< Sabuurradii 132 >

1 Rabbiyow, bal xusuuso Daa'uud Dhibaatooyinkiisii oo dhan,
A Song of Ascents. Yahweh, remember David and all his affliction,
2 Iyo siduu Rabbiga ugu dhaartay, Oo nidar ugu galay Ilaaha Xoogga leh oo Yacquub, isagoo leh,
how he swore to Yahweh, and vowed to the Mighty One of Jacob:
3 Hubaal anigu geli maayo teendhada gurigayga, Sariirtaydana fuuli maayo,
“Surely I will not come into the structure of my house, nor go up into my bed;
4 Indhahayga seexasho isugu qaban maayo, Il iyo baalna isu keeni maayo,
I will not give sleep to my eyes, or slumber to my eyelids,
5 Ilaa aan meel u helo Rabbiga, Oo aan taambuug u helo Kan Xoogga leh oo Yacquub.
until I find out a place for Yahweh, a dwelling for the Mighty One of Jacob.”
6 Bal eeg, annagu waxaan ku maqalnay Efraataah, Oo waxaan ka helnay berrinkii duurka.
Behold, we heard of it in Ephrathah. We found it in the field of Jaar.
7 Waxaan geli doonnaa taambuugyadiisa, Oo waxaan ku sujuudi doonnaa meeshuu cagaha saarto.
“We will go into his dwelling place. We will worship at his footstool.”
8 Rabbiyow, sara joogso, oo meeshaada nasashada gal, Adiga iyo sanduuqa xooggaaguba.
Arise, Yahweh, into your resting place, you, and the ark of your strength.
9 Wadaaddadaadu xaqnimo ha huwadeen, Quduusiintaaduna farxad ha la qayliyeen.
Let your priests be clothed with righteousness. Let your saints shout for joy!
10 Addoonkaagii Daa'uud daraaddiis Ha sii jeedin kaaga subkan wejigiisa.
For your servant David’s sake, don’t turn away the face of your anointed one.
11 Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay, Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo, Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.
Yahweh has sworn to David in truth. He will not turn from it: “I will set the fruit of your body on your throne.
12 Carruurtaadu hadday xajiyaan axdigayga Iyo markhaatifurkayga aan iyaga bari doono, De markaas carruurtooduna weligood bay ku fadhiisan doonaan carshigaaga.
If your children will keep my covenant, my testimony that I will teach them, their children also will sit on your throne forever more.”
13 Waayo, Rabbigu wuu doortay Siyoon, Oo wuxuu u jeclaystay inuu rugtiisii ka dhigto.
For Yahweh has chosen Zion. He has desired it for his habitation.
14 Halkanu waa meeshaydii nasashada weligeedba, Halkanaan degganaan doonaa, waayo, waan jeclaystay.
“This is my resting place forever. I will live here, for I have desired it.
15 Waxaan iyada aad iyo aad ugu barakayn doonaa quud, Oo masaakiinteeda waxaan ka dhergin doonaa cunto.
I will abundantly bless her provision. I will satisfy her poor with bread.
16 Wadaaddadeedana waxaan huwin doonaa badbaado, Quduusiinteeduna aad bay ula qaylin doonaan farxad.
I will also clothe her priests with salvation. Her saints will shout aloud for joy.
17 Halkaas waxaan ka dhigi doonaa in gees Daa'uud u soo baxo, Waxaan laambad u diyaariyey kii aan subkaday.
I will make the horn of David to bud there. I have ordained a lamp for my anointed.
18 Cadaawayaashiisa waxaan huwin doonaa ceeb, Laakiinse taajkiisu madaxiisuu ku waari doonaa.
I will clothe his enemies with shame, but on himself, his crown will shine.”

< Sabuurradii 132 >