< Sabuurradii 122 >

1 Waan farxay markay igu yidhaahdeen, Ina keena, aan guriga Rabbiga tagnee. 2 Yeruusaalemay, cagahayagu Waxay taagan yihiin irdahaaga gudahooda, 3 Yeruusaalem waxaa loo dhisay Sida magaalo isku wada dheggan, 4 Halkaasay qabiilooyinka, oo ah qabiilooyinka Rabbigu kor ugu baxaan Inay Israa'iil u marag furaan, Iyo inay magaca Rabbiga ku mahadnaqaan. 5 Waayo, waxaa yaalla carshiyo garsoorid loo dhigay, Waana carshiyadii reerka Daa'uud. 6 Yeruusaalem nabad ugu duceeya. Kuwa ku jecelu way barwaaqoobi doonaan. 7 Nabadu ha ku jirto derbiyadaada gudahooda, Barwaaqona ha ku jirto daarahaaga dhaadheer. 8 Walaalahay iyo rafiiqyadayda daraaddood Ayaan hadda waxaan odhanayaa, Nabadu gudahaaga ha ku jirto. 9 Rabbiga Ilaahayaga gurigiisa daraaddiis Ayaan wanaaggaaga u doondooni doonaa.

< Sabuurradii 122 >