< Sabuurradii 145 >

1 Ilaahayow, Boqorow, anigu waan ku sarraysiin doonaa, Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.
David’s [Psalm] of praise. I will extol thee, my God, O king; and I will bless thy name for ever and ever.
2 Maalin kasta mahad baan kuu naqi doonaa, Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.
Every day will I bless thee; and I will praise thy name for ever and ever.
3 Rabbigu waa weyn yahay, oo waa in aad loo ammaano, Weynaantiisuna waa mid aan la baadhi karin.
Great [is] the LORD, and greatly to be praised; and his greatness [is] unsearchable.
4 Farcanba farcan ayuu shuqulladaada u ammaani doonaa, Oo waxay ka warrami doonaan falimahaaga waaweyn.
One generation shall praise thy works to another, and shall declare thy mighty acts.
5 Anigu waxaan ka fikiri doonaa haybadda ammaanta leh oo sharaftaada, Iyo shuqulladaada yaabka badan.
I will speak of the glorious honour of thy majesty, and of thy wondrous works.
6 Dadku waxay ka hadli doonaan xooggii falimahaaga cabsida badan, Oo anna waxaan sheegi doonaa weynaantaada.
And [men] shall speak of the might of thy terrible acts: and I will declare thy greatness.
7 Waxay ku hadli doonaan wanaaggaaga badan xusuustiisa, Xaqnimadaadana way ka gabyi doonaan.
They shall abundantly utter the memory of thy great goodness, and shall sing of thy righteousness.
8 Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, Cadhona wuu u gaabiyaa, wuuna naxariis badan yahay.
The LORD [is] gracious, and full of compassion; slow to anger, and of great mercy.
9 Rabbigu wax kasta wuu u roon yahay, Naxariistiisuna waxay ka sarraysaa shuqulladiisa oo dhan.
The LORD [is] good to all: and his tender mercies [are] over all his works.
10 Rabbiyow, shuqulladaada oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan, Oo quduusiintaaduna way ku ammaani doonaan.
All thy works shall praise thee, O LORD; and thy saints shall bless thee.
11 Waxay ka hadli doonaan sharafta boqortooyadaada, Oo waxay ka sheekaysan doonaan xooggaaga,
They shall speak of the glory of thy kingdom, and talk of thy power;
12 Si ay binu-aadmiga u ogeysiiyaan Ilaah falimihiisa waaweyn, Iyo ammaanta haybadda boqortooyadiisa.
To make known to the sons of men his mighty acts, and the glorious majesty of his kingdom.
13 Boqortooyadaadu waa boqortooyo daa'imis ah, Oo dawladnimadaaduna way sii waartaa tan iyo ab ka ab.
Thy kingdom [is] an everlasting kingdom, and thy dominion [endureth] throughout all generations.
14 Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa kufa oo dhan, Oo wuxuu toosiyaa kuwa gota oo dhan.
The LORD upholdeth all that fall, and raiseth up all [those that be] bowed down.
15 Wax kasta indhahoodu adigay wax kaa sugayaan, Oo quudkoodana waad siisa xilligiisa.
The eyes of all wait upon thee; and thou givest them their meat in due season.
16 Gacantaadaad furtaa, Oo waxaad dherjisaa wax kasta oo nool.
Thou openest thine hand, and satisfiest the desire of every living thing.
17 Rabbigu jidadkiisa oo dhan wuu ku qumman yahay, Oo shuqulladiisa oo dhanna wuu ku nimco badan yahay.
The LORD [is] righteous in all his ways, and holy in all his works.
18 Rabbigu waa u dhow yahay inta isaga barida oo dhan, Kuwaas oo ah inta runta ku barida oo dhan.
The LORD [is] nigh unto all them that call upon him, to all that call upon him in truth.
19 Kuwa isaga ka cabsada waxay doonayaanba wuu siin doonaa, Oo weliba qayladoodana wuu maqli doonaa, wuuna badbaadin doonaa iyaga.
He will fulfil the desire of them that fear him: he also will hear their cry, and will save them.
20 Rabbigu inta isaga jecel oo dhan wuu ilaaliyaa, Laakiinse kuwa sharka leh oo dhan wuu wada baabbi'in doonaa.
The LORD preserveth all them that love him: but all the wicked will he destroy.
21 Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaanta Rabbiga, Oo inta jidh leh oo dhammuna magiciisa quduuska ah ha ammaaneen weligood iyo weligoodba.
My mouth shall speak the praise of the LORD: and let all flesh bless his holy name for ever and ever.

< Sabuurradii 145 >