< 2 Korintliler 12 >

1 Yararlı olmasa da övünmek gereklidir. Şimdi görümlere ve Rab'bin vahiylerine geleyim.
Waa inaan faano in kastoo aanay waxtar lahayn, laakiin waxaan gaadhi doonaa riyooyin iyo waxa Rabbigu muujiyo.
2 On dört yıl önce alınıp üçüncü göğe götürülmüş bir Mesih izleyicisi tanıyorum. Bu, bedensel olarak mı, yoksa beden dışında mı oldu, bilmiyorum, Tanrı bilir.
Waxaan garanayaa nin Masiix ku jira oo afar iyo toban sannadood ka hor kor loo qaaday ilaa samada saddexaad. Inuu jidhka ku jiray iyo inaanu jidhka ku jirin garan maayo, Ilaah baase garan.
3 Evet, bu adamın cennete götürüldüğünü biliyorum; bu, bedensel olarak mı, yoksa bedenden ayrı mı oldu, bilmiyorum, Tanrı bilir. Orada, dille anlatılamaz, insanın söylemesi yasak olan sözler işitti.
Oo waxaan garanayaa ninkaas, laakiin inuu jidhka ku jiray iyo inaanu jidhka ku jirin garan maayo, Ilaah baase garan.
4
Isaga kor baa loogu qaaday Firdooska, oo wuxuu maqlay erayo aan lagu hadlin oo aan nin loo idmin inuu ku hadlo.
5 Böyle biriyle övüneceğim. Ama kendimle ilgili olarak, güçsüzlüklerimden başka bir şeyle övünmeyeceğim.
Kaasoo kale xaggiisa waan ku faani doonaa, laakiin xaggayga kuma faani doono, itaaldarradayda mooyaane.
6 Övünmek istesem bile akılsız olmayacağım. Çünkü gerçeği söylemiş olacağım. Ama kimse beni gördüğünden ya da işittiğinden daha üstün görmesin diye övünmekten kaçınıyorum.
Waayo, haddaan dooni lahaa inaan faano, doqon ma ahaan doono, waayo, runtaan ku hadli doonaa; laakiin waan iska celiyaa inaanu qofna ii malayn mid ka weyn wuxuu igu arko ama iga maqlo.
7 Aldığım vahiylerin üstünlüğüyle gururlanmayayım diye bana bedende bir diken, beni yumruklamak için Şeytan'ın bir meleği verildi, gururlanmayayım diye.
Inaanan isu sarraysiin waxyaalaha lay muujiyey weynaantooda dheer aawadeed, waxaa lay siiyey wax jidhkayga muda oo ah mid Shayddaan uu soo diray inuu i kadeedo, si aanan isu sarraysiin.
8 Bundan kurtulmak için Rab'be üç kez yalvardım.
Waxaas aawadiis saddex goor ayaan Rabbiga ka baryay in waxaasi iga fogaado.
9 Ama O bana, “Lütfum sana yeter. Çünkü gücüm, güçsüzlükte tamamlanır” dedi. İşte, Mesih'in gücü içimde bulunsun diye güçsüzlüklerimle sevinerek daha çok övüneceğim.
Oo isagu wuxuu igu yidhi, Nimcadaydu way kugu filan tahay; maxaa yeelay, xooggaygu wuu ku dhan yahay itaaldarrada. Sidaa aawadeed anigoo faraxsan ayaan ku faanayaa itaaldarrooyinkayga in xoogga Masiixu igu soo dego.
10 Bu nedenle Mesih uğruna güçsüzlükleri, hakaretleri, zorlukları, zulümleri ve darlıkları sevinçle karşılıyorum. Çünkü ne zaman güçsüzsem, o zaman güçlüyüm.
Sidaa aawadeed waxaan ku farxaa itaaldarrooyin iyo hadallo cay ah iyo baahiyo iyo silecyo iyo dhibaatooyin Masiix aawadiis, waayo, markaan itaal daranahay, ayaan xoog badnahay.
11 Akılsız biri gibi davrandım, ama beni buna siz zorladınız. Aslında beni siz tavsiye etmeliydiniz. Çünkü bir hiç isem de, sözüm ona üstün elçilerden hiç de aşağı değilim.
Doqon baan noqday; idinkaase igu qasbay. Waxay ahayd inaad i ammaantaan, waayo, sinaba ugama aan liidan rasuulladii ugu wada waaweynaa, in kastoo aanan waxba ahayn.
