< Sabuurradii 82 >

1 Ilaah wuxuu dhex istaagaa ururka Ilaah, Oo wuxuu wax ku xukumaa ilaahyada dhexdooda, 2 Ilaa goormaad xaqdarro wax ku xukumaysaan? Oo ilaa goormaad kuwa sharka leh u eexanaysaan? (Selaah) 3 Miskiinka iyo agoonka gar siiya, Oo caddaalad ugu garsoora kan dhibaataysan iyo saboolka. 4 Badbaadiya miskiinka iyo kan baahan, Oo ka samatabbixiya gacanta kuwa sharka leh. 5 Iyagu waxba ma yaqaaniin, waxna garan maayaan, Oo gudcur bay hor iyo dib ugu socdaan, Dhulka aasaaskiisii oo dhammu waa wada dhaqdhaqaaqay. 6 Waxaan idhi, Idinku waxaad tihiin ilaahyo, Oo dhammaantiin waxaad tihiin Ilaaha uga sarreeya wiilashiisii. 7 Habase yeeshee waxaad u dhiman doontaan sida dadka oo kale, Oo waxaad u dhici doontaan sida amiirrada midkood. 8 Ilaahow, sara joogso oo dhulka xukun, Waayo, waxaad dhaxli doontaa quruumaha oo dhan.

< Sabuurradii 82 >