< Sabuurradii 7 >

1 Rabbiyow, Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyaa, Haddaba iga badbaadi kuwa i eryanaya oo dhan, oo iga samatabbixi,
psalmus David quem cantavit Domino pro verbis Chusi filii Iemini Domine Deus meus in te speravi salvum me fac ex omnibus persequentibus me et libera me
2 Waaba intaasoo ay naftayda sida libaax oo kale u kala dildillaaciyaane, Oo ay i kala jeexjeexaan intii aanay jirin cid iga samatabbixisaa.
nequando rapiat ut leo animam meam dum non est qui redimat neque qui salvum faciat
3 Rabbiyow, Ilaahayow, haddii aan waxan sameeyey, Haddii xumaanu gacmahayga ku jirto,
Domine Deus meus si feci istud si est iniquitas in manibus meis
4 Haddii aan shar ugu abaalguday mid ila nabad ah, (Haah, oo waxaan samatabbixiyey kii sababla'aan cadowga iigu ahaa, )
si reddidi retribuentibus mihi mala decidam merito ab inimicis meis inanis
5 De markaas cadowgu naftayda ha eryado, oo ha qabsado, Oo isagu ha igu tunto, Oo sharaftaydana ciidda ha ku rido. (Selaah)
persequatur inimicus animam meam et conprehendat et conculcet in terra vitam meam et gloriam meam in pulverem deducat diapsalma
6 Rabbiyow, cadhadaada la kac, Oo ku kac dhirifka cadaawayaashayda, Aniga daraadday u sara joogso, waayo, waxaad amartay xukun.
exsurge Domine in ira tua exaltare in finibus inimicorum meorum et exsurge Domine Deus meus in praecepto quod mandasti
7 Oo dadyowga ururradoodu ha ku hareereeyeen, Oo adna iyaga xagga sare uga noqo.
et synagoga populorum circumdabit te et propter hanc in altum regredere
8 Rabbigu dadyowga buu u garsooraa, Rabbiyow, ii xukun siday xaqnimadaydu tahay, iyo siday daacadnimadayda igu jirtaa tahay.
Dominus iudicat populos iudica me Domine secundum iustitiam meam et secundum innocentiam meam super me
9 Kuwa sharka leh sharkoodu ha dhammaado, laakiinse xoogee kuwa xaqa ah, Waayo, Ilaaha xaqa ahu wuxuu imtixaamaa qalbiga iyo uurka.
consummetur nequitia peccatorum et diriges iustum et scrutans corda et renes Deus
10 Gaashaankaygu wuxuu la jiraa Ilaaha Badbaadiya kuwa qalbigoodu qumman yahay.
iustum adiutorium meum a Deo qui salvos facit rectos corde
11 Ilaah waa xaakin xaq ah, Oo waa Ilaah maalin kasta dhirifsan.
Deus iudex iustus et fortis et patiens numquid irascitur per singulos dies
12 Haddii aan laga noqon, isagu seeftiisuu afaysan doonaa, Qaansadiisana wuu xootay, oo wuu diyaarsaday.
nisi conversi fueritis gladium suum vibrabit arcum suum tetendit et paravit illum
13 Oo weliba wuxuu diyaarsaday alaabtii dhimashada, Oo fallaadhihiisana wuxuu ka dhigtaa kuwo ololaya.
et in eo paravit vasa mortis sagittas suas ardentibus effecit
14 Bal eega, ninku wuxuu la dhibtoodaa xumaan, Oo wuxuu wallacay belaayo, oo wuxuu dhalay been.
ecce parturiit iniustitiam et; concepit dolorem et peperit iniquitatem
15 Booraan buu sameeyey, oo uu qoday, Oo wuxuu ku dhacay bohoshii uu isagu sameeyey.
lacum aperuit et effodit eum et incidet in foveam quam fecit
16 Belaayadiisu waxay dib ugu noqonaysaa madaxiisa, Oo dulmigiisuna dhaladiisuu ku soo degayaa.
convertetur dolor eius in caput eius et in verticem ipsius iniquitas eius descendet
17 Rabbiga waan ugu mahadnaqayaa sida ay xaqnimadiisu tahay, Oo waxaan u ammaanayaa magaca Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya.
confitebor Domino secundum iustitiam eius et psallam nomini Domini altissimi

< Sabuurradii 7 >