< Sabuurradii 87 >

1 Aasaaskiisu wuxuu ku jiraa buuraha quduuska ah. 2 Rabbigu degmooyinka reer Yacquub oo dhan Wuxuu ka jecel yahay irdaha Siyoon. 3 Magaalada Ilaahay, Waxyaalo ammaan badan ayaa lagaa sheegaa. (Selaah) 4 Anigu waxaan ka sheekayn doonaa Rahab iyo Baabuloon sidii kuwo i yaqaan, Bal eeg, Falastiin, iyo Turos, iyo Itoobiya. Midkanu halkaasuu ku dhashay. 5 Haah, oo Siyoonna waxaa laga odhan doonaa, Midkan iyo midkaasuba iyaduu ku dhashay, Oo Ilaaha ugu sarreeya ayaa iyada dhisi doona. 6 Rabbigu wuu tirin doonaa markuu dadka qorayo, Midkanu halkaasuu ku dhashay. (Selaah) 7 Kuwa gabya iyo kuwa cayaaraaba waxay odhan doonaan, Waxaa kugu jira ilahayga oo dhan.

< Sabuurradii 87 >