< Sabuurradii 54 >

1 Ilaahow, magacaaga igu badbaadi, Oo xooggaaga iigu garsoor. 2 Ilaahow, baryadayda maqal, Oo erayada afkayga dhegta u dhig, 3 Waayo, shisheeyayaal baa igu kacay, Oo rag dulmi badan ayaa doonayay inay nafta iga qaadaan, Iyagu Ilaah kama fikirin. (Selaah) 4 Bal eega, Ilaah waa gargaarahayga, Oo Sayidkuna wuxuu la jiraa kuwa naftayda tiiriya. 5 Isagu sharka wuxuu ku celin doonaa cadaawayaashayda, Iyaga runtaada ku baabbi'i. 6 Waxaan kuu qali doonaa qurbaan ikhtiyaar ah, Rabbiyow, magacaaga waan ku mahadnaqi doonaa, waayo wuu wanaagsan yahay. 7 Waayo, isagu wuxuu iga samatabbixiyey dhibaato oo dhan, Oo ishayduna waxay cadaawayaashayda ku aragtay wixii aan doonayay.

< Sabuurradii 54 >