< Sabuurradii 26 >

1 Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda, Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan. 2 Rabbiyow, i imtixaan, oo i tijaabi, Oo uurkayga iyo qalbigaygana baadh. 3 Waayo, raxmaddaadu waxay taal indhahayga hortooda, Oo waxaan ku socday runtaada. 4 Lama aan fadhiisan waxmatarayaal, Oo kuwa isyeelyeelana gudaha la geli maayo. 5 Waan necbahay ururka xumaanfalayaasha, Oo kuwa sharka lehna la fadhiisan maayo. 6 Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla'aanta, Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow, 7 Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo, Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan. 8 Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay, Iyo meesha ammaantaadu joogto. 9 Naftayda ha la ururin dembilayaal, Noloshaydana ha la ururin dhiigyocabyada, 10 Gacmahooda belaayadu ku jirto, Gacantooda midigna laaluush ka buuxo. 11 Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda, Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso. 12 Cagtaydu waxay ku taagan tahay meel siman, Oo Rabbigaan ku ammaani doonaa shirarka dhexdooda.

< Sabuurradii 26 >