< Yeremya 15 >

1 RAB bana dedi ki, “Musa'yla Samuel önümde durup yalvarsalar bile, bu halka acımayacağım; kov onları önümden, gitsinler!
Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Xataa haddii Muuse iyo Samuu'eel ay hortayda soo istaagaan, qalbigaygu innaba dadkan uma soo noqon kareen. Hortayda ka fogee iyaga, oo iska daa ha tageene.
2 Sana, ‘Nereye gidelim?’ diye sorarlarsa de ki, ‘RAB şöyle diyor: “‘Ölüm için ayrılanlar ölüme, Kılıç için ayrılanlar kılıca, Kıtlık için ayrılanlar kıtlığa, Sürgün için ayrılanlar sürgüne.’
Oo markay kugu yidhaahdaan, Xaggee baannu tegaynaa? waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Kuwii dhimashadu waajib ku tahay xagga dhimashada ha tageen, kuwii seeftu xagga seefta, kuwii abaartu xagga abaarta, oo kuwii maxaabiisnimadu xagga maxaabiisnimada.
3 “Onların başına dört tür yıkım getirmeye karar verdim” diyor RAB, “Öldürmek için kılıcı, paralamak için köpekleri, yiyip bitirmek, yok etmek için yırtıcı kuşlarla yabanıl hayvanları salacağım üzerlerine.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan korkooda ku soo dayn doonaa belaayo afar cayn ah, waana in seeftu disho, oo eeydu kala dildillaacsadaan, oo haadka samada iyo dugaagga dhulku ay wada laastaan oo ay baabbi'iyaan.
4 Yahuda Kralı Hizkiya oğlu Manaşşe'nin Yeruşalim'de yaptıkları yüzünden bütün yeryüzü krallıklarını dehşete düşüreceğim.
Manaseh ina Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wixii uu Yeruusaalem ku dhex sameeyey daraaddood ayaan ka dhigi doonaa inay iyagu boqortooyooyinka dunida oo dhan ku dhex rogrogmadaan hore iyo dib.
5 “Kim acıyacak sana, ey Yeruşalim? Kim yas tutacak senin için? Hal hatır sormak için Kim yolundan dönüp sana gelecek?
Waayo, Yeruusaalemay, bal yaa kuu tudhi doona? Yaase kuu barooran doona? Yaase u soo leexan doona inuu sidaad tahay weyddiiyo?
6 Sen beni reddettin” diyor RAB, “Gerisingeri gidiyorsun. Ben de elimi sana karşı kaldıracak, Seni yok edeceğim; Merhamet ede ede yoruldum.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad iga tagtay, oo dib baad u noqotay, sidaas daraaddeed gacantaydaan kugu soo fidiyey, waanan ku baabbi'iyey, waayo, inaan ciqaabiddaada ka noqdo waan ka daalay.
7 Ülkenin kapılarında, Halkımı yabayla savuracak, Çocuksuz bırakacak, yok edeceğim; Çünkü yollarından dönmediler.
Dalka irdihiisa ayaan iyaga masaf kaga haadiyey, waanan gablamiyey, dadkaygana waan baabbi'iyey, waayo, jidadkoodii kama ay soo noqon.
8 Dul kadınlarının sayısı denizin kumundan çok olacak. Gençlerinin annelerine Öğle vakti yok ediciyi göndereceğim; Üzerlerine ansızın acı, dehşet salacağım.
Tiradii carmalladooda waan ka sii badiyey cammuudda badaha, oo barbaarrada hooyooyinkood waxaan hadhkii ku soo daayay baabbi'iye. Waxaan si kedis ah ugu dejiyey cidhiidhi iyo cabsi.
9 Yedi çocuklu kadın Bayılıp son soluğunu verecek; Daha gündüzken güneşi batacak, Utandırılıp alçaltılacak. Sağ kalanları düşmanlarının önünde Kılıca teslim edeceğim.” Böyle diyor RAB.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Tii toddoba wiil dhashay way caatowday, oo naftiina way ka baxday. Gabbalkeediina waa dhacay iyadoo ay weli maalin tahay. Way ceebowday, wayna wareertay, oo kuwooda hadhayna waxaan u gacangelin doonaa seefta cadaawayaashooda.
10 Vay başıma! Herkesle çekişip davacı olayım diye Doğurmuşsun beni, ey annem! Ne ödünç aldım, ne de verdim, Yine de herkes lanet okuyor bana.
Anigaa iska hoogay, hooyoy, waxaad ii dhashay inaan dunida oo dhan u ahaado nin rabshad iyo dirir miidhan! Weligay ninna korsocod wax uma deymin, oo ninna korsocod wax kama deyman, laakiinse mid kastaaba waa i habaaraa.
