< Sabuurradii 68 >

1 Ilaah ha sara joogsado, oo cadaawayaashiisuna ha kala firdheen, Kuwa necebuna hortiisa ha ka carareen. 2 Sida qiiqu u kala firdho, iyagana sidaasoo kale u kala firdhi, Sida shamacu dabka ugu dhalaalo, Sidaasoo kale kuwa sharka lahu Ilaah hortiisa ha ku baabbe'een. 3 Laakiinse kuwa xaqa ahu ha farxeen, oo Ilaah hortiisa ha ku reyreeyeen, Haah, oo farxad ha ku reyreeyeen. 4 Ilaah u gabya, oo magiciisa ammaan ugu gabya, Kan lamadegaanka dhex mara jid weyn u fala, Magiciisu waa Yaah, ee hortiisa ku reyreeya. 5 Ilaah wuxuu rugtiisa quduuskaa ku yahay Agoonta aabbahood iyo carmallada xaakinkooda. 6 Kuwa cidlaysan Ilaah reero ayuu u yeelaa, Oo maxaabiistana intuu soo bixiyo ayuu barwaaqo dhex geeyaa, Laakiinse caasiyiintu waxay degganaadaan dhul oommane ah. 7 Ilaahow, markaad dadkaaga hor kacday, Markaad lamadegaanka ku dhex socotay, (Selaah) 8 Dhulku waa gariiray, Samooyinkuna waxay ku de'een Ilaah hortiisa, Xataa Buur Siinay nafteedu waxay ka gariirtay Ilaah hortiisa, kaasoo ah Ilaaha Israa'iil. 9 Ilaahow, waxaad soo daysay roob badan, Oo kuwa dhaxalkaagu markay daallanaayeenna waad xoogaysay. 10 Ururkaagu halkaasuu dhex degganaa, Ilaahow, wanaaggaaga aawadiis wax baad u diyaarisay masaakiinta. 11 Sayidku wuxuu bixiyey erayga, Kuwa warka faafiyaana waa guuto weyn. 12 Boqorrada ciidammadu way cararaan, way cararaan, Oo tan guriga ku hadha ayaa dhaca qaybisa. 13 Xeryaha idaha miyaad iska dhex jiifaysaan, Sidii baadad qoolley oo lacag lagu dahaadhay, Iyo baalasheeda oo dahab cas lagu dahaadhay? 14 Markii Qaadirku boqorrada halkaas ku kala dhex firdhiyey, Waxay ahayd sida marka baraf cad ku da'o Salmoon. 15 Buur Ilaah waxaa ah Buur Baashaan. Oo buur dheer waxaa ah Buur Baashaan. 16 Buurihiinnan dhaadheerow, bal maxaad u quudhsanaysaan Buurta Ilaah uu jeclaaday inuu hoygiisii ka dhigto? Haah, oo Rabbigu halkaasuu degganaan doonaa weligiisba. 17 Ilaah gaadhifardoodyadiisu waa labaatan kun, iyo xataa kumanyaal iyo kumaankun, Sayidku wuu ku dhex jiraa iyaga, siduu Siinay ugu jiri jiray xagga meesha quduuska ah. 18 Adigu kor baad u baxday, oo waxaad qabatay oo kaxaysay kuwii maxaabiista ahaan jiray. Oo waxaad hadiyado ka qaadatay dadka dhexdiisa, Iyo xataa caasiyiintaba, in Rabbiga Ilaah ahu halkaas joogo aawadeed. 19 Waxaa mahad leh Sayidka maalin kasta culaabteenna inoo qaada, Kaasoo ah Ilaaha ina badbaadiya. (Selaah) 20 Ilaah wuxuu inoo yahay Ilaaha samatabbixinta, Ilaaha Sayidka ah ayaa iska leh dhimashada kabixiddeeda. 21 Laakiinse Ilaah wuxuu wax ku dhufan doonaa madaxa cadaawayaashiisa, Iyo dhalada timaha leh oo kan xadgudubyadiisa ku sii socdaba. 22 Sayidku wuxuu yidhi, Waxaan iyaga ka soo celin doonaa xagga Baashaan, Oo waxaan ka soo bixin doonaa badda moolkeeda, 23 Inaad cagtaada dhiig darsatid, Iyo in eeyahaaga carrabkoodu uu qayb ka helo cadaawayaashaada. 24 Ilaahow, waxay arkeen tegiddaadii, Taas oo ah tegiddii Ilaahay oo ah Boqorkayga oo uu galay meesha quduuska ah. 25 Gabayayaashii way hor mareen, muusikaystayaashiina way raaceen, Dhexdana waxaa ku jiray hablo daf ku cayaaraya. 26 Kuwiinnan isha Israa'iil ka soo farcamayow, Shirarka ku dhex ammaana Ilaaha Sayidka ah. 27 Waxaa jooga Benyaamiin yar oo ah taliyahooda, Iyo amiirrada reer Yahuudah iyo guddigooda, Iyo amiirrada reer Sebulun iyo amiirrada reer Naftaali. 28 Ilaahaagu xooggaaguu amray, Ilaahow, waxaad noo samaysay noo xoogee. 29 Macbudkaaga Yeruusaalem ku yaal daraaddiis Ayaa boqorro waxay kuugu keeni doonaan hadiyado. 30 Canaano dugaagga cawsduurka ku dhex jira, Iyo dibida tirada badan, iyo weylaha dadka Oo ku tumanaya lacagta gogo'a ah, Isagu wuu kala firdhiyey dadyowga dagaalka jecel. 31 Masar waxaa ka iman doona amiirro, Itoobiyana haddiiba gacmaheeday u hoorsan doontaa Ilaah. 32 Boqortooyooyinka dhulkow, Ilaah u gabya, Ammaan ugu gabya Sayidka, (Selaah) 33 Kaasoo kor fuushan samada samooyinka sare, oo weligoodba jiray, Bal eega, wuxuu ku hadlaa codkiisa, oo weliba codkiisu waa xoog badan yahay. 34 Ilaah xoog ka sheega, Waayo, sharaftiisu waxay dul joogtaa reer binu Israa'iil, Oo xooggiisuna wuxuu ku jiraa samooyinka. 35 Ilaahow, meelahaaga quduuska ah waxaad ka tahay mid laga cabsado, Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu dadkiisa siiyaa xoog iyo itaal. Mahad waxaa leh Ilaah.

< Sabuurradii 68 >