< Sabuurradii 121 >

1 Buurahaan indhahayga ku taagi doonaa, Caawimaaddaydu xaggee bay ka iman doontaa? 2 Caawimaaddaydu waxay ka timaadaa Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka. 3 Isagu uma oggolaan doono in cagtaada la dhaqaajiyo, Kan ku dhawraa ma gam'i doono. 4 Bal eeg, kan reer binu Israa'iil dhawraa Ma gam'i doono, mana seexan doono. 5 Kan ku dhawraa waa Rabbiga, Rabbigu waa hooskaaga midigtaada taagan. 6 Qorraxdu maalinta waxba kuma yeeli doonto. Habeenkana dayaxu waxba kuma yeeli doono. 7 Rabbiga ayaa kaa dhawri doona shar kasta, Isagu wuxuu dhawri doonaa naftaada. 8 Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba Rabbigu wuxuu dhawri doonaa bixiddaada iyo soo geliddaadaba.

< Sabuurradii 121 >