< Sabuurradii 109 >

1 Ilaaha ammaantaydow, ha iska aamusin,
わが讃たたふる神よもだしたまふなかれ
2 Waayo, waxay igu kala qaadeen afka kan sharka leh iyo kan khiyaanada lehba, Oo waxay igula hadleen carrab been sheega.
かれらは惡の口とあざむきの口とをあけて我にむかひ いつはりの舌をもて我にかたり
3 Oo weliba waxay igu hareereeyeen erayo nacayb badan, Oo sababla'aan bay igula dirireen.
うらみの言をもて我をかこみ ゆゑなく我をせめて闘ふことあればなり
4 Anigoo jecel bay cadow ii yihiin, Laakiinse anigu Ilaah baan baryaa.
われ愛するにかれら反りてわが敵となる われただ祈るなり
5 Wanaag waxay iigaga abaalgudeen xumaan, Jacaylna nacayb.
かれらは惡をもてわが善にむくい恨をもてわが愛にむくいたり
6 Nin shar leh ka sarraysii isaga, Oo Shayddaan ha istaago midigtiisa.
ねがはくは彼のうへに惡人をたてその右方に敵をたたしめたまへ
7 Markii la xukumo, ha soo baxo isagoo dembi lagu helay, Oo tukashadiisiina dembi ha noqoto.
かれが鞫かるるときはその罪をあらはにせられ又そのいのりは罪となり
8 Cimrigiisu ha yaraado, Jagadiisana mid kale ha qaato.
その日はすくなく その職はほかの人にえられ
9 Carruurtiisu ha agoontoobeen, Naagtiisuna carmal ha noqoto.
その子輩はみなしごとなり その妻はやもめとなり
10 Carruurtiisu kuwa warwareega ha noqdeen oo ha dawarsadeen, Cuntadoodana ha ka doondooneen meelahooda cidlada ah.
その子輩はさすらひて乞丐 そのあれたる處よりいできたりて食をもとむべし
11 Midka korsaarta qaataa ha qabsado wuxuu haysto oo dhan, Oo shisheeyayaalna ha ka dheceen wixii uu ku hawshooday.
彼のもてるすべてのものは債主にうばはれ かれの勤勞は外人にかすめらるべし
12 Yaanu jirin mid isaga u sii naxariistaa, Oo yaanu jirin mid u naxa carruurtiisa agoonta ah.
かれに惠をあたふる人ひとりだになく かれの孤子をあはれむ者もなく
13 Farcankiisu ha baabba'o, Oo qarniga soo socda magacooda ha la tirtiro.
その裔はたえその名はつぎの世にきえうすべし
14 Xumaantii awowayaashiis Rabbigu ha soo xusuusto, Oo dembigii hooyadiisna yaan la tirtirin.
その父等のよこしまはヱホバのみこころに記され その母のつみはきえざるべし
15 Rabbiga ha hor joogeen had iyo goorba, Si uu xusuustooda uga gooyo dhulka.
かれらは恒にヱホバの前におかれ その名は地より斷るべし
16 Maxaa yeelay, isagu wuu xusuusan waayay inuu u naxariisto Miskiinka, iyo kan baahan, iyo kan qalbiga ka murugaysan, Laakiinse wuxuu u silciyey inuu iyaga laayo aawadeed.
かかる人はあはれみを施すことをおもはず反りて貧しきもの乏しきもの心のいためる者をころさんとして攻たりき
17 Wuxuu jeclaaday habaaridda, markaasaa habaar ku soo degay, Ducaynta kuma farxin, ducona way ka sii fogaatay isaga.
かかる人は詛ふことをこのむ この故にのろひ己にいたる惠むことをたのしまず この故にめぐみ己にとほざかれり
18 Oo weliba isagu wuxuu sidii dharkiisii u huwaday habaaridda, Oo iyana waxay gashay uurkiisa hoose sidii biyo oo kale, Oo lafihiisana waxay u gashay sidii saliid.
かかる人はころものごとくに詛をきる この故にのろひ水のごとくにおのれの衷にいり油のごとくにおのれの骨にいれり
19 Isaga ha u ahaato sida marada uu huwado, Iyo sida dhex-xidhka uu ku xidho had iyo goorba,
ねがはくは詛をおのれのきたる衣のごとく帶のごとくなして恒にみづから纏はんことを
20 Tanu waa abaalmarinta cadaawayaashaydu ay xagga Rabbiga ka helaan, Iyo kuwa naftayda xumaan ka sheegaba.
これらの事はわが敵とわが霊魂にさからひて惡言をいふ者とにヱホバのあたへたまふ報なり
21 Laakiinse Ilaahow, Sayidow, magacaaga daraaddiis wax iigu yeel, Naxariistaadu waa wanaagsan tahay, ee sidaas daraaddeed ii samatabbixi,
されど主ヱホバよなんぢの名のゆゑをもて我をかへりみたまへ なんぢの憐憫はいとふかし ねがはくは我をたすけたまへ
22 Waayo, anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan, Oo qalbigayguna wuu igu dhex dhaawacmay.
われは貧しくして乏し わが心うちにて傷をうく
23 Waxaan u dhammaaday sida hoos sii libdhaya, Waxaan u gilgilmaa sida ayax oo kale.
わがゆく状はゆふ日の影のごとく また蝗のごとく吹さらるるなり
24 Jilbahaygu soon bay la taag darnaadaan, Oo jidhkayguna baruurla'aanteed wuu la caatoobaa.
わが膝は斷食によりてよろめき わが肉はやせおとろふ
25 Oo weliba waxaan iyaga u noqday cay, Oo kolkay i arkaan ayay madaxa ruxruxaan.
われは彼等にそしらるる者となれり かれら我をみるときは首をふる
26 Rabbiyow, Ilaahayow, i caawi, Oo igu badbaadi si naxariistaada waafaqsan,
わが神ヱホバよねがはくは我をたすけその憐憫にしたがひて我をすくひたまへ
27 Si ay u ogaadaan in tanu tahay shaqadii gacaantaada, Iyo inaad taas samaysay, Rabbiyow.
ヱホバよこれらは皆なんぢの手よりいで 汝のなしたまへることなるを彼等にしらしめたまへ
28 Iyagu ha habaartameen, adiguse i barakee, Kolkay kacaan, way ceeboobi doonaan, laakiinse anigoo addoonkaaga ah waan rayrayn doonaa.
かれらは詛へども汝はめぐみたまふ かれらの立ときは恥かしめらるれどもなんぢの僕はよろこばん
29 Cadaawayaashaydu sharafdarro ha xidheen, Oo ceebtooda ha u huwadeen sida go' oo kale.
わがもろもろの敵はあなどりを衣おのが恥を外袍のごとくにまとふべし
30 Afkaygaan aad ugaga mahadnaqi doonaa Rabbiga, Haah, oo waxaan isaga ku ammaani doonaa dadka badan dhexdiisa.
われはわが口をもて大にヱホバに謝し おほくの人のなかにて讃まつらむ
31 Waayo, isagu wuxuu isa soo taagi doonaa miskiinka midigtiisa, Si uu uga badbaadiyo kuwa naftiisa xukuma.
ヱホバはまづしきものの右にたちてその霊魂を罪せんとする者より之をすくひたまへり

< Sabuurradii 109 >