12 Elçiliğimin kanıtları aranızda büyük bir sabırla, belirtiler, harikalar ve mucizelerle gösterildi.
Hubaal rasuul calaamooyinkiis ayaa si dulqaad leh laydiinka dhex sameeyey xagga calaamooyin iyo yaabab iyo shuqullo xoog leh.
13 Size yük olmayışımdan başka öbür kiliselerden ne eksiğiniz var ki? Bu haksızlığımı bağışlayın!
Maxaa idinka dhiman oo aad uga liidataan kiniisadaha kale, anigoo aan idin culaysin mooyaane? Xumaantan aawadeed iga raalli ahaada.
14 İşte, üçüncü kez yanınıza gelmeye hazırım ve size yük olmayacağım. Çünkü sizde olanı değil, sizi istiyorum. Çocukların anne babaları için değil, anne babaların çocukları için para biriktirmesi gerekir.
Markan waa markii saddexaad oo aan diyaar u ahay inaan idiin imaado; oo idinma culaysin doono, maxaa yeelay, idinkaan idin doonayaa ee ma doonayo wixiinna; waayo, ma aha inay carruurtu waalidkood wax u kaydiso, laakiin waa inuu waalidku carruurta wax u kaydiyo.
15 Ben de canlarınız uğruna malımı da kendimi de seve seve harcayacağım. Sizi daha çok seversem, daha az mı sevileceğim?
Anna si farxad leh ayaan isu bixin, naftiinnaanan isu bixin. Haddii aan aad idiin jeclahay, ma si ka yar baa lay jecel yahay?
16 Öyle olsun, ben size yük olmadım. Ama kurnaz biri olduğumdan sizi hileyle elde etmişim!
Hase ahaatee, anigu idinma aan culaysin, laakiin khaa'in baan noqday oo sir baan idinku qabtay.
17 Size gönderdiğim adamlardan biri aracılığıyla sizi sömürdüm mü?
Miyaan faa'iido ahaan wax idiinkaga qaatay kuwii aan idiin soo diray midkoodna?
18 Titus'u size gelmeye isteklendirdim ve öbür kardeşi de onunla birlikte gönderdim. Titus sizi sömürmedi, değil mi? Aynı ruhla davranmadık mı, aynı yolu izlemedik mi?
Tiitos waan waaniyey, walaalkeenna waan la diray isagii. Tiitos miyuu faa'iido ahaan wax idiinkaga qaatay? Miyaannan isku ruux ku socon? Miyaannan isku tallaabooyin ku socon?
19 Bunca zamandır önünüzde kendimizi savunduğumuzu mu düşünüyorsunuz? Tanrı'nın önünde, Mesih'e ait kişiler olarak konuşuyoruz. Sevgili kardeşler, yaptığımız her şey sizin gelişmeniz içindir.
Haatan waxaad u malaynaysaan inaannu iska kiin daafacayno. Ilaah hortiisa waxaannu u hadlaynaa sida kuwo Masiix, oo gacaliyayaalow, wax kastaba waxaannu u samaynaa si aad u dhisantaan.
20 Çünkü geldiğimde sizi istediğim durumda bulamayacağımdan korkuyorum. Sizler de beni istediğiniz durumda bulamayabilirsiniz. Aranızda çekişme, kıskançlık, öfke, bencil tutkular, iftira, dedikodu, böbürlenme, kargaşa olmasından korkuyorum.
Waayo, waxaan ka cabsanayaa in, kolkaan imaado, aan idinka waayo sidaan doonayo inaad ahaataan, idinna aad iga weydaan sidaad doonaysaan inaan ahaado, waaba intaasoo ay jiraan dirir, iyo masayr, iyo xanaaq, iyo iskala qaybqaybin, iyo cay, iyo xan, iyo qabweynaan, iyo rabshooyin;
21 Korkarım size tekrar geldiğimde Tanrım beni önünüzde utandıracak; daha önce günah işleyip de kapıldıkları pisliklerden, fuhuş ve sefahatten tövbe etmeyen birçokları için yas tutacağım.
waaba intaasoo kolkaan mar kale imaado uu Ilaahay hortiinna igu hoosaysiiyaa, oo aan u baroortaa kuwo badan oo hadda ka hor dembaabay, oo aan ka toobadkeenin wasakhnimadii iyo sinadii iyo nejisnimadii ay faleen.

< 2 Korintliler 12 >