< Luka 16 >

1 Yesu aliwaambia tena wanafunzi wake, “Palikuwa na mtu mmoja tajiri aliyekuwa na meneja, na alitaarifiwa ya kwamba meneja huyu anatapanya mali zake.
Haddana wuxuu xertii ku yidhi, Waxaa jiri jiray nin hodan ah oo wakiil lahaa, kan loogu ashtakeeyey inuu alaabtiisa khasaarinayay.
2 Hivyo tajiri akamwita, akamwambia, “Ni nini hii ninayo isikia juu yako? Toa hesabu ya umeneja wako, kwa kuwa huwezi kuwa meneja tena.'
Markaasuu u yeedhay oo ku yidhi, Waa maxay waxan kugu saabsan ee aan maqlayo? I sii xisaabtii wakiilnimadaada, waayo, hadda ka dib wakiil sii ahaan kari maysid.
3 Yule meneja akasema moyoni mwake, Nifanye nini, maana bwana wangu ananiondolea kazi yangu ya umeneja? Sina nguvu za kulima, na kuomba naona haya.
Markaasaa wakiilkii isku yidhi, Maxaan sameeyaa, waayo, sayidkayga ayaa wakiilnimadii iga qaadaya? Itaal aan wax ku qodo ma lihi, inaan dawarsadona waan ka xishoonayaa.
4 Najua nitakalotenda ili nitakapotolewa katika kazi yangu ya uwakili watu wanikaribishe nyumbani mwao.
Waan garanayaa waxaan samaynayo, in goortii wakiilnimada layga saaro ay dadku guryahooda iigu dhowayn doonaan.
5 Hivyo wakili akawaita wadeni wa bwana wake kila mmoja akamwambia wa kwanza, 'unadaiwa kiasi gani na bwana wangu?'
Markaasuu u yeedhay mid walba oo sayidkiisu dayn ku lahaa. Kii hore ayuu ku yidhi, Sayidkaygu immisuu kugu leeyahay?
6 Akasema vipimo mia moja vya mafuta akamwambia 'chukua hati yako keti upesi andika hamsini.'
Wuxuu yidhi, Boqol qiyaasood oo saliid ah. Markaasuu ku yidhi, Wixii laguu qoray soo qaad, oo dhaqso u fadhiiso oo qor, Konton.
7 kisha akamwambia mwingine na wewe unadaiwa kiasi gani?' akasema 'vipimo mia moja vya unga vya ngano.' Akamwambia 'twaa hati yako andika themanini.'
Markaasuu wuxuu mid kale ku yidhi, Immisuu kugu leeyahay? Isaguna wuxuu yidhi, Boqol qiyaasood oo sarreen ah. Markaasuu ku yidhi. Wixii laguu qoray soo qaad, oo qor, Siddeetan.
8 Yule bwana akamsifu meneja dhalimu kwa vile alivyotenda kwa wereu. Kwakua watoto wa ulimwengu huu ni werevu nyingi na hushughulika kwa ujanja na watu wa upande wao kuliko walivyo watoto wa nuru. (aiōn g165)
Sayidkiisii ayaa wakiilkii xaqa darnaa faaniyey, waayo, si caqli leh ayuu u sameeyey, waayo, wiilashii wakhtigan waxay wiilasha iftiinka kaga caqli badan yihiin waxa qarnigooda ku saabsan. (aiōn g165)
9 Nami nawaambia jifanyieni marafiki kwa mali ya udhalimu ili itakapokosekana wawakaribishe katika makao ya milele. (aiōnios g166)
Oo waxaan idinku leeyahay, Saaxiibbo ku samaysta maalka xaqdarrada in goortuu dhammaado ay idiinku dhoweeyaan degmooyinka weligood ah. (aiōnios g166)
10 Aliye mwaminifu katika lililo dogo sana huwa mwaminifu katika lililo kubwa pia. na aliye dhalimu katika lililo dogo huwa dhalimu katika lililo kubwa pia.
