< Muujintii 10 >

1 Oo haddana waxaan arkay malaa'ig kale oo xoog weyn oo samada ka soo degaysa, iyadoo daruur huwan, madaxeedana waxaa saarnaa qaansoroobaad, wejigeeduna wuxuu u ekaa qorraxda oo kale, cagaheeduna waxay u ekaayeen tiirar dab ah,
Sa'anan na ga wani babban mala'ika yana zuwa daga sama. Yana lullube cikin girgije, a bisa kansa akwai bakangizo. Fuskarsa kamar rana, kafafunsa kamar ginshikan wuta.
2 oo gacanteedana waxay ku haysatay buug yar oo furan. Oo cagteedii midig waxay saartay badda, teedii bidixdana waxay saartay dhulka,
Yana rike da karamin littafi a hannunsa, da aka bude, sai ya sa kafarsa ta dama a bisa teku, kafarsa ta hagu kuma a kan kasa.
3 oo markaasay ku dhawaaqday cod weyn oo u eg libaax ciyaya, oo markay qaylisay ayaa toddobadii onkodba onkodeen.
Sai yayi ihu da babbar murya kamar zaki mai ruri. Lokacin da ya yi ihu, tsawan nan bakwai suka yi magana da karar su.
4 Oo markii toddobadii onkod onkodeen, waxaan ku dhowaa inaan wax qoro; markaasaan maqlay cod samada ka leh, Shaabad ku xidh waxyaalaha toddobada onkod ay ku onkodeen, oo ha qorin.
Da tsawan nan bakwai suka yi magana, ina dab da rubutu, amma na ji wata murya daga sama cewa, “Ka rike asirin abin da tsawan nan bakwai suka fada. Kada ka rubuta shi.”
5 Markaasaa malaa'igtii aan arkay oo ku taagnayd badda iyo dhulka ayaa gacanteedii midig samada kor ugu taagtay,
Sai mala'ikan da na gani tsaye bisa teku da kasa, ya daga hannun damarsa sama.
6 oo inaan wakhti mar dambe jirayn ayay ugu dhaaratay kan weligiis iyo weligiisba nool, oo abuuray samada iyo waxyaalaha ku dhex jira, iyo dhulka iyo waxyaalaha ku dhex jira, iyo badda iyo waxyaalaha ku dhex jiraba. (aiōn g165)
Sai ya rantse da wannan da ke raye har abada abadin - wanda ya halicci sama da duk abinda ke cikinsa, da duniya da duk abin da ke a kanta, da teku da dukan abin da ke cikinsa, sai mala'ikan ya ce, “Babu sauran jinkiri. (aiōn g165)
7 Laakiinse wakhtiga codka malaa'igta toddobaad markay ku dhow dahay inay ka dhawaajiso ayaa waxaa dhammaan doona qarsoodiga Ilaah siduu ugu bishaareeyey nebiyadii addoommadiisa ahaa.
Amma a ranar da mala'ika na bakwai yana dab da busa kahonsa, a lokacin ne asirin Allah zai cika, daidai da yadda ya sanar wa bayinsa annabawa.”
8 Oo haddana waxaan mar kale maqlay codkii aan samada ka maqlay oo igu leh, Tag oo qaado buugga furan oo ku jira gacanta malaa'igta ku taagan badda iyo dhulka.
Muryar da na ji daga sama ta sake magana da ni: “Tafi, ka dauki budadden littafin da ke hannun mala'ikan da ke tsaye bisa teku da kan kasa.”
9 Markaasaan malaa'igtii u tegey, oo waxaan ku idhi, Buugga yar i sii. Markaasay igu tidhi, Qaado oo cun; oo wuxuu calooshaada ka dhigi doonaa qadhaadh, laakiin intuu afkaaga ku jiro wuxuu u macaanaan doonaa sida malab oo kale.
Sai na tafi wurin mala'ikan na ce da shi ka bani karamin littafin. Yace dani, “Dauki littafin ka ci. Zai sa cikinka ya yi daci, amma a bakinka zai yi zaki kamar zuma.”
10 Markaasaan buuggii yaraa ka qaatay malaa'igta gacanteedii, waanan cunay, oo intuu afkayga ku jiray wuxuu u macaanaa sida malab oo kale; oo markii aan cunay ayaa calooshaydii qadhaadh noqotay.
Na dauki karamin littafin daga hannun mala'ikan na ci. Ya yi zaki sosai a bakina kamar zuma, amma da na ci, sai cikina ya zama da daci.
11 Oo iyana waxay igu tidhi. Waa inaad mar kale wax ka sii sheegtid dad badan iyo quruumo badan iyo afaf badan iyo boqorro badan.
Wani yace mani, “Dole ka sake yin annabci kuma game da mutane masu yawa, da al'ummai, da harsuna da sarakuna.”

< Muujintii 10 >