< Sabuurradii 100 >

1 Inta dhulka deggan oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya. 2 Rabbiga farxad ugu adeega, Oo hortiisa gabay la kaalaya. 3 Ogaada in Rabbigu Ilaah yahay, Waxaa ina sameeyey isaga, oo waxaynu nahay kuwiisii, Waxaynu nahay dadkiisii iyo idihii daaqsintiisa. 4 Irdihiisa mahadnaqid la gala, Barxadihiisana ammaan. Isaga u mahadnaqa, oo magiciisa ammaana. 5 Waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, naxariistiisuna weligeed way sii waartaa, Aaminnimadiisuna tan iyo ka ab ka ab.

< Sabuurradii 100 >