< Sabuurradii 34 >

1 Wakhti kasta ayaan Rabbiga ammaani doonaa, Oo had iyo goorba ammaantiisu afkaygay ku jiri doontaa. 2 Naftaydu waxay ku faani doontaa Rabbiga, Oo waxaa maqli doona kuwa camalka qabow, oo weliba way ku farxi doonaan. 3 Rabbiga ila weyneeya, Oo aynu magiciisa wada sarraysiinno. 4 Rabbigaan doondoonay, oo isna wuu ii jawaabay, Oo wuxuu iga samatabbixiyey waxyaalihii aan ka cabsaday oo dhan. 5 Iyagu waxay fiiriyeen isaga, oo way iftiimeen, Oo wejigooduna weligood ceeboobi maayo. 6 Ninkan miskiinka ahu wuu qayshaday, oo Rabbiguna wuu maqlay, Oo wuxuu ka badbaadshay dhibaatooyinkiisii oo dhan. 7 Malaa'igta Rabbigu waxay hareeraysaa kuwa isaga ka cabsada, Oo weliba way samatabbixisaa. 8 Bal dhadhamiya oo arka in Rabbigu wanaagsan yahay, Waxaa barakaysan ninkii isaga isku halleeya. 9 Kuwiinna quduusiintiisa ahow; Rabbiga ka cabsada, Waayo, kuwa isaga ka cabsadaa waxba uma baahna. 10 Aaranka libaaxa wax baa ka dhimman, wayna gaajoodaan, Laakiinse kuwa Rabbiga doondoonaa wax wanaagsan uma baahnaan doonaan. 11 Carruurtoy, kaalaya oo i dhegaysta, Oo anna waxaan idin bari doonaa Rabbiga ka cabsashadiisa. 12 Bal waa ayo ninka nolol jecel, Oo cimriga dheer doonayaa, Si uu wanaag u arko? 13 Carrabkaaga shar ka jooji, Bushimahaagana inay khiyaano ku hadlaan ka ilaali. 14 Shar ka leexo, oo wanaag samee, Nabad doondoon, oo raacdayso iyada. 15 Rabbiga indhihiisu waxay fiiriyaan kuwa xaqa ah, Oo dhegihiisuna waxay u furan yihiin baryadooda. 16 Wejiga Rabbigu waa ka gees kuwa sharka sameeya Inuu iyaga xusuustooda dhulka ka baabbi'iyo. 17 Kuwa xaqa ahu way qayshadeen, oo Rabbigaa maqlay, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii oo dhan. 18 Rabbigu waa u dhow yahay kuwa dembigooda ka caloolyaysan, Oo kuwa ruuxoodu qoomamaysan yahayna wuu badbaadiyaa. 19 Kan xaqa ah dhibaatooyinkiisu way tiro badan yihiin, Laakiinse Rabbigu waa ka samatabbixiyaa dhammaantoodba. 20 Isagu wuxuu dhawraa lafihiisa oo dhan, Oo middoodna ma jabna. 21 Xumaan baa dili doonta kuwa sharka leh, Oo kuwa neceb kan xaqa ahna waa la eedayn doonaa. 22 Rabbigu nafta addoommadiisa wuu soo furtaa, Oo kuwa isaga isku halleeya, midkoodna lama eedayn doono.

< Sabuurradii 34 >