< Sabuurradii 128 >

1 Waxaa barakaysan mid kasta oo Rabbiga ka cabsada, Oo jidadkiisa ku socda. 2 Waayo, waad cuni doontaa waxa gacmahaagu ku hawshoodeen, Waadna farxi doontaa, oo waad barwaaqoobi doontaa. 3 Naagtaadu waxay gurigaaga ku dhex ahaan doontaa sida geed canab ah oo midho badan dhala. Carruurtaaduna waxay noqon doonaan sida geedo saytuun ah oo miiskaaga ku wareegsan. 4 Bal eeg, sidaasuu u barakoobi doonaa Ninka Rabbiga ka cabsadaa. 5 Rabbigu Siyoon buu kaa barakayn doonaa, Oo cimrigaaga oo dhan waxaad arki doontaa wanaagga Yeruusaalem. 6 Haah, oo waxaad arki doontaa carruurtaada carruurtooda. Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.

< Sabuurradii 128 >