< Sabuurradii 43 >

1 Ilaahow, ii gar soor, oo dacwadayda kala muddac quruun aan cibaado lahayn, Iga samatabbixi ninka khiyaanada badan oo xaqa daran.
Vindicate me, God, and plead my cause against an ungodly nation. Oh, deliver me from deceitful and wicked men.
2 Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
For you are the God of my strength. Why have you rejected me? Why do I go mourning because of the oppression of the enemy?
3 Nuurkaaga iyo runtaada ii soo dir, oo ha i hoggaamiyeen, Oo ha i keeneen buurtaada quduuska ah, iyo taambuugyadaada.
Oh, send out your light and your truth. Let them lead me. Let them bring me to your holy hill, to your tents.
4 Oo markaasaan tegi doonaa meesha allabariga Ilaah, Iyo Ilaaha ah farxaddayda weyn, Ilaahow, Ilaahaygiiyow, kataaradda waan kugu ammaani doonaa.
Then I will go to the altar of God, to God, my exceeding joy. I will praise you on the harp, God, my God.
5 Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.
Why are you in despair, my soul? Why are you disturbed within me? Hope in God! For I shall still praise him: my Savior, my helper, and my God.

< Sabuurradii 43 >