< Muujintii 20 >

1 Oo markaasaan arkay malaa'ig samada ka degaysa, oo waxay gacanta ku haysatay furihii yamayska iyo silsilad weyn. (Abyssos g12)
Kisha niliona malaika akishuka kutoka mbinguni, akiwa na ufunguo wa shimo lisilo na mwisho na mnyororo mkubwa mkononi mwake. (Abyssos g12)
2 Oo markaasay qabsatay masduulaagii ahaa maska duqa ah, kaasoo ah Ibliiska iyo Shayddaanka, oo intii kun sannadood ah ayay xidhay,
Alimshika yule joka, nyoka wa zamani, ambaye ni ibilisi au Shetani, na kumfunga miaka elfu.
3 oo waxay ku ridday yamayskii, markaasay xidhay oo shaabad ku awday inaanu quruumaha mar dambe khiyaanayn ilamaa kunka sannadood ay dhammaadaan; oo taas ka dib waa in isaga la furo wakhti yar. (Abyssos g12)
Alimtupa kwenye shimo lisilo na mwisho, akalifunga na kulitia mhuri juu yake. Hii ilikuwa hivyo ili kwamba asiwadanganye mataifa tena mpaka miaka elfu itakapoisha. Baada ya hapo, ataachiwa huru kwa muda mchache. (Abyssos g12)
4 Oo markaasaan arkay carshiyo, oo waxaa kuwa ku fadhiyey la siiyey amar ay ku xukumaan; oo haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa looga jaray markhaatigii ay Ciise u fureen aawadiis, iyo eraygii Ilaah aawadiis, iyo kuwii aan caabudin bahalkii iyo sanamkiisa toona, oo aan aqbalin in sumaddii lagaga dhigo wejigooda iyo gacantooda; way soo noolaadeen oo kun sannadood ayay Masiix wax la xukumeen.
Kisha niliona viti vya enzi. Waliokuwa wamevikalia ni wale ambao walikuwa wamepewa mamlaka ya kuhukumu. Vilevile niliona nafsi za wale ambao walikuwa wamekatwa vichwa kwa ajili ya ushuhuda kuhusu Yesu na kwa neno la Mungu. Walikuwa hawajamwabudu mnyama au sanamu yake, na walikataa kupokea alama juu ya paji za nyuso zao au mkono. Walikuja uzimani, na wakatawala pamoja na Kristo kwa miaka elfu.
5 Oo dadkii dhintay intoodii kalena sooma ay noolaan ilamaa ay kunkii sannadood dhammaadeen. Kanu waa sarakicidda kowaad.
Wafu waliobaki hawakuja uzimani mpaka miaka elfu ilipokuwa imeisha. Huu ndio ufufuo wa kwanza.
6 Waxaa barakaysan oo quduus ah kii ka qayb gala sarakicidda kowaad; kuwaas dhimashada labaadi amar kuma laha, laakiinse waxay wadaaddo u ahaan doonaan Ilaah iyo Masiixa, oo waxay isaga wax la xukumi doonaan kun sannadood.
Mbarikiwa na mtakatifu ni mtu yeyote ambaye achukua nafasi katika ufufuo wa kwanza! Mauti ya pili haina nguvu juu ya watu kama hawa. Patakuwa na makuhani wa Mungu na wa Kristo na watatawala na yeye kwa miaka elfu.
7 Oo markii kunkii sannadood ay dhammaadaan ayaa Shayddaanka laga furi doonaa xabsigii lagu xabbisay,
Wakati miaka elfu itakapofikia mwisho, Shetani atafunguliwa kutoka gerezani mwake.
8 oo wuxuu u soo bixi doonaa inuu khiyaaneeyo quruumaha deggan dhulka afartiisa gees, kuwaas oo ah Juuj iyo Maajuuj inuu iyaga u soo ururiyo dagaalka; oo tiradooduna waa sida ciidda badda.
Atakwenda nje kuwadanganya mataifa katika kona nne za dunia -Gogu na Magogu - kuwaleta pamoja kwa ajili ya vita. Watakuwa wengi kama mchanga wa bahari.
9 Oo waxay ku soo kor baxeen ballaadhka dhulka, oo waxay hareereeyeen kaambadii quduusiinta iyo magaaladii la jeclaa; markaasaa waxaa samada ka soo degay dab, wuuna laastay iyagii.
Walikwenda juu kwenye tambarare ya nchi nao walizunguka kambi ya waumini, mji upendwao. Lakini moto ulikuja kutoka mbinguni na kuwaangamiza.
10 Oo Ibliiskii iyaga khiyaanayn jirayna waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka iyo baaruudda ahayd, halkaas oo ay ku jiraan bahalkii iyo nebigii beenta ahaa, oo iyaga waxaa la cadaabi doonaa habeen iyo maalinba weligood iyo weligoodba. (aiōn g165, Limnē Pyr g3041 g4442)
Shetani, ambaye aliwadanganya, alitupwa ndani ya ziwa liwakalo kiberiti, ambamo mnyama na nabii wa uongo walikuwa wameshatupwa. Watateswa mchana na usiku milele na milele. (aiōn g165, Limnē Pyr g3041 g4442)
11 Oo markaasaan arkay carshi weyn oo cad, iyo kii ku fadhiyey, oo wejigiisa dhulkii iyo samadii ay ka carareen, oo iyagiina meel looma helin.
Kisha niliona kiti cha enzi kikubwa cheupe na yule ambaye alikaa juu yake. Dunia na mbingu zilikimbia mbali kutoka katika uwepo wake, lakini hapakuwako nafasi ya wao kwenda.
12 Oo markaasaan arkay kuwii dhintay, yar iyo weynba, iyagoo taagan carshiga hortiisii, markaasaa waxaa la furay kitaabbadii; oo haddana waxaa la furay kitaab kale oo ah kii nolosha; oo kuwii dhintay waxaa lagu xukumay waxyaalihii kitaabbadii ku qornaa, sidii ay shuqulladoodii ahaayeen.
Niliwaona waliokufa - hodari na wasio wa muhimu wamesimama katika kiti cha enzi, na vitabu vilifunuliwa. Kisha kitabu kingine kilifunguliwa - Kitabu cha Uzima. Wafu walihukumiwa kwa kile kilichoandikwa ndani ya vitabu, matokeo ya kile walichokifanya.
13 Markaasaa baddii waxay sii daysay kuwii dhintay oo dhexdeedii ku jiray; oo dhimashadii iyo Haadeesna waxay sii daayeen kuwii dhintay oo dhexdoodii ku jiray; markaasaa iyagii waxaa laga xukumay nin walba sidii shuqulladiisu ahaayeen. (Hadēs g86)
Bahari iliwatoa wafu ambao walikuwa ndani yake. Kifo na kuzimu viliwatoa wafu ambao walikuwa ndani yake, na wafu walihukumiwa kulingana na walichofanya. (Hadēs g86)
14 Oo dhimashadii iyo Haadeesba waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd. Oo taasu waa dhimashadii labaad oo ah badda dabka ah. (Hadēs g86, Limnē Pyr g3041 g4442)
Kifo na kuzimu zilitupwa ndani ya ziwa la moto. Hii ni mauti ya pili - ziwa la moto. (Hadēs g86, Limnē Pyr g3041 g4442)
15 Oo ku alla kii aan kitaabkii nolosha laga helin isagoo ku qoran, waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd. (Limnē Pyr g3041 g4442)
Kama jina la yeyote halikupatikana limeandikwa ndani ya Kitabu cha Uzima, alitupwa ndani ya ziwa la moto. (Limnē Pyr g3041 g4442)

< Muujintii 20 >