< Sabuurradii 124 >

1 Haddaan Rabbigu inala jirin Hadda reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen, 2 Haddaan Rabbigu inala jirin, Markii dadku inagu kacay, 3 Kolkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen, Markay aad inoogu cadhoodeen, 4 Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen, Durdurna nafteennuu dul mari lahaa, 5 Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen. 6 Waxaa mahad leh Rabbiga Aan inaga dhigin ugaadh ilkahoodu ay qabsadaan. 7 Nafteennu waxay u baxsatay sida shimbir uga baxsato dabinka shimbirrodabtaha, Dabinkii wuu go'ay, innaguna waynu baxsannay. 8 Caawimaaddeennu waxay ku jirtaa magaca Rabbiga Sameeyey samada iyo dhulkaba.

< Sabuurradii 124 >