< Sabuurradii 77 >

1 Anigu codkaygaan Ilaah ugu qayshan doonaa, Xataa Ilaah ayaan codkayga ugu qayshan doonaa, oo isaguna wuu i dhegaysan doonaa.
Kwa mtsogoleri wa mayimbidwe. Potsata mayimbidwe a Yedutuni. Salimo la Asafu. Ndinafuwulira Mulungu kupempha thandizo; ndinafuwula mokweza kwa Mulungu kuti anditcherere khutu.
2 Maalintii aan dhibaataysnaa waxaan doondoonay Sayidka, Gacantaydu way fidsanayd habeennimadii, mana ay nasan, Oo naftaydiina way diidday in la qaboojiyo.
Pamene ndinali pa masautso ndinafunafuna Ambuye; usiku ndinatambasula manja mosalekeza ndipo moyo wanga unakana kutonthozedwa.
3 Waxaan soo xusuustaa Ilaah, markaasaan welwelaa, Waan cawdaa, markaasay naftaydu taag darnaataa. (Selaah)
Ndinakumbukira Inu Mulungu, ndipo ndinabuwula; ndinasinkhasinkha ndipo mzimu wanga unalefuka. (Sela)
4 Indhahaygii waad soo jeedisay, Aad baan u dhibaataysnahay si aanan u hadli karin.
Munagwira zikope zanga kuti ndisagone ndipo ndinavutika kwambiri kuti ndiyankhule.
5 Waxaan ka fikiray wakhtigii hore, Iyo sannadihii waa hore ahaa.
Ndinaganizira za masiku akale, zaka zamakedzana;
6 Habeenka waxaan soo xusuustaa gabaygayga, Oo waxaan la sheekaystaa qalbigayga, Oo ruuxaygiina aad buu wax u doondoonay.
Ndinakumbukira nyimbo zanga usiku. Mtima wanga unasinkhasinkha ndipo mzimu wanga unafunsa kuti,
7 Sayidku weligiisba ma i xoorayaa? Oo miyaanu mar dambe raalli iga ahaanaynin?
“Kodi Ambuye adzatikana mpaka muyaya? Kodi Iwo sadzaonetsanso kukoma mtima kwawo?
8 Naxariistiisii miyey wada dhammaatay weligeedba? Ballankiisiina miyuu baaqanayaa ka ab ka ab?
Kodi Chikondi chake chosatha chija chatheratu? Kodi malonjezo ake alephera nthawi yonse?
9 Ilaah miyuu illoobay inuu ahaado mid raxmad badan? Naxariistiisiina ma isagoo cadhaysan buu xidhay? (Selaah)
Kodi Mulungu wayiwala kukhala wokoma mtima? Kodi mu mkwiyo wake waleka chifundo chake?”
10 Oo weliba waxaan idhi, Tanu waa itaaldarradayda, Laakiinse waxaan xusuusan doonaa sannadihii gacanta midig oo Ilaaha ugu sarreeya.
Ndipo ndinaganiza, “Pa izi ine ndidzapemphanso: zaka za dzanja lamanja la Wammwambamwamba.
11 Waxaan ka soo sheekayn doonaa Rabbiga falimihiisa, Waayo, waxaan soo xusuusan doonaa cajaa'ibyadaadii hore.
Ine ndidzakumbukira ntchito za Yehova; Ine ndidzakumbukira zodabwitsa zanu za kalekale.
12 Waxaan ka fikiri doonaa shuqulkaaga oo dhan, Oo falimahaaga oo dhanna waan u fiirsan doonaa.
Ndidzakumbukira ntchito zanu ndi kulingalira zodabwitsa zanu.”
13 Ilaahow, jidkaagu wuxuu ku dhex yaal meesha quduuska ah, Ilaahee baa sida Ilaah u weyn?
Njira zanu Mulungu ndi zoyera. Kodi ndi mulungu uti ali wamkulu kuposa Mulungu wathu?
14 Waxaad tahay Ilaah cajaa'ibyo sameeya, Xooggaagii waxaad ogeysiisay dadyowga.
Inu ndinu Mulungu wochita zodabwitsa; Mumaonetsera mphamvu yanu pakati pa mitundu ya anthu.
15 Gacantaadaad dadkaagii ku soo furatay, Kuwaasoo ah ilma Yacquub iyo Yuusuf. (Selaah)
Ndi dzanja lanu lamphamvu munawombola anthu anu, zidzukulu za Yakobo ndi Yosefe. (Sela)
16 Ilaahow, biyuhu way ku arkeen, Biyuhu way ku arkeen, oo way cabsadeen, Oo moolalkuna way gariireen.
Madzi anakuonani Mulungu, madzi anakuonani ndipo anachita mantha; nyanja yozama inakomoka.
17 Daruuruhuna biyay soo daayeen, Cirkuna wuxuu diray dhawaaq, Oo weliba fallaadhahaaguna way bexeen.
Mitambo inakhuthula madzi ake pansi, mu mlengalenga munamveka mabingu; mivi yanu inawuluka uku ndi uku.
18 Codkii onkodkaaguna wuxuu ku dhex jiray cirwareenta, Hillaacuna wuxuu iftiimiyey dunida, Dhulkuna wuu gariiray oo wuu ruxmaday.
Bingu lanu linamveka mʼmphepo ya kamvuluvulu, mphenzi yanu inawalitsa dziko lonse; dziko lapansi linanjenjemera ndi kugwedezeka.
19 Jidkaaguna badduu dhex maray, Waddooyinkaaguna waxay dhex mareen biyo badan, Oo raadadkaagana lama aqoon.
Njira yanu inadutsa pa nyanja, njira yanu inadutsa pa madzi amphamvu, ngakhale zidindo za mapazi anu sizinaoneke.
20 Dadkaaga waxaad u hor kacday sidii adhi oo kale, Oo waxaad iyaga ku hoggaamisay gacanta Muuse iyo tan Haaruun.
Inu munatsogolera anthu anu ngati gulu la nkhosa mwa dzanja la Mose ndi Aaroni.

< Sabuurradii 77 >