< Sabuurradii 127 >

1 Haddaan Rabbigu guriga dhisin, Kuwa dhisaya, waxtarla'aan bay u hawshoodaan, Haddaan Rabbigu magaalada dhawrin, Waardiyuhu micnela'aan buu u soo jeedaa. 2 Faa'iido idiinma leh inaad aroor hore kacdaan oo aad goor dambe seexataan, Oo aad kibista dhibka cuntaan, Waayo, wuxuu kuwuu jecel yahay siiyaa hurdo. 3 Bal eeg, carruurtu waa dhaxal xagga Rabbiga laga helo. Oo midhaha maxalku waa abaalgudkiisa. 4 Sida fallaadho ku jira nin xoog badan gacantiis, Sidaasoo kale weeye carruurta dhallinyaranimadu. 5 Waxaa barakaysan ninkii gabooyihiisa ka buuxsada iyaga, Iyagu ma ay ceeboobi doonaan Markay cadaawayaashooda kula hadlaan xagga iridda.

< Sabuurradii 127 >