< Sabuurradii 129 >

1 Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen, Reer binu Israa'iil hadda ha yidhaahdeen, 2 Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen, Laakiinse igama ay adkaan. 3 Kuwa beerta jeexa ayaa dhabarkayga jeexay, Oo jeexjeexoodiina way dheereeyeen. 4 Rabbigu waa xaq, Oo isagu wuxuu kala gooyay xadhkihii kuwa sharka leh. 5 Inta Siyoon neceb oo dhammu, Ha ceeboobeen oo dib ha u noqdeen. 6 Ha noqdeen sida cawska guryaha korkooda ka baxa Oo engega intaanu korin, 7 Oo aan beergooyuhu gacantiisa ka buuxin, Kan xidhmooyinka xidhaana aanu laabtiisa ka buuxin. 8 Oo kuwa ag maraana ma yidhaahdaan, Barakadii Rabbigu korkiinna ha ahaato. Waxaan idiinku ducaynaynaa magaca Rabbiga.

< Sabuurradii 129 >