< Sabuurradii 101 >

1 Waxaan ka gabyi doonaa naxariis iyo garsoorid, Rabbiyow, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaan. 2 Oo waxaan u dhawrsan doonaa si qumman oo caqliya, Bal goormaad ii iman doontaa? Waxaan gurigayga ku dhex socon doonaa qalbi qumman. 3 Indhahayga hortooda wax xun ma dhigi doono, Waan necbahay kuwa leexda shuqulkooda, Oo innaba iguma dhegi doono. 4 Qalbi qalloocanu wuu iga fogaan doonaa, Oo innaba wax shar ah ma aqoon doono. 5 Kii qarsoodi u xanta deriskiisa, kaas waan baabbi'in doonaa, Kii isla madax weyn oo qalbigiisu kibirsan yahayna uma dulqaadan doono. 6 Indhahaygu waxay la jiri doonaan kuwa aamiinka ah oo dalka deggan, si ay iila joogaan aawadeed, Kii si qumman u socda ayaa ii adeegi doona. 7 Kii khiyaano ka shaqeeyaase gurigayga ma joogi doono, Kii been ku hadlaana hortayda kuma xoogaysan doono. 8 Subax ilaa ka subax ayaan wada baabbi'in doonaa kuwa sharka leh oo dalka deggan oo dhan, Si aan magaalada Rabbiga uga baabbi'iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhan.

< Sabuurradii 101 >