Kan waxa u yar aamin ku ah, ayaa weliba wax badan aamin ku ah. Kan waxa u yar ku xaqdaran, ayaa waxa badanna ku xaqdaran.
11 Kama ninyi hamkuwa waaminifu katika mali ya udhalimu ni nani atakayewaamini katika mali ya kweli?
Haddii aydnaan maalka xaqdaran aamin ku ahayn, waxa run ah yaa idinku aaminaya?
12 Na kama hamkuwa waaminifu katika kutumia mali ya mtu mwingine ni nani atakayewapa iliyo yenu wenyewe?
Haddii aydnaan wixii qof kale leeyahay aamin ku ahayn, yaa idin siinaya wixiinna?
13 Hakuna mtumishi awezaye kutumikia mabwana wawili, kwamaana atamchukia mmoja na kumpenda mwingine, ama atashikamana na huyu na kumdharau huyu. Hamuwezi kumtumikia Mungu na mali.”
Midiidinna laba sayid uma shaqayn karo, waayo, mid buu nacayaa, kan kalena wuu jeclaanayaa, ama mid buu la jirayaa, kan kalena wuu quudhsanayaa. Uma wada shaqayn kartaan Ilaah iyo maal.
14 Basi Mafarisayo, ambao walikuwa wanapenda fedha waliyasikia haya yote na wakamdhihaki.
Farrisiintii lacagta jeclayd ayaa waxaas oo dhan maqashay, wayna ku qosleen.
15 Na akawaambia, “Ninyi ndiyo mnaojidai haki mbele ya wanadamu, lakini Mungu anaijua mioyo yenu. Kwa kuwa lililotukuka kwa wanadamu huwa chukizo mbele za Mungu.
Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin kuwa dadka hortooda isku soo caddeeya inaad xaq tihiin, laakiin Ilaah waa garanayaa qalbiyadiinna, waayo, wixii dadka dhexdooda lagu sarraysiiyaa, Ilaah hortiisa waa ka karaahiyo.
16 Sheria na manabii vilikuwapo mpaka Yohana alivyokuja. Tangu wakati huo, habari njema ya ufalme wa Mungu hutangazwa, na kila mtu hujaribu kujiingiza kwa nguvu.
Sharciga iyo nebiyadu waxay jireen ilaa Yooxanaa; tan iyo wakhtigaas injiilka boqortooyada Ilaah waa lagu wacdiyey, oo mid walbaba xoog buu ku galaa.
17 Lakini ni rahisi kwa mbingu na nchi vitoweke kuliko hata herufi moja ya sheria ikosekane.
Laakiin in sharciga dhibic keliya ka dhacdo waxaa ka hawl yar in cirka iyo dhulku ay idlaadaan.
18 Kila amwachaye mkewe na kumwoa mke mwingine azini, naye amwooaye yeye aliyeachwa na mumewe azini.
Mid walba oo naagtiisa fura oo mid kale guursadaa wuu sinaystaa, oo kii guursadaa mid nin laga furay wuu sinaystaa.
19 Palikua na mtu mmoja tajiri aliyevaa nguo za rangi ya zambarau na kitani safi na alikua akifurahia kila siku utajiri wake mkubwa.
Waxaa jiri jiray nin hodan ah oo dhar gududan oo jilicsan sidan jiray, maalin walbana barwaaqo aad buu ugu farxi jiray.
20 Na maskini mmoja jina lake Lazaro aliwekwa getini pake, na ana vidonda.
Oo waxaa albaabkiisa la dhigi jiray miskiin Laasaros la odhan jiray, isagoo boogo miidhan leh,
21 Naye alikua akitamani kushibishwa kwa makombo yaliyoanguka katika meza ya yule tajiri hata mbwa wakaja wakamlamba vidonda vyake.
oo doonaya in la siiyo jajabkii miiska ninkii hodanka ahaa ka dhacay. Eeyduna way iman jireen oo boogihiisa leefleefi jireen.
