< Sabuurradii 92 >

1 Waa wanaagsan tahay in Rabbiga lagu mahadnaqo, Iyo in magacaaga ammaan loogu gabyo, Ilaaha ugu sarreeyow,
安息日的詩歌。 至高者!最幸福的事情,是讚美上主,歌頌主名,
2 Iyo in raxmaddaada aroorta la muujiyo, Habeen kastana aaminnimadaada,
是清晨傳揚您的仁慈,是夜間宣講您的忠義,
3 Iyo in loogu heeso alaabta muusikada oo tobanka xadhig leh, iyo shareeradda, Iyo dhawaaqa kataaradda.
彈奏十絃琴和七絃琴,隨著琵琶旋律而詠詩。
4 Waayo, Rabbiyow, waxaad igaga farxisay shuqulkaagii, Oo shuqullada gacmahaagana waan ku guulaysan doonaa.
上主,你既以你的化工使我喜悅,我就因你雙手的一切工程歡樂。
5 Rabbiyow, shuqulladaadu waaweynaa! Oo fikirradaaduna aad bay u mool dheer yihiin.
上主,您的工程是多麼偉大,您的計劃是多麼奧妙!
6 Doqonku taas ma yaqaan, Kii nacas ahuna ma garan karo.
無理性的人,不會明白這事;愚昧的人,也不會領悟這事。
7 Kuwa sharka lahu markii ay sida doog u soo baxaan, Iyo markii xumaanfalayaasha oo dhammu ay barwaaqoobaan, Waa in weligoodba la baabbi'iyo,
歹徒雖然一時茂盛有如青草,作奸犯科的人雖然一時顯耀,然而他們終終必滅亡,永遠沉消,
8 Laakiinse Rabbiyow, adigu waad sarraysaa weligaa iyo weligaaba.
上主,惟有您永遠是至尊至高。
9 Waayo, Rabbiyow, bal eeg cadaawayaashaada, Bal eeg, cadaawayaashaadu way wada baabbi'i doonaane, Oo xumaanfalayaasha oo dhammuna way kala firidhsanaan doonaan.
上主,請看您的仇人,您的仇人必要沉淪;作惡的人無處棲身。
10 Laakiinse geeskayga waxaad u sarraysiisay sida geeska gisiga Oo waxaa laygu subkay saliid cusub.
您高舉我的角似野牛的角,用極新鮮的油膏傳抹了我,
11 Indhahayguna waxay arkeen wixii aan cadaawayaashayda la jeclaa, Oo dhegahayguna waxay maqleen wixii aan la jeclaa sharfalayaasha igu kaca.
因而我的眼目才輕視我的仇人,我耳朵歡樂聽見制服我的惡人。
12 Kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida geed timireed, Oo wuxuu u bixi doonaa sida geed kedar la yidhaahdo oo Lubnaan.
正義的人像棕櫚茂盛,似黎巴嫩的香柏高聳。
13 Kuwa guriga Rabbiga lagu dhex beeray Waxay ku barwaaqoobi doonaan barxadaha Ilaahayaga.
他們被栽植在上主的殿中,在我們天主的庭院裏繁榮。
14 Oo weliba midho bay dhali doonaan iyagoo gaboobay, Oo waxaa ka buuxi doona muud, wayna cagaari doonaan,
雖已年老,仍然結果,枝葉繁盛,依舊綠茂;
15 Si ay u muujiyaan in Rabbigu qumman yahay, Isagu waa dhagaxayga gabbaadka ah, oo xaqdarro kuma jirto.
為宣揚上主是多麼正直:我的磐石祂毫沒有不義。

< Sabuurradii 92 >