11 RAB şöyle dedi: “Kuşkun olmasın, iyilik için seni özgür kılacağım, Yıkım ve sıkıntı zamanında Düşmanlarını sana yalvartacağım.
Rabbigu wuxuu yidhi, Sida runta ah waad nabdoonaan doontaa, sida runta ah waxaan ka dhigi doonaa in cadowgu ku baryo wakhtigii masiibo jirto iyo wakhtigii dhib jiro.
12 “Demiri, kuzeyden gelen demiri Ya da tuncu kimse kırabilir mi?
Miyaa bir la jebin karaa, xataa birta woqooyi, iyo naxaasta?
13 Ülkende işlenen günahlar yüzünden Servetini de hazinelerini de karşılıksız, Çapul malı olarak vereceğim.
Maalkaaga iyo khasnadahaaga waxaan u wada bixin doonaa sidii boolida aan loo iibsan, waana dembigaagii aad waddankaaga oo dhan ku dhex samaysay daraaddiis.
14 Bilmediğin bir ülkede Düşmanlarına köle edeceğim seni. Çünkü size karşı öfkem Ateş gibi tutuşup yanacak.”
Oo waxaan ka dhigi doonaa inaad cadaawayaashaada ula gudubtid dal aadan innaba aqoonin, waayo, waxaa xanaaqaygii ka ololay dab idin gubi doona.
15 Sen bilirsin, ya RAB, Beni anımsa, beni kolla. Bana eziyet edenlerden öcümü al. Sabrınla beni canımdan etme, Senin uğruna aşağılandığımı unutma.
Rabbiyow, wax kastaba waad og tahay, haddaba bal i soo xusuuso, oo i soo booqo, oo iiga aargud kuwa i silcinaya. Ii dulqaado oo ha i fogayn. Ogow inaan aawadaa cay ugu adkaystay.
16 Sözlerini bulur bulmaz yuttum, Bana neşe, yüreğime sevinç oldu. Çünkü seninim ben, Ya RAB, Her Şeye Egemen Tanrı!
Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, erayadaadii waa la helay, oo waan cunay, oo erayadaadu waxay ii ahaayeen farxaddii iyo rayrayntii qalbigayga, waayo, magacaagaa la iigu yeedhaa.
17 Eğlenenlerin arasında oturmadım, Onlarla sevinip coşmadım. Elin üzerimde olduğu için Tek başıma oturdum, Çünkü beni öfkeyle doldurmuştun.
Ma aanan dhex fadhiisan shirka kuwa wax ku qosla, oo ma aanan rayrayn innaba, laakiinse keligay baan gooni u fadhiistay gacantaada i dul saaran aawadeed, waayo, waxaad iga buuxisay dhirif.
18 Neden sürekli acı çekiyorum? Neden yaram ağır ve umarsız? Benim için aldatıcı bir dere, Güvenilmez bir pınar mı olacaksın?
Bal maxaa xanuunkaygu had iyo goor u sii jiraa, nabarkayguse bal muxuu la raysan waayaa, oo inuu bogsado u diidaa? Sida xaqiiqada ah ma waxaad ii noqonaysaa sidii durdur been ah, iyo sidii biyo sii gudhaya oo kale?
19 Bu yüzden RAB diyor ki, “Eğer dönersen seni yine hizmetime alırım; İşe yaramaz sözler değil, Değerli sözler söylersen, Benim sözcüm olursun. Bu halk sana dönecek, Ama sen onlara dönmemelisin.
Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad soo noqotid, waan ku soo celin doonaa, oo hortaydaad istaagi doontaa. Oo haddaad waxyaalaha qaaliga ah nijaasta ka soocdidna waxaad noqon doontaa sida afkayga oo kale. Iyagu waa inay kuu soo noqdaan, laakiinse adigu waa inaadan xaggooda u noqon.
20 Bu halkın karşısında Sağlamlaştırılmış tunç bir duvar kılacağım seni; Seninle savaşacak ama yenemeyecekler, Çünkü yardım etmek, kurtarmak için Ben seninleyim” diyor RAB.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan dadkan kaaga dhigi doonaa derbi adag oo naxaas ah. Way kula diriri doonaan, laakiinse kaama ay adkaan doonaan innaba, waayo, waan kuula jiraa inaan ku badbaadsho oo aan ku samatabbixiyo.
21 “Seni kötünün elinden kurtaracak, Acımasızın avucundan kurtaracağım.”
Oo waxaan kaa samatabbixin doonaa gacanta sharrowyada, waanan kaa badbaadin doonaa gacanta kuwa laga cabsado.

< Yeremya 15 >