22 Ikawa yule maskini alikufa na akachukuliwa na Malaika mpaka kifuani kwa Ibrahimu. Yule tajiri naye akafa akazikwa.
Waxaa dhacay inuu miskiinkii dhintay, oo malaa'igahu waxay u qaadeen laabtii Ibraahim. Ninkii hodanka ahaana waa dhintay, waana la aasay.
23 Na kule kuzimu alipokua katika mateso aliyainua macho yake akamuona Ibrahimu kwa mbali na Lazaro kifuani mwake. (Hadēs g86)
Intuu Haadees ku jiray ayuu indhihiisa kor u qaaday isagoo aad u silcaya; wuxuuna meel fog ka arkay Ibraahim, iyo Laasaros oo laabtiisa ku tiirsan. (Hadēs g86)
24 Akalia akasema, 'Baba Ibrahimu, nihurumue umtume Lazaro achovye ncha ya kidole chake majini, auburudishe ulimi wangu; kwa sababu ninateswa katika moto huu.
Markaasuu qayliyey oo yidhi, Aabbe Ibraahimow, ii naxariiso, oo Laasaros ii soo dir inuu fartiisa caaraddeeda biyo ku tiinbiyo oo carrabkayga ku qabowjiyo, waayo, anigu ololkan ayaan ku silcayaa.
25 Lakini Ibrahimu akasema, 'Mwanangu kumbuka ya kwamba katika maisha yako uliyapokea mambo yako mema, na Lazaro vivyo alipata mabaya. Ila sasa yupo hapa anafarijiwa na wewe unaumizwa.
Laakiin Ibraahim wuxuu ku yidhi, Wiil yahow, xusuuso inaad waxaagii wanaagsanaa heshay intii aad noolayd, si la mid ah ayuu Laasaros waxa xun helay, laakiin haddeer isaga halkan ayaa lagu raaxaysiiyey, adiguse waad silcaysaa.
26 Na zaidi ya hayo, kumewekwa shimo kubwa na refu kati yetu, ili wale wanaotaka kutoka huku kwenda kwenu wasiweze wala watu wa kwenu wasivuke kuja kwetu.'
Weliba annaga iyo idinka waxaa layna dhex dhigay bohol aad u weyn, si kuwa doonaya inay halkan ka sii tallaabaan inay idiin yimaadaan aanay u karin, oo kuwa xaggaasna ayna noogu soo tallaabin.
27 Yule tajiri akasema, 'Nakuomba Baba Ibrahimu, kwamba umtume nyumbani kwa baba yangu
Markaasuu wuxuu ku yidhi, Aabbow, waxaan kaa baryayaa haddaba inaad guriga aabbahay isaga u dirtid,
28 kwa kuwa ninao ndugu watano ili awaonye, kwa hofu kwamba wao pia watkuja mahali hapa pa mateso. '
waayo, shan walaalo ah baan leeyahay, si uu ugu warramo inaanay iyaguna meeshan silaca leh iman.
29 Lakini Ibrahimu akasema, 'Wanao Musa na manabii. Waache wawasikilize wao.
Laakiin Ibraahim wuxuu ku yidhi, Waxay leeyihiin Muuse iyo nebiyada ee ha maqleen.
30 Yule tajiri akasema, 'hapana, Baba Ibrahimu, lakini kama akiwaendea mtu atokaye kwa wafu watatubu.'
Markaasuu wuxuu ku yidhi, Maya, Aabbe Ibraahimow, laakiin haddii qof kuwii dhintay uga tago, way toobadkeeni doonaan.
31 Lakini Ibrahimu akamwambia, 'wasipowasikia Musa na manabii hawatashawishiwa hata mtu akifufuka katika wafu.
Wuxuuse ku yidhi, Haddii ay maqli waayaan Muuse iyo nebiyada, in kastoo qof kuwii dhintay ka soo sara kaco, la oggolaysiin kari maayo inay rumaystaan.

< Luka 16 >