< Sabuurradii 3 >

1 Rabbiyow, cadaawayaashaydu fara badanaa! Kuwa igu kacaa aad bay u badan yihiin. 2 Way badan yihiin kuwa naftayda wax ka sheegaa, iyagoo leh, Ilaah isaga caawin maayo. (Selaah) 3 Laakiinse, Rabbiyow, adigu waxaad tahay gaashaan igu wareegsan, Iyo sharaftayda, iyo kan madaxayga kor u qaada. 4 Codkayga ayaan Rabbiga ugu qayliyaa, Oo isaguna wuxuu iiga jawaabaa buurtiisa quduuska ah. (Selaah) 5 Anigu waan jiifsaday oo waan iska seexday, Oo haddana waan soo toosay, waayo, Rabbiga ayaa i xannaaneeya. 6 Ka baqi maayo dadka kumanyaalkaa, Oo gees kasta iga hareereeyey. 7 Kac, Rabbiyow, oo i badbaadi, Ilaahayow, Waayo, cadaawayaashaydii oo dhan waxaad ku dhufatay dhabanka, Oo kuwa sharka leh ilkahoodiina waad jejebisay. 8 Badbaado waxaa leh Rabbiga, Barakadaadu dadkaaga ha ku soo degto. (Selaah)

< Sabuurradii 3 >