< Sabuurradii 141 >

1 Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, haddaba ii soo dhaqso, Oo markaan kuu qayshado, codkayga dhegta u dhig. 2 Baryootankaygu ha noqdo sida foox hortaada la dhigay, Oo gacma-koruqaadiddayduna ha noqoto sida allabariga fiidnimo. 3 Rabbiyow, afkayga waardiye hor jooji, Oo albaabka bushimahaygana dhawr. 4 Qalbigayga ha u duwin wax shar ah, Yaanu falimo xumaan ah la gelin Dadka xumaanta ka shaqeeya, Oo yaanan wax ka cunin waxyaalahooda macaan. 5 Kan xaqa ahu ha i dilo, raxmad bay ii ahaan doontaa, Oo ha i canaanto, waxay ii noqon doontaa sida saliid madaxa lagu shubto, Madaxayguna yaanu diidin, Waayo, xataa intay sharkooda ku sii jiraan ayaan tukashadayda ka geesta ah sii wadaa. 6 Xaakinnadoodii waxaa lagu tuuray dhagaxa dhinacyadiisa, Oo iyagu waxay maqli doonaan erayadayda, waayo, way macaan yihiin. 7 Sida markii beerta la qodo oo dhulka la jeexo Ayaa lafahayagii ugu firidhsan yihiin She'ool afkiisa. (Sheol h7585) 8 Waayo, Ilaahow Sayidow, indhahaygu xaggaagay ku soo jeedaan, Oo adigaan isku kaa halleeyaa, haddaba naftayda ha dayrin. 9 Iga dhawr dabinka ay ii dhigeen, Iyo siriqda ay xumaanfalayaashu qooleen. 10 Kuwa sharka lahu ha ku dhex dheceen shabagyadooda Markaan anigu ka baxsado.

< Sabuurradii 141 >