< Sabuurradii 125 >

1 Kuwa Rabbiga isku halleeyaa Waa sida Buur Siyoon oo aan la dhaqaajin karin, laakiinse weligeedba sii jirta.
سرود درجات آنانی که بر خداوند توکل دارند، مثل کوه صهیون‌اند که جنبش نمی خورد و پایدار است تا ابدالاباد.۱
2 Sida buuruhu Yeruusaalem ugu wareegsan yihiin Ayuu Rabbigu dadkiisa ugu wareegsan yahay, Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba.
کوههاگرداگرد اورشلیم است؛ و خداوند گرداگرد قوم خود، از الان و تا ابدالاباد است.۲
3 Waayo, usha xumaantu ku dhici mayso qaybta kuwa xaqa ah, Si aan kuwa xaqa ahu gacmahooda xumaan ugu soo fidin.
زیرا که عصای شریران بر نصیب عادلان قرار نخواهد گرفت، مبادا عادلان دست خود را به گناه دراز کنند.۳
4 Rabbiyow, kuwa wanaagsan wanaag u samee, Iyo weliba kuwa qalbigoodu qumman yahay.
‌ای خداوند به صالحان احسان فرما و به آنانی که راست دل می‌باشند.۴
5 Laakiinse kuwa geesta ugu leexda jidadkooda qalloocan Rabbigu wuxuu iyaga la kaxayn doonaa xumaanfalayaasha. Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.
و اما آنانی که به راههای کج خود مایل می‌باشند، خداوند ایشان را با بدکاران رهبری خواهد نمود. سلامتی بر اسرائیل باد.۵

< Sabuurradii 125 >