< Sabuurradii 75 >

1 Ilaahow, adaan kuu mahadnaqnaa, Waannu kuu mahadnaqnaa, waayo, magacaagu waa noo dhow yahay, Dadku waxay ka sheekeeyaan shuqulladaada yaabka badan.
神よわれら汝にかんしやす われら感謝すなんぢの名はちかく坐せばなり もろもろの人はなんぢの奇しき事跡をかたりあへり
2 Wakhtiga aan qawimay, Ayaan si qumman wax u xukumi doonaa.
定りたる期いたらば我なほき審判をなさん
3 Dhulka iyo waxa kor deggan oo dhammuba way wada dhalaaleen, Tiirarkiisa anigaa qotomiyey. (Selaah)
地とすべての之にすむものと消去しとき我そのもろもろの柱をたてたり (セラ)
4 Kuwa kibirka leh waxaan ku idhi, Ha kibrina, Kuwa sharka lehna waxaan ku idhi, Geeskiinna kor ha u taagina,
われ誇れるものに誇りかにおこなふなかれといひ 惡きものに角をあぐるなかれといへり
5 Geeskiinna kor ha u taagina, Oo madaxadayg ha ku hadlina.
なんぢらの角をたかく擧るなかれ頸をかたくして高りいふなかれ
6 Waayo, sarrayntu kama timaado xagga bari ama xagga galbeed, Ama xataa xagga koonfureed toona.
擧ることは東よりにあらず西よりにあらずまた南よりにもあらざるなり
7 Laakiinse Ilaah baa xaakin ah, Isagu mid buu dejiyaa, ku kalena wuu sarraysiiyaa.
ただ神のみ審士にましませば此をさげ彼をあげたまふ
8 Waayo, Rabbiga gacantiisa waxaa ku jira koob, oo waxaa ka xumbaynaysa khamri, Oo waxaa ka buuxa wax laysku qooshay, oo kaasuu wax ka shubaa, Hubaal huubadiisa waxaa heenheensan doona oo cabbi doona dunida kuweeda sharka leh oo dhan.
ヱホバの手にさかづきありて酒あわだてり その中にものまじりてみつ 神これをそそぎいだせり 誠にその滓は地のすべてのあしき者しぼりて飮むべし
9 Laakiinse anigu weligayba waan rayrayn doonaa, Oo waxaan ammaan ugu gabyi doonaa Ilaaha Yacquub.
されど我はヤコブの神をのべつたへん とこしへに讃うたはん
10 Oo weliba kuwa sharka leh geesahooda oo dhan waan wada jejebin doonaa, Laakiinse kuwa xaqa ah geesahooda waa la sarraysiin doonaa.
われ惡きもののすべての角をきりはなたん 義きものの角はあげらるべし

< Sabuurradii 75 >