< Sabuurradii 73 >

1 Hubaal Ilaah waa u roon yahay reer binu Israa'iil, Iyo xataa kuwa qalbigoodu daahirka yahay.
A Psalm by Asaph. Surely God is good to Israel, to those who are pure in heart.
2 Laakiinse anigu waan turunturoon gaadhay, Oo tallaabooyinkayguna waxay u dhowaadeen inay simbiriirixdaan.
But as for me, my feet were almost gone. My steps had nearly slipped.
3 Waayo, waxaan ka hinaasay kuwa qabka weyn, Markaan arkay barwaaqada ay kuwa sharka lahu haystaan.
For I was envious of the arrogant, when I saw the prosperity of the wicked.
4 Waayo, geeridoodu xanuun ma leh, Laakiinse xooggoodu waa adag yahay.
For there are no struggles in their death, but their strength is firm.
5 Iyagu dhib kuma jiraan sida dadka kale, Oo sida dadka kalena uma belaayaysna.
They are free from burdens of men, neither are they plagued like other men.
6 Sidaas daraaddeed kibir wuxuu yahay sida silsilad qoorta u sudhan, Oo dulmi bay sida maro u huwan yihiin.
Therefore pride is like a chain around their neck. Violence covers them like a garment.
7 Indhahoodu baruur bay la bararsan yihiin, Oo waxay haystaan in ka sii badan waxa qalbigoodu doonayo.
Their eyes bulge with fat. Their minds pass the limits of conceit.
8 Wax bay ku qoslaan, oo xumaan daraaddeed dulmi bay ku hadlaan, Waxay hadlaan iyagoo kor isu qaadaya.
They scoff and speak with malice. In arrogance, they threaten oppression.
9 Afkoodii waxay gaadhsiiyeen samooyinka, Oo carrabkooduna wuxuu dhex maraa dhulka oo dhan.
They have set their mouth in the heavens. Their tongue walks through the earth.
10 Sidaas daraaddeed dadkiisii halkanay ku soo noqdaan, Oo koob biyo ka buuxa ayay madhsadeen.
Therefore their people return to them, and they drink up waters of abundance.
11 Oo waxay yidhaahdaan, Ilaah sidee buu wax u yaqaan? Kan ugu sarreeyana aqoonu ma ku jirtaa?
They say, “How does God know? Is there knowledge in the Most High?”
12 Bal eeg, kuwanu waa kuwa sharka leh, Oo mar kasta iyagoo istareexsan ayay hodantinimadoodu sii korodhaa.
Behold, these are the wicked. Being always at ease, they increase in riches.
13 Hubaal wax aan micne lahayn ayaan qalbigaygii ku nadiifshay, Oo aan ku faraxashay anigoo aan eed lahayn,
Surely I have cleansed my heart in vain, and washed my hands in innocence,
14 Waayo, maalintii oo dhan waa lay dhibayay, Oo subax kastana waa lay edbinayay.
For all day long I have been plagued, and punished every morning.
15 Haddaan odhan lahaa, Sidaasaan ku hadli doonaa, Bal eeg, waan khiyaanayn lahaa farcanka carruurtaada.
If I had said, “I will speak thus”, behold, I would have betrayed the generation of your children.
16 Markaan ku fikiray si aan tan ku ogaado, Aad bay iigu xanuun badnayd,
When I tried to understand this, it was too painful for me—
17 Ilaa aan galay meesha quduuska ah ee Ilaah, Oo aan ka fiirsaday ugudambaystooda.
until I entered God’s sanctuary, and considered their latter end.
18 Hubaal waxaad iyaga ku taagtaa meelo sibiibix ah, Oo waxaad hoos ugu tuurtaa si ay u baabba'aan.
Surely you set them in slippery places. You throw them down to destruction.
19 Sidee bay daqiiqad ugu noqdeen meel cidla ah! Dhammaantood waxay ku baabba'een cabsi.
How they are suddenly destroyed! They are completely swept away with terrors.
20 Sayidow, sidii mid riyo ka toosay Markaad toostid, waxaad quudhsan doontaa ekaantooda.
As a dream when one wakes up, so, Lord, when you awake, you will despise their fantasies.
21 Waayo, qalbigaygu wuu murugooday, Oo waxaa layga muday kelyaha,
For my soul was grieved. I was embittered in my heart.
22 Waxaan ahaa doqon iyo jaahil, Oo hortaada waxaan ku ahaa sidii xoolo oo kale.
I was so senseless and ignorant. I was a brute beast before you.
23 Habase yeeshee had iyo goorba waan kula joogaa, Oo waxaad i qabatay gacanta midig.
Nevertheless, I am continually with you. You have held my right hand.
24 Waxaad igu hoggaamin doontaa taladaada, Oo dabadeedna waxaad igu dhowayn doontaa ammaanta.
You will guide me with your counsel, and afterward receive me to glory.
25 Bal, yaan samada ku leeyahay adiga mooyaane? Oo dhulkana laguma arko mid aan kaa jeclahay.
Whom do I have in heaven? There is no one on earth whom I desire besides you.
26 Jiidhkayga iyo qalbigayguba waa itaal darnaadeen, Laakiinse Ilaah wuxuu weligiis ii yahay xooggii qalbigayga iyo qaybtayda.
My flesh and my heart fails, but God is the strength of my heart and my portion forever.
27 Waayo, bal eeg, kuwa kaa fogu way halligmi doonaan, Oo waad wada baabbi'isay kuwii kaa caasiyoobay oo dhan.
For, behold, those who are far from you shall perish. You have destroyed all those who are unfaithful to you.
28 Laakiinse aniga waxaa ii roon inaan Ilaah u soo dhowaado, Waayo, Sayidka Ilaahaa waxaan ka dhigtay magangalkayga, Inaan ka sheekeeyo shuqulladaada oo dhan.
But it is good for me to come close to God. I have made the Lord Yahweh my refuge, that I may tell of all your works.

< Sabuurradii 73 >