ним, простивши усі гріхи,
Idinkoo ku dhintay xadgudubyadiinnii iyo buuryoqabnimadii jidhkiinna ayuu weliba isaga idinla soo noolaysiiyey, isagoo inaga cafiyey xadgudubyadeennii oo dhan.
14 знищивши рукописа́ння на нас, що нака́зами було проти нас, — Він із сере́дини взяв його та й прибив його на хресті,
Wuxuu baabbi'iyey dacwadii inoogu qornayd qaynuunnada oo inaga geesta ahayd, oo weliba intuu fogeeyey ayuu ku qodbay iskutallaabta.
15 роззброївши вла́ди й начальства, сміли́во їх вивів на посміхо́висько, — перемігши їх на хресті!
Isagu hubkuu ka qaaday taliyayaasha iyo kuwa amarka leh, oo bayaan ayuu u ceebeeyey, isagoo iyaga kaga guulaysanaya.
16 Тож, хай ніхто вас не судить за їжу, чи за питво́, чи за чергове свято, чи за новомі́сяччя, чи за суботи, —
Haddaba ninna yuusan idinku xukumin wax ku saabsan cunto ama cabbid ama maalin iid ah ama bil dhalatay ama maalmaha sabtida,
17 бо це — тінь майбу́тнього, а тіло — Христове.
kuwaas oo ah hooska waxyaalaha iman doona, laakiinse jidhka waxaa iska leh Masiixa.
18 Нехай вас не зводить ніхто уда́ваною покорою та службою ангола́м, вдаючися до того, чого не бачив, нерозважно надимаючись своїм тілесним розумом,
Ninna yuusan abaalgudkiinna idinka dulmin isagoo idin oggolaysiinaya is-hoosaysiinta iyo malaa'ig caabudidda, oo dhex gelaya waxyaalaha uusan arkin, oo micnela'aan ugu kibraya maankiisa aadmiga,
19 а не тримаючись Голови, від Якої все тіло, сугло́бами й зв'я́зями з'є́днане й змі́цнене, росте зростом Божим.
oo aan xajisanayn Madaxa jidhka oo dhammu wax ka helo, oo xubnaha iyo seedaha isku haysta, oo kordhinta Ilaah ku kordha.
20 Отож, як ви вмерли з Христом для стихі́й світу, то чого ви, немов ті, хто в світі живе, пристаєте на постанови:
Haddii aad Masiixa kala dhimateen waxyaalaha dunida ugu horreeya, maxaad sidii idinkoo dunida ku nool isaga hoosaysiisaan qaynuunnada,
21 не дотикайся, ані їж, ані рухай,
kuwaas oo leh, Ha qaban, Ha dhadhamin, Ha taaban?
22 бо то все зни́щиться, як уживати його, — за при́казами та наукою лю́дською.
Waxyaalahaas oo dhan ayaa isticmaal ku wada baabba'aya. Qaynuunnadu waxay ka yimaadeen amarrada iyo cilmiga dadka.
23 Воно ж має вид мудрости в самовільній службі й покорі та в знеси́люванні тіла, та не має якогось зна́чення, хіба щодо наси́чення тіла.
Waxyaalahaasu sida haqiiqada ah waxay leeyihiin muuqasho xigmad ah xagga caabudidda qof naftiisa ku qasbo iyo is-hoosaysiinta iyo saxariirinta jidhka, laakiinse iyagu faa'iido ma leh ay ku hor joogsadaan dherjinta jidhka.

< До колоссян 2 >