< Sabuurradii 32 >
1 Waxaa barakaysan kii xadgudubkiisa la cafiyey, oo dembigiisa la daboolay.
2 Waxaa barakaysan ninkii aanu Rabbigu dembi ku tirin, Oo ruuxiisa aanay khiyaano ku jirin.
3 Markii aan iska aamusay, lafahaygii way gaboobeen, Maxaa yeelay, maalintii oo dhan baan cabaadayay.
4 Waayo, habeen iyo maalinba gacantaadu way igu cuslayd, Oo qoyaankaygii wuxuu u beddelmay sidii engegga diraacda. (Selaah)
5 Dembigaygii adigaan kuu qirtay, oo xumaantaydiina ma aan qarin, Waxaan idhi, Xadgudubkayga waxaan u qiranayaa Rabbiga, Oo adna waad iga cafiday xumaanta dembigayga. (Selaah)
6 Taas daraaddeed mid kastoo cibaado lahu ha ku soo baryo wakhti lagu heli karo, Hubaal markii biyaha badanu dhulka qarqiyaan, isaga sooma ay gaadhi doonaan.
7 Waxaad tahay meeshaan ku dhuunto, oo dhib baad iga ilaalin doontaa, Oo waxaad igu wareejin doontaa gabayadii samatabbixinta. (Selaah)
8 Waan ku hanuunin doonaa oo waxaan ku bari doonaa jidka aad ku socon lahayd, Oo waxaan kula talin doonaa iyadoo ay ishaydu kula jirto.
9 Ha noqonina sida faraska ama baqalka aan garaadka lahayn, Kuwaasoo hoggaankoodu yahay xakame iyo birtiisa in lagu hayo, Haddii kalese innaba kuu soo dhowaan maayaan.
10 Kii shar leh waxaa ku dhici doona waxyaalo badan oo murug leh, Laakiinse kii Rabbiga isku halleeya waxaa ku wareegsanaan doona naxariis.
11 Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa oo reyreeya, Oo inta qalbigoodu qumman yahayow, kulligiin farxad la dhawaaqa.