< Sabuurradii 130 >

1 Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka. 2 Sayidow, codkayga maqal, Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon Codka baryootankayga. 3 Rabbiyow, haddaad dembiyada u fiirsatid, Bal yaa istaagi doona, Sayidow? 4 Laakiinse waxaa kula jirta dembidhaafid, In adiga lagaa cabsado daraaddeed. 5 Waxaan sugaa Rabbiga, Naftayduna way sugtaa, oo eraygiisa ayaan rajo ku qabaa. 6 Naftaydu waxay Sayidka u dhawrtaa In ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa, Haah, in ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa. 7 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba, Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay naxariis Iyo weliba furasho aad iyo aad u badan. 8 Oo wuxuu reer binu Israa'iil ka soo furan doonaa Dembiyadooda oo dhan.

< Sabuurradii 130 >