< Sabuurradii 16 >

1 Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa. 2 Waxaan Rabbiga ku idhi, Sayidkayga baad tahay, Oo innaba wanaag ma haysto la'aantaa. 3 Quduusiinta dhulka joogtaa Waxaa weeye kuwa sharafta leh oo aan aad iyo aad ula faraxsanahay. 4 Kuwa ilaaha kale u dheereeya murugtoodu waa badnaan doontaa, Laakiinse anigu bixin maayo qurbaankooda cabniinka oo dhiigga ah, Oo magacyadoodana bushimahayga ku soo qaadi maayo. 5 Rabbigu waxaa weeye qaybtii dhaxalkayga iyo koobkayga, Adigu qaybtayda waad xannaanaysaa. 6 Dhulqaybsigii meelo wacan baan ku helay, Haah, oo waxaan leeyahay dhaxal wanaagsan. 7 Anigu waxaan ammaanayaa Rabbiga i waaniyey, Habeenkiina uurkaygu wax buu i baraa. 8 Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku xusuustaa, Oo anigu innaba dhaqdhaqaaqi maayo, Maxaa yeelay, isagu wuxuu joogaa midigtayda. 9 Taas aawadeed qalbigaygu waa faraxsan yahay oo naftayduna way rayraysaa, Oo weliba jidhkayguna ammaan buu ku jiri doonaa. 10 Maxaa yeelay, naftayda She'ool kuma dayn doontid, Kaaga quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko. (Sheol h7585) 11 Waxaad i tusi doontaa jidka nolosha, Hortaada farxad baa ka buuxda, Gacantaada midigna nimco baa ku jirta weligeed.

< Sabuurradii 16 >